23/12/2022
❤️SIRTA GUUSHA✅
Waxaa jiray wiil dhalin yaro ah kaas aad u jaclaa inuu mar noqdo qof guuleysto,
balse ma uusan garaneyn sida uu ugu guuleysan lahaa waxa uu doonayay inuu
gaadho guul.
Maalin ayuu la kulmay nin oday ah oo waayo arag ah, noloshana wax badan ka soo arkay Wiilkii odaygii waaya-araga ahaa ayuu la
sheekeystay, xoogaa kadib wuxuu weydiiyey su`aashii maskaxdiisa ka dhex
guuxaysay oo aheyd
“waa maxay sirta guushu?”
Ninkii odayga ahaa wuxuu ku yidhi wiilkii waan kaaga jawaabayaa ee aan barri isugu imaano qarka wabiga,
Sidaas ayaana lagu balamay oo lagu kala tagay. Maalintii balanta markii la gaadhay
oo labadoodiiba soo xaadireen wabiga ayaa ninkii waaya-araga ahaa ku yidhi
wiilkii ina keen aan biyaha galnee,
Biyihii ayey galeen makii ay badhtamaha
wabiga gaadheen ayuu ninkii weynaa madaxa ka qabtay wiilkii yaraa isagoo hoos
biyaha ugu riixayo, wiilkii xaaladii ayaa ku adkaatay ilaa ay indhihii casaadeen,
wax yar kadib ayuu sii daayay,
Wixii ugu h**eeyay ee uu sameeyo wiilka yar
markii la sii daayay waxay ahed in uu madaxa kor ula soo baxo oo uu neefsado.
ninkii odayga ahaa ayaa wiilkii weydiiyey markii aad ku jirtay biyaha oo aan madaxa kaa hayay,
Maxay aheyd waxa aad ugu jecleyd inaad hesho wiilkii ayaa ku jawaabay, hawo si aan u neefsado.
Odaygii ayaa yidhi hadaba su`aashaad shalay
iwaydiisay jawaabteedii waa tan, waxa aad dooneyso inaad ku guulaysato ilaa aad
u raadiso sida aad u raadineeysay hawada markaad biyaha ku jirtay kuma
guulaysanaysid, sirta guushuna waa taas.
‘inaad guul gaarto uma baahna inaad garab ka sugto ruux kale ee waa inaad
garataa inaad garab isku tahay oo aad kaligaa wax qabsan kartid.’
Labo arimood haddii aad is-waafijiso anaa kuu balan qaadaya inaad guuleysato :-
1) Hibadaadda, ( Waxaad ku fiican tahay ) hadii aad taqaano.
Hibadu waxay noqon kartaa, wax-akhriska, shaqada gacanta laga qabto (hand Practice work), shaqada maskaxda laga qabto ( brain working), Xiftiyo, IWM.
2) Rabitaankaaga (JAHO), hadii aad is-waafijiso Rabitaankaaga iyo Hibadaadda oo Waxa aad dooneyso ay noqoto hamigaaga waxaa hubaal ah inaad guuleysanayso adigoo aan tabin meeshii aad Soo martay iyo rafaad toona, umana baahan doontid baalal badan oo aad cuskato, (Taageero badan iyo Waqti dheer toona).
Waxaa biyo k**a dhibcaan ah inaad Libtaada aad gaadheyso adigoo aysan Kaa bixin wax “SHIDAAL” ah iyo bilaa “XAWAARE SARE” toona.
Waayo waxaa is-waafaqay meeshii aad u socotay iyo Doonistaadii.
TUSAALE YAR, oo soo koobaya sheekadeena:-
Haddii Baadi Kaa lunto ( Xoolo Kaa baxsadaan oo aad waydo), kabacdii aad baadi-goobto ( raadiso Xooli Kaa lumay ), oo ay isku aadaan jahadii xoolu u lumeen iyo adigu meeshii aad u doontay, waxaa hubaal ah inaad heleyso“XOOLAHAAGII” Kaa lumay, Bilaa garab la'aan adigoo u baahan qof kale oo kula doona.
Balse hadii aad JAHO alle oo aysan jirin u doonto waxaa hubaal inaad Soo noqon lahayd adigoo daalay XOOLIHIINA waayay kabacdii dadkii kale aad ku odhan lahayd qofkale oo XOOLIHIINA ila raadiya igusoo dara.
Waayo, waxaa is-waafaqsaneyn Hamigaagii iyo Jahadii wax u raadisay.
''Alle ha iskukeen waafijiyo aamin''
W/Q: Jama Mohammed