19/09/2025
Faa’iidada ay leedahay isku-xirnaanta qaraabada (صِلَةُ الرَّحِم)
1. Raxmad iyo barako – Nabigu ﷺ wuxuu yiri: “Qofkii raba in loo barakeeyo camalkiisa iyo cimrigiisa, ha isku xiro qaraabadiisa.” (Bukhaari & Muslim).
2. Korodhka nolol iyo rizqi – Isku xirnaanta qaraabadu waxay keentaa in rizqiga la balaariyo, cimrigana la dheereeyo.
3. Xoojinta jacaylka iyo kalsoonida bulshada – Waxay kordhisaa is-caawinta, kalgacalka iyo isku halaynta dadka qaraabada ah.
4. Ajar iyo darajo Janno – Ilaahay Qur’aanka ku amray:
Ee ka cabsada Allah oo dhowra xiriirka qaraabada
5. Ka hortag colaado iyo kala fogaansho – Marka la is xiro waxaa yaraada xaasidnimada iyo khilaafaadka qoyska.
faa’iido-darrada ka dhalata haddii la ismaqli waayo oo xiriirka la jaro (قَطْعُ الرَّحِم)
1. Cadhada iyo nacladda Ilaahay – Qur’aanka ayuu Alle ku yiri:
Kuwa xiriirka qaraabada gooya, kuwaasna Ilaahay wuu lacnaday, wuxuu ka dhigay kuwo indhool ah oo qalbigoodu xiran yahay
2. Ducooyinka laguma aqbalo – Nabigu ﷺ wuxuu yiri: “Camalku ma kor u kaco ilaa la sameeyo xiriirka qaraabada.
3. Xumaan iyo cidlo nololeed – Qofka xiriirka gooya waxaa ku dhaca cidlo, qalbi-adayg iyo cadaadis nololeed.
4. Khasaaro aakhiro – Qofka xiriirka qaraabada gooya waxaa ka xanniban jannada. Nabigu ﷺ wuxuu yiri: “Qofka xiriirka qaraabada gooya jannada ma geli doono.
5. Kororka khilaaf iyo nacayb – Marka la ismaqli waayo, qoyska iyo bulshada waxaa ku bato xasadka, colaadda iyo kala qeybsanaanta.