Qeys Bagac

Qeys Bagac Nagu Soo biir Si aad Xog ogaal u noqoto

24/03/2025

Insaanka maxaa ka gaalnimo badan?

QISO WADNE-TAABAD AH ๐Ÿ˜ญMagaalada Oklahoma City ee dalka Maraykanka, muslimiintu muddo 5 sano ah bay dagaal ugu jireen sid...
03/11/2024

QISO WADNE-TAABAD AH ๐Ÿ˜ญ

Magaalada Oklahoma City ee dalka Maraykanka, muslimiintu muddo 5 sano ah bay dagaal ugu jireen sidii ay dowladdu ugu oggolaan lahayd dhul ay ka dhigtaan qabuuro ay maydka ku aastaan.

Maalin Isniin ah bay kiiskii ku guulaysteen, dhulkiina loo oggolaaday. Maalintii xigtay ee Talaadada ama Arbacada waxa soo gaaray taleefan ay ka dhadhamaysay haweenay caddaan ahi inay dhanka kale kaga jirto.

Haweenaydii: โ€œHooyaday ayaa dhimatay, waxanan u baahan nahay in aannu qabuurihiinna ku aasnoโ€.

Imaamkii: โ€œQabuuruhu weli diyaar ma aha. Laakiin adigoo raalli ah, Muslim miyaad tahay adigu?โ€

Waxa uu sidaas u yiri, wada hadalkoodii ayuu ka qiyaastay inay qof hadda soo islaamay tahay amaba aanay Muslim ahayn.

Haweenaydii: โ€œMa ahiโ€.

Imaamkii: โ€œHooyadaana?โ€

Haweenaydii: โ€œHooyaday waa Muslimโ€.

Imaamkii: โ€œMasjidka imow, aan kula kulmo ehโ€.

Imaamkii gabadhii waa uu la kulmay, waxana uu ogaaday hooyadeed inay tahay Chinese American. Hooyadeed Shiinaha ayay ka timid usbuucii h**e. Waxay ahayd islaan waayeel ah. Ninkeedii waxay uga tagtay isagoo gaaloobay darteed. Markaas inta ay ninkii iyo carruurtii oo kirishtaan ah Maraykanka uga tagtay, bay Shiinaha u laabatay. Usbuucii h**e ayay maamadu carruurtii soo booqatay oo Maraykanka ku soo laabatay.

Maamadu isla markii ay airport-ka ka soo degtayba, waxay soo qaadatay yellow book (taleefannada laga baaro), waxayna baartay Islamic Centre. Waxay soo jeexatay boggii uu ku qornaa Islamic Centre telephone number.

Maamadu waxay gabadheeda ku tiri: โ€œHaddii ay halkaan wax igula dhacaan, waa kuwaas walaalahayโ€. Gabadhii waxay tiri: โ€œHooyo, hadalkaas maxaad uga jeeddaa?โ€ Haddana waxay is tiri , โ€œhooyo safarka dheer dartiis bay u daallan tahayโ€.

Maamadii habeenkii koowaad waa ay seexatay, habeenkii labaad bayse iyadoo sariirteeda jiifta naftu ka baxday.

Imaamkii: โ€œQabuuraha ayaan ku aasayaa. In kastoo aanay diyaar ahayn, haddana waan ku aasayaaโ€.

Qabrigii ugu horreeyay ee qabuurahaas laga qodo ayuu noqday. Khudbadii Jimcaha ayuu imaamku qisadii maamada dadka la wadaagay. Qof kasta oo dadkii Jimcaha soo tukaday ka mid ahi janaasadii ayuu raacay.

Qoyskii maamadu aad iyo aad bay u yaabeen. Wiil ay dhashay waxa uu yiri: โ€œWhy? Dadkaan faraha badani waa ayo?โ€

Imaamkii: โ€œDadka aad arkaysaan waa hooyadaa walaaleheedโ€.

Wiilkii: โ€œHooyaday walaaleheed?โ€

Imaamkii: โ€œHaa, hooyadaa walaaleheedโ€.

Wiilkii inta uu jeebka warqad ka soo saaray, buu imaamkii u taagay isagoo leh: โ€œHalkaan waxaa ku qoran ducadii ay hooyaday jeclayd oo ay mar walba ku ducaysan jirtay. Ma ku ducayn kartaa, fadlan?โ€

Dr. Axmed (Imaamkii) markii uu warqaddii eegay, waxa uu billaabay in uu ooyo. Waxa goobjoog ahaa maamada ninkeedii h**e iyo gabadhii iyo wiilkii ay dhashay. Ninkeedii h**e ayaa imaamkii weydiiyay: โ€œWarqadda maxaa ku qoran?โ€

Subxaanallah! Waxa ay Carabi jajab ah ku qortay: โ€œIlaahoow, carruurtayda soo hanuuni!โ€ Waa ducadii ay ugu jeclayd, mar walbana ay ku ducaysan jirtay.

Imaamkii waxa uu qoyskii ku dul aqriyay wixii warqadda ku qornaa, wiilkiina isla daqiiqaddaas ayuu Islaamay.

Ninkeedii h**e waxa uu yiri: โ€œWaxan rabaa in aan sii booking-garaysto qabrigeeda qabriga ku xiga, ee qiimihiisu waa imisa?โ€

Imaamkii: โ€œQiimaha qabrigaasi waa:
โ€ŽุฃูŽุดู’ู‡ูŽุฏู ุฃูŽู†ู’ ู„ุงูŽ ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ูŽู‘ุง ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูุŒ ูˆูŽุฃูŽู†ูŽู‘ ู…ูุญูŽู…ูŽู‘ุฏู‹ุง ุฑูŽุณููˆู„ู ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู

Ninkii markaas buu ku dhawaaqay:

โ€Ž ุฃูŽุดู’ู‡ูŽุฏู ุฃูŽู†ู’ ู„ุงูŽ ุฅูู„ูŽู‡ูŽ ุฅูู„ูŽู‘ุง ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูุŒ ูˆูŽุฃูŽู†ูŽู‘ ู…ูุญูŽู…ูŽู‘ุฏู‹ุง ุฑูŽุณููˆู„ู ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู

Intii aan qabriga dushiisa laga dhaqaaqin, labadaasi muslimiin bay ahaayeen.

Diinta Islaamku sidaas bay ku faaftay, welina ku faafaysaa. Ma aha xoog, siyaasad iyo dagaal midna. Balse waa in la muujiyo quruxda Islaamka, sababtoo ah cidduu Alle u qaddaray baa islaamaysa, adiguna ma qasbi kartid.

Teeda kale, maamadaas muโ€™minadda ah iimaankeedii ayuu Alle ka aqbalay oo waxa uu ugu abaalguday dadka intaas laโ€™egi inay janaasadeeda raacaan, qoyskeeda uu soo hanuuniyay, qabuuro Islaam ahna qofkii ugu horreeyay oo lagu aasay ay noqotay.

Alloow, khaatumada inoo hagaaji. Aamiin.

Sabriye Musse
[email protected]

11/10/2024

Dhalinyaradaan waxaay sameeyeen ficil lagu ammaanay โค๏ธ

11/10/2024

Waxaaynu rabnaa inaanan maqal oo arag ๐Ÿ˜ญ

09/10/2024

Wadankaas ayaa lagu leeyahay muu hagaago ๐Ÿ˜ญ

08/10/2024

Aakhiru aad beey u naxdin badan tahay ๐Ÿ˜ญ

08/10/2024
07/10/2024

Kan I arkayaa xumaan ka nasahan โค๏ธ

Waxaa lagu yiri qor Dar-daarankii kuugu danbeeyey Imaam khalifa intii aan sunta lasiinin kahor.Waxuu warqada Sawirka ka ...
25/09/2024

Waxaa lagu yiri qor Dar-daarankii kuugu danbeeyey Imaam khalifa intii aan sunta lasiinin kahor.

Waxuu warqada Sawirka ka muuqata ku qoray " Ilaahay bay mahadi usugnaatay xaaladkasta ood kusugantahay".

Kiiska lagu dilayna ma ahayn mid uu isagu galay waxaase timid qadartii Alle, waxaa mudo 26 sano kiis socday oo ahaa inuu dilay Gabar kusoo dhamaatay in la dilo isagana waliba si foolxun.

Ebbe how naxariisto Imaam Khaliifah.

๐Œ๐š ๐ ๐š๐ซ๐š๐ง๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐๐š๐๐ค๐š ๐ช๐š๐ฅ๐›๐ข๐ ๐š ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง?- Waa dadka haddii ay farxaan ama murug yar dareemaan ay ilinta kasoo h**eyso qalb...
03/09/2024

๐Œ๐š ๐ ๐š๐ซ๐š๐ง๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐๐š๐๐ค๐š ๐ช๐š๐ฅ๐›๐ข๐ ๐š ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง?

- Waa dadka haddii ay farxaan ama murug yar dareemaan ay ilinta kasoo h**eyso qalbi jileec dartii.

- Waa dadka ku farxa waxa ugu yar ee loo sameeyo.

- Waa dadka markaa kala xanaaqdaan waxyar kadibba intey hilmaamaan xanaaqi aad arkeyso ayaga oo kula sheekeysanaya.

- Waa dadka hadey wax bixinayaan bixiya wax qalbigooda kasoo go'ay oo ay ku qanacsanyihiin.

- Waa dadka haddii loo hadiyeeyo wax yar oo aan qiimo weyn ku fadhinin aad ugu farxa.

- Waa dadka ku farxa farxadda dadka kale oo ka murugooda murugada dad aysan xataa aqoon u laheyn.

- Waa dadka hadey arkaan qof ooynaya ay ilintu kasoo daadato oo la ooya qofkaas.

- Waa dadka markey maqlaan aayad ka hadleysa cadaabka, iyo aayad ka hadleyso awoodda alle iska ooya.

- Waa dadka hadey qiso murugo leh dhageystaan ama filim ay daawanayeen qeyb murugo leh soo gasho aan ilinta ceshan karin xataa haddii ay ogyihiin in ay waxan jiliin yihiin oo ay dhab aheyn.

- Waa dadka si kastoo ay u weynaadaan uu qalbigooda caruurta yahay.

- Qalbi jileeca iyo wanaaga waa risqi uu alle bixiyo.

- Ahow mar waliba qof qalbi cad oo la jeclaaw dadka kale wixii kheyr ah oo dhan, waxaad heleysaa in kabadan intaa dadka la jeclaatay.

Xigasho: telegram

31/08/2024

๐—ก๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฟ๐—ฎ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—พ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐˜…๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฟ ๐—จ๐—ป

1 ๐–ฃ๐—‚๐—‡๐—๐—‚๐—‚๐—Œ๐–บ ๐Ÿฅฐ

2 ๐–ช๐–บ๐—‹๐—๐—‚๐–ฝ๐—‚๐—‚๐—Œ๐–บ ๐Ÿ˜Œ

3 ๐–ฆ๐—ˆ'๐–บ๐–บ๐—‡๐—„๐—‚๐—‚๐—Œ๐–บ ๐Ÿ˜Š

4 ๐—„๐–บ๐—…๐—Œ๐—ˆ๐—ˆ๐—‡๐—‚๐–ฝ๐—‚๐—‚๐—Œ๐–บ ๐Ÿ˜Ž

Maxaa kaaga baxay ?
30/08/2024

Maxaa kaaga baxay ?

Address

Mogadishu

Opening Hours

Thursday 07:00 - 17:00
Friday 09:00 - 02:55

Telephone

+252612372034

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qeys Bagac posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share