Maxamed Maxamuud bidhaan

Maxamed Maxamuud bidhaan Naftaada Adaa Masuul Ka Ah

20/08/2026

Weligaa ha dhihin waxba ma haysto, intaad haysato carrab ku dhawaaqi kara 'Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam'."

Geelaas wuu nasiib badan yahay runtii.Dad badan oo masaakiin ah oo sadaqo ahaan loogu deeqay, ayaa sababtiisa ku baranay...
20/08/2026

Geelaas wuu nasiib badan yahay runtii.Dad badan oo masaakiin ah oo sadaqo ahaan loogu deeqay, ayaa sababtiisa ku baranaya taariikhda Nebigeena Muxammad ah (NNKH). Wax badan bay Nebiga ka baranayaan, taasina waxay keenaysaa inay Nebiga aad u jeclaadaan.

Sidoo kale, culimada iyo inta ka shaqaynaysa arrintaan, sida ay maanta dadka kale uga dhex muuqdaan, waxaan u rajaynayaa in aakhirana ay dadka kale ka dhex muuqdaan oo ay safka Nebiga hormuud ka noqdaan, Insha'Allah.

19/08/2026

Waxaan ka tacsiyaynaynaa dhalinyarada aqoonyahanka iyo haldoorka u ahaa bulshada ee ku geeriyooday dagaalkaasi. Waa wax laga xumaado in damaca siyaasiyiinta xukunka u waalan uu burburiyo mustaqbalka dalkeena iyo dadkeena.

Intaas ka dib Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo saaray warbixin iyo sawirro cadayn u ah weerar ay "As" ku soo qaadeen magaalada Baydhabo.


18/08/2026

Meel cidlo ah oo ilaahay lagu baryo macaanka ay leedahay ninkaan oo kale ayaa dareemi kara iyo inta samaysa markasta.

18/08/2026

Mid ka mid ah taariikhdii xumeyd ee laga diiwaan geliyay magaalada qadiimiga ah ee beydhabo.

Waxaan ka xumahay in siyaasiyiin dibad joog ah ay wiilashaas qoryo usoo dhiibaan ka dibna ay dabka galiyaan si ay xukun u helaan.

18/08/2026

Wadamo afrikaan ah ayaa bilaabay inay la dagaalamaan Waxa afka qalaad lagu dhaho (Corruption) Musuq maasuq.

18/08/2026

Koox ciyaartooy ah oo nabiga amaanayoโค๏ธโค๏ธ
Waxaana u fiican kooxdaan wanaagsan Inay dhaqanka nabiga qaataan maadaama ay nabiga jecaylkiisa soo bandhigeen

Adduunyadu waa uun hanti dhammaanaysa, adduunyaduna ma laha sugnaan (ma waarinayso).Adduunyadu waa uun dhex degis la mid...
17/08/2026

Adduunyadu waa uun hanti dhammaanaysa, adduunyaduna ma laha sugnaan (ma waarinayso).

Adduunyadu waa uun dhex degis la mid ah guri ay caarocaddo (caaro) tixday, Guriga caaradu waa dhismaha ugu nugul dunida.Wuxuu ku dumi karaa taabasho yar

Waxaa hubaal ah inay kugu filan tahay adduunka quud (cunto) aad ka hesho, adigoo ah mid raadinaya.

Waxaan ku dhaartay naftayda, in muddo yar ka dib uu dhiman doono qof kasta oo ku dhex nool.

Ciidan Milatari Oo Xoog Leh๐Ÿซถ๐Ÿซถ
16/08/2026

Ciidan Milatari Oo Xoog Leh๐Ÿซถ๐Ÿซถ

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚ ๐—•๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ-๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ: Munaasabadaha iyo xafladaha loo dhigo sanad-guurada dawlad...
16/08/2026

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚ ๐—•๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ-๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ:

Munaasabadaha iyo xafladaha loo dhigo sanad-guurada dawlad-goboleedyada dalka iyo dawladda dhexe waxaa inta badan ku baxa kharash aad u baaxad weyn oo si fudud looga baaqsan karo.

Xaflad kasta oo la qabto waxaa la aaminsan yahay inay ku baxdo lacag dhan ugu yaraan $๐Ÿญ๐Ÿฌ๐Ÿฌ,๐Ÿฌ๐Ÿฌ๐Ÿฌ (๐—•๐—ผ๐—พ๐—ผ๐—น ๐—ž๐˜‚๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ฟ), iyadoo ay aad u macquul tahay in kharashku intaas ka sii bato oo uu gaaro illaa $๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฌ,๐Ÿฌ๐Ÿฌ๐Ÿฌ (๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ ๐—•๐—ผ๐—พ๐—ผ๐—น ๐—ผ๐—ผ ๐—ž๐˜‚๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ฟ).

Haddaba, ujeeddada ugu weyn ee sanad-guuradu waa in laga sheekeeyo halgankii, aasaaskii, iyo taariikhdii maamulkaas soo maray, taasi ayaana ku filan in lagu maamuuso munaasabadda.

Lacagtaas tirada badan ee ku baxaysa xafladaha beddelkeeda, waxaa habboon in lagu dabiibo dadka xanuunsan ee danta yar ee aan haysan kharashka caafimaad. Waxaa jira dad badan oo laga yaabo inay naftu uga baxayso xaalado caafimaad oo u baahan kharash yar oo qiyaastii gaaraya $๐Ÿฑ,๐Ÿฌ๐Ÿฌ๐Ÿฌ (๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ป ๐—ž๐˜‚๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ฟ), laakiin aan haysan meel ay u ciirsadaan.

Sidoo kale, waxaa la mid ah xafladaha tirada badan ee lagu qabto caasimadda Muqdisho, kuwaas oo lagu bixiyo kharashyo faro badan oo laga maarmi karo.

Sida saxda ah, Ilaahay wuxuu na weydiin doonaa hantideena meesha aan ku bixinnay. Sidaa darteed, dawladda iyo maamulada dalka ee dabaaldegaya waxaa ku habboon inay marka h**e ka warhayaan bulshada daciifka ah iyo dadka xanuunsan ee aan awoodin kharashka caafimaadka; waayo markii aan innagu isku naxariisanno, ayuu Ilaahayna inoo naxariisanayaa.

Address

Mogadishu

Telephone

+252613572121

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxamed Maxamuud bidhaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share