14/08/2021
HADAL-JEEDINTA MUNAASABADDA DAAH-FURKA GUDDIGA MADAXA BANNAAN EE LA DAGAALLANKA MUSUQ-MAASUQA IYO KU BIIRISTA SHARCIYADA CAALAMMIGA AH EE LADAGAALLANKA MUSUQ-MAASUQA
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Asalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wa Barakaatuhu.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS
Wasiirrada Xukuuumadda Federaalka Soomaaliya
Xildhibaannada Labada Aqal ee BFS
Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Banaadir
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
Guddoomiyaha Guddiga La Dagaallanka Musuq-maasuqa
Xubnaha Guddiga
Ururrada Bulshada Rayidka iyo Marti Sharafta kale
Waxaa farxad weyn noo ah maanta Munaasabaddan lagu Daahfurayo Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Ku-biirista Sharciyada Caalamiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa oo ahmiyad gaara u leh shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa ahmiyadda guddigan uu u leeyahay dadaallada cirib tirka aafada musuqmaasuqa iyo qodobka 111-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo qeexaya, haganayana hannaanka la dagaallanka iyo xakameynta musuqmaasuqa ayaa dadaal badan ku bixisay sidii loo dhammeystiri lahaa dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Ladagaallanka Musuq maasuqa, iyadoo ay sii dhiiri gelinayso guulaha muuqda ee sanadihii la soo dhaafay aynu u qaadnay ilaalinta hantida dadweynaha iyo danta guud.
Sharciga lagu dhisay Guddigan waxaan saxiixay 21 Septeembar 2019, maantana waxa aynu u taagannahay munaasabaddan oo aynu ku iclaaminayno in dalkeenna uu ku biiray saxiixa Sharciyada Caalamiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ee kala ah;
1. Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La-Dagaalanka Musuq-Maasuqa (AUPCC) ee Lr.36/2020.
2. Sharciga Heshiiska Carbeed ee La-Dagaalanka Musuq-Maasuqa (AACC) ee Lr.37/2020.
3. Sharciga Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-Dagaalanka Musuq-Maasuqa (UNCAC) ee Lr.38/2020.
Dhammaan tallaabooyinkan waxa ay dhiirrigelinayaan fursadaha maalgashiyada caalamiga ah ee dalkeenna, kobaca dhaqaalaha, awoodsiinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.
Si aan u xoojinno dadaalladaas, ugana miro dhallino hiigsageenna ku aaddan dal daahfuran oo aan musuqmaasuq ka jirin waxaan 14-ka bisha Ogoosto ee sanad kasta u aqoonsannay maalinta Ladagaallanka Musuqmaasuqa Soomaaliya.
Dalkeennu hadda waxa uu ku jiraa waqti doorasho oo xasaasi ah, waxaanna waajib ah in aad xil gaar ah iska saartaan ka hortagga iyo xakamaynta musuqmaasuqa, si aan loo boobin hantida Qaranka oo ah ammaanno dadka Soomaaliyeed noo igmadeen.
Dowlad wanaagga, horumarka iyo nabadda ay gaareen ummadaha kale ee caalamka waxa door weyn ka qaata sida ay shucuubtooda iyo dowladaha ula dagaallamaan Musuqmaasuqa oo ah cudur bulshada oo dhan saameyn xun ku reeba.
Hadda ba, su’aashu waxay tahay ummaddahaas ka hor tegey musuq-maasuqa ee sida daahfurnaanta leh u la dagaallamay iyo kuwa aan la dagaallamin ee uu dhibaatada ku hayo muxuu yahay farqiga u dhexeeya?
Waxa ugu horreeyey ee uu la dagaallanka musuq-maasuqu ku soo kordhinayo nidaamka dowladnimada waa dhaqaalaha. Dowladaha la dagaallamay Musuq-maasuqa waxa ay xaqiijiyeen koboc dhaqaale oo ballaaran, sida oo kale waxa ay dhiirrigeliyeen ilaha dhaqaalaha, iyaga oo taageeray ganacsatada una raadiyey suuqyo dibadeed, ku wacyi geliyey bulshada in ay cashuurta bixiyaan, soo na jiitay maalgashiyada shisheeye.
Marka uu dhaqaaluhu korco iyada oo bulshada iyo dowladdu is garabsanayaan waxaa dhacda in cashuuraha soo xerooda ay bataan taas oo sababta in dhakhliga dowladdu kordho. Markaas ayaa la xoojiyaa adeegyada bulshada iyada oo muwaaddin walba oo caashuur bixiye ah si caddaalad ah loo gaarsiinayo adeegyadii uu u baahnaa ee dhimacyada caafimaadka, waxbarashada iyo hoyga. Taasna waxa ay ku imaan kartaa oo keli ah marka aynu ka fogaanno musuq-maasuqa.
Sida oo kale, marka lala dagaallamo musuq-maasuqa, iyada oo cashuurihii iyo dhakhligii dowladda si hufan loo maamulayo waxa ay ka qayb qaataan dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha ee ay ka midka yihiin jidadka, dekedaha, kannaalada, garoommada diyaaradaha iyo jidadka tareenka.
Mar kale, la dagaallanka musuq-maasuqu waxa uu keenaa siyaasad iyo maamul wanaag. Sida oo kale, waxa uu ka qayb qaataa taabbagelinta dimuqraadiyadda, sababta oo ah shacabka shacuur bixiyeyaashaa ah, marka aammaanadoodii si hufan loogu adeego, waxa ay door ku yeelanayaan go’aannada masiiriga ah iyo talada dalkooda, iyaga awood u yeelanaya in ay codkooda si xor ah ugu doortaan qofka ay ka filanayaan in uu musuq-maasuq ka hufan yahay, awoodda iyo hantida dadweynaha na aan ku tagri-falayn.
Waxa intaas dheer, la dagaallanka musuq-maasuqu waxa uu door wacan ka qaataa arrimaha amniga iyo caddaalada. Haddii dadku cashuruuraha bixiyaan, dowladdu na si wanaagsan u maamusho, waxaa loo awoodayaa dadka loo igmaday in ay ka shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo caddaaladda in la siiyo mushaharaad fiican, guryo iyo dardaryeelka qoysaskooda, taas oo keenaysa in ay ka maarmaan laaluushka.
Sida oo kale, la dagaallanka musuq-maasuqu waxa uu kor u qaadaa hufnaanta shaqaalaysiinta, waxaa na imaanaysa in lagu kala boxo imtixaan, qof walba na aqoontiisa iyo khibraddiisa lagu qaato, iyada oo aan wax kale loo eegayn. Dhammaan si arrimahaasi ay dalkeenna uga hirgalaan ayaannu dadaal badan ugu bixinnay dhismaha Guddigan.
Waxaan ammaan iyo bogaadin muddan hay’adaha dowladda oo kaalin mugga leh ka soo qaatay howshan qiimaha leh ee waddaniga ah, gaar ahaan Xukuumadda, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan dadkii qaybta ka qaatay hirgelinta shaqada guddigan iyo dhammeystirka sharciyadiisa.
Ugu danbeyntii, waxaan kula dardaarmayaa xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa in ay noqdaan dad ku tilmaaman dhaqan wanaagsan, waddaniyad, ku dhaqanka sharciga dalka iyo Diinta Islaamka.
Wabillaahi Towfiiq
Mohamed Abdullahi Farmaajo ❤❤