12/03/2023
*Xagee daggantahay? ayaa xamar xukmisay.*
Qolada xamar isk leh ama deegaan ku ah waxaa lagu ogaadaa adigoo qofka weydiiyo su'aasha ah xagee daggantahay? Sadex koox ayaa midba nooc uga jawaabtay.
Qolada 1aad: waxaan daganahay Buurka diikow, jiiro wacbuudhan, xaliima hayti, jamhuuriya, Arjantiin, madiina, siigaale, sanca, suuq bacaad iyo Towfiq.
Qolada 2aad: waxaan daganahay barmuudo, buuloxuubey, tiitiinley, xararyaale, jiiro naajac, buulo israafil, buulo mugdi , buulo boocleey, ciise cabdi, buurka cashara, dibley aqableey, Abtooy iyo Aadan Saloog
Qolada 3aad: waxaan daganay: Barxadda tar
abuunka, Haanta dheer, african Village, sarta seybiyaano, warshada baastada,warshadda caanaha, tarraqa iyo sigaarka, xero ruush, xero shiino, xero jarmal, xerada guulwadayaasha, buulo ticniko, bangaariya, guryihi ifya aaqiro ee xamar bile, iyo safaarda sucuudiga.
Dadna goofohoodi ayay dagganyihiin dadna guryo danguud iyo xerooyin ciidan ayay degganyihiin