NBC Somali TV

NBC Somali TV NBC Somali TV is a digital Television based in Mogadisho, The Capital City of Somalia. Covering the latest News Updates.

23/03/2026

Ciidamadii RRA 1996 iyo Ciidamada RRA 2026.

21/03/2026

Waa beerta dalxiiska ee Xusuus ahaan loogu sameeyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan AUN oo ahaa Halgamaa Somaaliyeed qarnigi 19-aad iyo 20-aad, waxa saas u sharafay una maamusay Waa dadkiisa halka Halgamaagii waynii ee Sayid Axmed gurey AUN qarnigii 16-aad ayuu si ba'an ula dagaalamay Xabashida illaa heer uu gaarsiiyay in ay Hilibka ceeriin ku cunaan itoobiyaanka Wuxuuna maamuli jiray Saldanadii ugu faca wayneed ee geeska Africa yeelato ninka intaas la'eg soo halgamay waa dad laawe dadkiisa aysan meel ku sheegin aysan xusin, Maamuusin halgankiisii.

19/03/2026

Taliye ku xigeenka Ciidanka Lugta Gen Cirro oo la dardaarmay Ciidankii uu kula kulmay Duleedka Maxaas.

19/03/2026

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa odayaasha dhaqanka isugu yeeray kulan deg deg ah oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan deg deg ah la qaatay Odayaa...
19/03/2026

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan deg deg ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha la xiriira faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Koonfur Galbeed.

19/03/2026

Shabaab iyo inta la sheekeesato hadaa loo yaabaa

Muuqaalka share dheh meel dheer gaarsiiya.

19/03/2026

ilmo uurka ku jira ma laga bixin karaa Sakaatul fitriga, 'wiil yar ayaa waydiiyay sheekh Umal.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inuu hadda la hadlay Amiirka Qatar iyo Donald Trump kadib weerarro lagu beegsaday ...
19/03/2026

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inuu hadda la hadlay Amiirka Qatar iyo Donald Trump kadib weerarro lagu beegsaday xarumaha soo saarista gaaska ee Iran iyo Qatar.

Wuxuu sheegay in ay dan guud tahay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu hayo kaabayaasha rayidka, gaar ahaan kuwa tamarta iyo biyaha.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay in la ilaaliyo dadka rayidka ah iyo baahiyahooda aasaasiga ah, isla markaana la hubiyo ammaanka sahayda tamarta, si looga hortago sii kordhinta xiisadda militari.

NBC Somali TV

19/03/2026

Nin Reer Muqdisho ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya talo siiyey kuna taliyey Laftagareen in laga fogaado oo aan lagu kadsoomin.

Wararka naga soo gaaraya dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromiya, gaar ahaan xuduudda Degmada Baabili, ayaa sheegaya ...
18/03/2026

Wararka naga soo gaaraya dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromiya, gaar ahaan xuduudda Degmada Baabili, ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto halkaasi.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ciidamo tiro badan laga soo dabulayo dhanka deegaanka Hararghe, kuwaas oo ku wajahan goobaha uu dagaalku maanta ka dhacay, gaar ahaan qabaleyada Nabadgale iyo Idishela ee Degmada Baabili.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhinaca Oromiya ay qaateen go’aan la xiriira dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah dhulka ay Soomaalidu degto, iyadoo marka la eego awoodda ciidamada la soo dabulayo ay muuqato in xiisaddu sii xoogeysan karto.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada maamulka Deegaanka Soomaalida ama maamulka Gobolka Faafan oo ku saabsan arrintan.

NBC Somali TV

DEG- DEG:- Xildhibaanada Laga Soo doortay maamulka Koonfur galbeed oo taageeray go'aanka Koonfur Galbeed xiriirka ugu ja...
18/03/2026

DEG- DEG:- Xildhibaanada Laga Soo doortay maamulka Koonfur galbeed oo taageeray go'aanka Koonfur Galbeed xiriirka ugu jartay DFS, taas oo ay ku saleeyeen faragalin ay dowladda soomaaliya ku haysay mudooyinkii u danbeesay, iyadoo XFS ku eedeeyeen in gudaha Maamulka KGS ka wadeen dagaalo colaadeed oo bulshada iyo Maamulkooda la isaga hor keenayay.

18/03/2026

DEG DEG: IRAN Oo Miinooyin Badan Ku Xirtay Marinka Hormuz, Marekanka Oo Ku Fashlmay Dagaalka.

Address

Mogadishu

Telephone

+252683558077

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NBC Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category