Yaqiinso

Yaqiinso Yoom kasta wax cusub Yaqiinso

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Farmaajo labada madaxweyne ee talada dalka iskaga dambeeyay waxay kulamo qarsoodiga ah la yees...
13/07/2022

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Farmaajo labada madaxweyne ee talada dalka iskaga dambeeyay waxay kulamo qarsoodiga ah la yeesheen Israël.
Sida uu qorayo wargeys laga leeyahay yahuuda.

Waliba Wargayskan Wuxu leeyahay Madaxwayne Xasan Sheekh waxa suuragal ah in Barlamaanka uu horgeeyo xiriir lala yeesho Israël.

Cajiib

13/07/2022

Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiya Salad Samatar iyo Waxa ay Ka Aaminsantahay Puntland.

Waxa xalay magaalada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku geeriyooday Sheekh Nuur Macalin C/Raxmaan oo ka mid ahaa wadaad...
13/07/2022

Waxa xalay magaalada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku geeriyooday Sheekh Nuur Macalin C/Raxmaan oo ka mid ahaa wadaadada waa weyn ee taageersanaa ururka Alshabaab.

Sheekh Nuur oo u dhashay beesha Abgaal ayaa ka soo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe

Xaruumaha warbaahintu celcelis ahaan waxa ay sanadkii oo kaliya soo saaran dhaqaale gaadhaya 240,000$. Aan kula wadaago ...
12/07/2022

Xaruumaha warbaahintu celcelis ahaan waxa ay sanadkii oo kaliya soo saaran dhaqaale gaadhaya 240,000$.

Aan kula wadaago qaabka ay ku soo saaran dhaqaalahan faraha badan sanadkii oo kaliya .

Dad badan ayaa ku kala qaybsan aragtida ah ,warbaahinta soomaalidu dhaqaale ma leedahay mise waa bilaa dhaqaale?.
Waxa aan idinla wadaagi doona hal Tusaale oo inoo kala cadaynaysa isla markaana aad si fudud ugu ogaan karto doodan taagan ee ah waraabintu dhaqaale ma leedahay ?mise waa bilaa dhaqaale .

Marka la eego guud ahaan tirade muuqbaahiye (TV) ee somaliland ka hawl gala waa dhawr iyo toban TV ,mid kasta waxaa u shaqeeya shaqaale kala duwan.
Tusaale ahaan muuqbaahiyaha lagu magacaabo …X…(xarafkan X waa tusaale aynu u qaadanay magaca mid kamida xaruun warbaahineed ).
Waxa ay maalinkasta umada u soo tabiyaan warbaahintan ..X..ugu yaraan 20 war, oo ay wariyayaasha ka hawl gala gobolada kala duwan ay u soo diraan xaruunta warqabadka ee muuqbaahiyahan ..X..

wararkaa uu muuqbaahiyuhu soo tabinayo ee gaadhaya tirade ah 20ka war, waxa ugu yaraan lacag ah 5 war ,halka war ee qudhi waxa ay lacagtiisu u dhaxaysaa 100$ ilaa 150$ .
Marka laga jaro lacagta faa,idada ah ee uu ninka wariyuhu ku yeelanayo warkasta oo gaadhaysa 20% ilaa 30% ( warka qiimihiisu yahay 100$ waxa uu ku leeyahay 30$ ama 20$ waxa ay ku xidhantahay kolba xaruunta uu ka hawl galo kolba boqolayda ay kula heshiiyaan inuu war kasta ku yeelan doono) .
Hadiiba 20kii war 5 kamidi uu lacag yahay maalinkasta lacagtaasina ay u dhaxayso 100$ ilaa 150%, taa macneheedu waxa weyaan ,xaruunta warbaahintu waxa ay maalinkii soo saartaa lacag gaadhaysa 500$ waana marka laysku geeyo guud ahaan 5tii war ee lacagta ka noqday 20kii war ee ay maalinkaas soo tabiyeen.
marka maalin kaliya ay 500$ ay soo xarayso xaruuntaasi,bishii waa imisa .
500$x30= 15,000$ (waa bisha kaliya qiimahani )
Hadiiba halkii bil ee kaliya ay soo xaraynayaan faa,ido dhan 15,000$,sanadkiina intee in lee goo lacag ayay soo xareeyaan .
15,000$x12bilood =180,000$ (waa sanadkii oo dhan)
Lacagta intaa leeg kuma jiraan lacagtii laga heli jiray xayaysiisyada ,kuma jiraan lacagtii barnaamijyada gaarka ah ,kuma jiraan lacagtii laga heli jiray heshiisyada gaarka ah kaliya waa lacagta ay ka soo saaran warka.

Hadiiba warkii oo kaliya ay xaruunta warbaahintu ka faa,ido lacag gaadhaysa 180,000$ .imisa ayay ka faa,idaa lacagta xayaysiisyada iyo barnaamijyada gaarka ah ?
Xayaysiisku waa dhaqalaha kaliya ee ay warbaahintu u taqaano in ay u tahay wax soo saarkeeda ugu wayn .

Xayaysiiska halka bil ee kaliya waxa laga qaada xaruumaha ganacsi lacag gaadhaysa 500$ .
Hadii 10 meheradood ay heshiis la galaan xaruun warbaahineed (tv) oo ay kula heshiiyaan in xayaysiiska ay mudo sanad ah u sii daayan waxa ay ka helayaan lacag dhan 60,000$.
Halkii meherad ee qudhi (goob ganacsi) waxa ay sanadkii bixinaysaa 6000$ ,hadiiba xaruuntaasi haysato heshiis xayaysiineed oo gaadhaya 10 meheradood waxa ay faa,idaysaa lacag dhan (60,000$).

Guntii iyo gunaanadkii xaruuntii …x… waxa ay lacagtii warka ka faa,iday sanadkii oo dhan lacag gaadhaysa 180,000$ halka ay lacagtii xayaysiisyada ka faa,iday lacag gaadhaysa 60,000$ .
Hadii aynu isku gayno guud ahaan lacagta ay sanadkii soo xaraysay xaruuntii ..x.. Waxa ay noqotay (240,000$) waa sanadkii oo kaliya .
Waxaana lagu soo rogay go,aan ah in ay lacagtaa soo gasha ka bixiyaan cashuur gaadhaysa 3000$ sanadkii oo dhan.

Hadaba akhriste anoo kaaga mahadcelinaya sida aad wakhtigaaga qaaliga ah iila wadaagtay isku day inaad maskaxdaada iska waydiiso isla markaana aad aduu ka jawaabto labadan waydiimood .
1: lacagtan gaadhaysa 240,000$ oo ah lacagta faa,idada ah ee ay soo xaraysay xaruuntii warbaahineed ee ..x.. Hadii lagu soo rogay amar ah in 3000$ ay iskaga bixiso cashuur ahaan sanadkii iyadoo soo xaraysay lacagta intaa leed miyaa laga gardaranyahay oo lacag aanay awood u lahayn ayaa lagu soo rogay mise iyadaa gar daran oo indhaha ka qarsanaysa cashuur waajib ku ah oo lagu leeyahay?
2: su,aasha labaad waxa weyaan akhriste bal ka waran doodii ahayd xaruumaha warbaahintu ma leeyihiin dhaqaale wax soo saar mise malaha ? Adiguse hada maxaad aaminsantahay ?

Kani waa fikirkayga
Qoraa: sadaam siciid cabdi (s_wayo arag)

09/07/2022

Ereteriya maxay na tareen

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yaqiinso posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yaqiinso:

Share