Mogadishu Post

Mogadishu Post Mogadishu Post is the most trusted website in Somalia that provides the latest breaking news, entert

13/02/2022

Wararka Soomaaliya maanta

11/02/2022

Wararka Soomaaliya maanta.

Isha wararka - Mogadishu Post

Guddiga Doorashooyinka heer Dawlad gobaleed ee Koonfur Galbeed ayaa sii daayay 13 Kursi oo doorashadooda lagu qaban doon...
10/02/2022

Guddiga Doorashooyinka heer Dawlad gobaleed ee Koonfur Galbeed ayaa sii daayay 13 Kursi oo doorashadooda lagu qaban doono magaalada Baraawe.

Maanta iayado lasoo gabagabeeyey 13-kii h**e ee ay guddigu soo h**e u sii daayeen deegaan doorashadooduna ahayd magaalada Baraawe, waxaana 13-ka cusub ay sheegeen guddigu in ay qaban doonaan todobaadka soo socda.

Isha wararka - Mogadishu Post.

09/02/2022

Muqdisho Post waa mareegta loogu kalsoonaan karo Soomaaliya oo bixisa wararkii ugu dambeeyay, wararka madadaalada, wararka ciyaaraha, ganacsiga iyo tignoolajiyada.

09/02/2022

Wararka Soomaaliya maanta.

Isha wararka - Mogadishu Post

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer D/G Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay liiska Murashaxiinta isu soo diiwaan galiyay ee ...
09/02/2022

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer D/G Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay liiska Murashaxiinta isu soo diiwaan galiyay ee ku tartami doon 13 Kursi oo ka mid ah kuraasta doorashadoodu ka dhacayso Deegaan Doorashada labaad ee BARAAWE.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY FADHIGA GOLAHA NABADDA IYO AMMAANKA EE SHIR-MADEXEEDKA MIDOWGA AFRIKAAddis Ab...
06/02/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY FADHIGA GOLAHA NABADDA IYO AMMAANKA EE SHIR-MADEXEEDKA MIDOWGA AFRIKA

Addis Ababa, Febraayo 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ku soo bandhigayey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay la dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto dabargoynta arxanlaaweyaasha Alshabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah.

“Argagixisada Alahabaab waxa ay khatar ku tahay dhammaan nolosha dadka Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno khataraha inagaga imaanaya argagixisada Alshabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda qaran, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen Bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta ka soo fula dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Alshabaab, waxa ayna taasi keentay in soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran.”

Shirka oo maalintiisii labaad galay, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha, la dagaallanka ayaxa, iyo arrimo kale oo quseeya Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika.

06/02/2022

Warbixin ku saabsan wararka Soomaaliya. Ku soo dhawaada page-keena walaalayaal.

Isha wararka - Mogadishu Post

Galmudug ayaa sii deysay Qabashada doorashada 8 kursi oo kamidah Gollaha Shacabka.Isha wararka - Mogadishu Post.
05/02/2022

Galmudug ayaa sii deysay Qabashada doorashada 8 kursi oo kamidah Gollaha Shacabka.

Isha wararka - Mogadishu Post.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA ITOOBIYAAddis Ababa, Febraayo 04, 2022; Madaxweynaha Jamhu...
04/02/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA ITOOBIYA

Addis Ababa, Febraayo 04, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Isha wararka - Mogadishu Post.

Address

Wadajir
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mogadishu Post:

Share