 
                                                                                                    23/07/2025
                                            MA DIIRNAX MISE WAA DABAR?!
Sida aan og nahay, Allana uu kitaabkiisa inoogu caddeeyay, guurku waa naxariis, jacayl iyo is weheshi, Alle waxa uu yiri:
 وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً
[الروم: 21]
Alle ayaadkiisa waxaa ka mid ah; in uu idiin abuuray xaasas, si aad u heshaan xasillooni nafeed, waxa uuna idin dhex dhigay kalgacal iyo naxariis.
Sidaas darteed, guurku waxa uu muhiim u yahay nolosha qofka, oo ma helayo nagaashiyo isaga la'aantiis, sidoo kale guurku waxa uu ka mid yahay sunnooyinka wanaagsan ee aanu ka dhaxalnay nebiga ﷺ, aad ayuuna ugu boorin jiray dhallinyarada kii awooda, ilaa uu ka yiri nebiga ﷺ: guurku waa mid ka mida sunnadayda, ciddii nacdana iga mid maaha!.
Sidoo kale, guurku waxa uu dowr wayn ka qaataa dhamaystirka iimaanka qofka, oo waxa uu noqonayaa mid dhowrsoon, aanan u il taagin markaa jinsiga kale. Guurku waxa uu udub dhexaad u yahay kobaca bulshada Islaamka ah, waxaana loo jideeyay in lagu ilaaliyo abtirsimada qofka si laysu ilaashado, loona dhowra sharafka Aadanaha. 
Haddaba, waa qasab in labada qof ee isu yimid in ay jiraan xuquuq kala celisa, si aan laysugu xad gudbin, mid walbana uu seerkiisa ugu ekaado, masuuliyaddana waxaa loo kala qaaday laba qayb: marka ugu horraysa ninka waxaa dusha laga saaray wax walba oo ay gabadhu u baahnayd, haddii ay noqlahayd biilkii, baatigii iyo xorriyaddii shaqsiyeed oo ay in badan oo bulshada ka mid ahi si kale u fahmeen, gabadhana waxaa dusha laga saaray ninkaa in ay guriga u joogto sharaftiisa, hantidiisa iyo amaanooyinkiisoo dhan ay u ilaaliso, intaas haddii mid kood laga waayo waxa ku imaanaya gurigaas dheelli aad u daran.
Xuquuqda laysku leeyahay intaa oo kaliya maaha, balse waa intii ugu muhiimsanayd, waxaa kamida in lays maqlo labada dhinacba oo aan lays liidin, in aan lays af gaaran gacan warkeed daaye, iyo in lays xurmeeyo, haddii intaan iyana la waayo gurigaasi halis waxa uu ugu jiraa in uu dumo. 
Waxaa jira marka, hal mid oo ay raggu iska dhaadhiciyeen, ma ragga Soomaaliyeedbay gaar u tahay mise ragga caalamka ee muslimiinta ah way la qabaan garan waayay anigu, waa in ay u haystaan gabdhan uu soo guursaday u tahay addoon oo kale, kaliyana nolosheeda loogu tala galay ku raaxaysi, iyo in ubad laga dhalo, oo aysan lahayn wax dowr ah oo kale, dhabtuna sidaa maaha, qofkasta oo uu Alle uumay waxa uu u uumay xikmad iyo in ay nolosha koonkan ay dowr ku lahaato, way jiraan wax aan loo ogolayn dumarka oo ay diintu ka reebtay u dhimrin darteed, markii ay guurtimaadana noloshan waa loo siman yahay in laysla wado, lays qaddariyo oo aan layska dul boodin, ama aan laysku aamiiraynin, waxaa jira rag kaliya uu haysta in ay iyaga uun xaq leeyihiin, dhagaysta kaliya maxay diintu u saartay hablaha ragooda, oo aan warba u hayn maxaa iyaga laga rabaa? 
Nebigu ﷺ waxa uu yiri: kan idinkugu wanaagsan waa midka ehelkiisa (xaaskiisa) u wanaagsan, anna waxaan ahay midka idinkugu wanaagsan ehelkiisa. Wuxuu tilmaamayaa nebigu in guurku uu yahay wax wadaag ee uusan ahayn in mid uun wanaagga aan laga sugin, raggana laga rabo dumarkana laga rabo, waliba inta uu dumarka ka dardaarmay nebigu xisaab malaha. Waxa ay mudan yihiin hablaheenna in aynu madaxa ka dhunkanno mar walba, waayo waxa ay dusha u riteen waajib aanu Alle saarin, haddii dhabta laga hadlo waxa ay xaq u leeyihiin in ay lugaha is dulsaartaan oo fadhigooda loogu adeego, waajib kuma aha in ay cunno karin gasho, ilmaha u koriso, raashin u kariso, naaska nuujiso iyo in ay dharka u mayrto, xaqeedu waxaa waaye kaliya; waxa ay iyadu cuni lahayd in ay karsato in uu u keeno ninkuna waa ku waajib, intaba hablaheennu waa sameeyaan haddana wax qaddarin ahna ku haystaan oo bulshadu waaba ku liiddaa.
Tan xigta ee ah waalidka, haa way jiraan axaadiis sheegaysa in waalidku ka xaqleeyahay ninku, balse ma sheegayaan waalidka waa la gooynaa amaba ma soo booqan kartid hadduu ninku dhoho ma soo booqan karto gabadha waalidkeed, waalidku xaqbuu leeyahay aan la dhayalsan karin, Allana xaqiisa waxa uu ku xijiyay kan waalidka ee kumuu xijin kan ninka, sidaas daraadeed ninku xaq uma laha in uu ka reebo gabadha in ay waalidkeed booqato, haddii uu hor istaagana waxaaba halis ah in uu guriga dumo, waxaana bulshada dhexdeeda ku batay in raggu isla ekaysiinayaan waalidka gabadha, waana wax aan sax ahayn.
Gabadhu xaq ma uleedahay in ay iska baxdo fasax la'aan? Maya, haddii uusan jiran wax qasbaya, in gabadhu fasax la'aan iska baxdo waa wax uu sabab u yahay ninku, gabadhu waa qof nool oo dan yeelan kara, haddii uu yimaado in ninku marwalba is hortaagayo way iman in ay soo danaysato soona laabato, mana aha wax lagu eedayn karo, caqliyadda ah meelna aadimaysid waa mid ku dhisan gumaysi xaqiiqdii, cidna xilligan cajajuub aqbali mayso gurigaasna fursadda ah in uu sii jirana way yartahay, ixtiraam darradana halkaas ayay ka timaadaa, ugu damaynna waa lagu kala tagaa.
Ugu damayn, gurigu waxa uu ku taagnaan karaa in ay labada qof is ixtiraamaan, isuna oggolaadaan waxaan diintu diidayn, loona adeegsan diinta sida xabsi oo kale, Alle waxa uu yiri:
(هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمْ وَأَنتُمْ لِبَاسٌ لَّهُنَّ ۗ ) [187-البقرة]
Xaasaskiina waxaad isu tihiin hu'.
Alle waxa uu ina leeyahay; xaasaskiinnu waxaad isu tihiin hu', hugana waa laysku asturaaye sidaa aawadeed, is astura oo is wanaajiya, isna xushmeeya, guri waxa uu taagnaan karaa markii lays maqlayo waxna layska qaadanayo, xaasaskeenna yaynaan u arag addoomo, ee aan u aragno dad innaga oo kale ah waxna aan isku darsannay. Guyaha Alle hanoo wanaajiyo.
Cabdimaalik Saciid.
23 luulyo 2025.                                        
 
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                         
   
   
   
   
     
   
   
  