15/12/2025
Madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaanayo ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lacag dhan 3 milyan oo dollar ka qaatay madaxda uu waqtigu ka idlaaday ee Hirshabeelle, Koonfur galbeed & Galmudug, si aysan u gelin doorasho ama looga ilaaliyo siyaasiyiinta gacan saarka la leh Villa Somalia ee doonaya in ay u tartamaan hoggaanka dowlad goboleedyada seddexda ah.
Lacagta oo aheyd tii kabka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa maalmo kahor fasaxay wasaaradda maaliyadda faderaalka, laakiin dowladdaha Hirshabeelle, Galmudug & Koonfur galbeed ayaa min hal miyan kusoo celiyay koonto xisaabeed oo ay leedahay shirkad si gaar ah ula shaqeysa Madaxweynaha Soomaaliya oo horay u qaadi jirtay lacagaha dhulka lagu xaraasho.
Villa Somalia ayaa hadda cadaadineysa hoggaanka muddo dhaafka ah ee seddexdan maamul, halka Jubaland & Puntland ay ka badbaadeen culeysyada ka imaanaya Madaxweyne Xasan Sheekh ee la xiriira kursi deeq ku bedelashada soo korortay.