Somali Observer

Somali Observer Bringing you reliable, uncensored news, thoughtful insights, and updates across science, entertainment, politics, sports, and beyond.

Bringing you reliable news, thoughtful insights, and updates across science, entertainment, politics, sports, and beyond.

Shiinaha ayaa sheegay inuu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga, kaddib markii Wasi...
20/09/2026

Shiinaha ayaa sheegay inuu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga, kaddib markii Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu Beijing kula kulmay dhiggiisa Shiinaha, Admiral D**g Jun.

Kulanka oo ka dhacay Beijing 18-kii Sebtembar 2025, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir-difaac ah oo labada dal yeeshaan ku dhawaad 40 sano. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo difaaca, la-dagaallanka argagixisada iyo taageerada dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale loo arkaa inuu muujinayo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Waxaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Darmstadt, ee gobolka Hessen, Jarmalka, saxafi sare Boqorka Bartamaha, oo 68 sa...
19/09/2026

Waxaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Darmstadt, ee gobolka Hessen, Jarmalka, saxafi sare Boqorka Bartamaha, oo 68 sano jir ahaa.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Xeer-Ilaalinta Darmstadt iyo Booliska Koonfurta Hessen, dilka waxaa loo adeegsaday mindi, waxaana loo qabtay nin 28 sano jir ah oo Soomaali ah.

Wararku waxay sheegayaan in Boqorka uu maanta ninkaasi ku booqday kaamka, ka hor inta uusan dilku dhicin.

17/09/2026

Joshua Meservey, oo dhawaan Washington ku wareystay Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland ay u baahan tahay inay si cad ugu sharaxdo Maraykanka sababta aqoonsiga Somaliland uu ugu jiro danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka.

Meservey wuxuu sheegay in Somalilanders aysan si joogto ah ugu guulaysan inay soo bandhigaan dood cad oo ku saabsan sababta aqoonsiga Somaliland uu lama huraan u yahay, isagoo xusay in doodaha ku saabsan inay aqoonsigu yahay “wax wanaagsan” ama “waxa saxda ah” aysan kaligood ku filnayn marka laga hadlayo siyaasadda caalamiga ah.

“Marka laga hadlayo geopolitics iyo danaha qaranka, waa inaad samaysaa dood ku salaysan xaqiiqada iyo danaha istiraatiijiga ah.”

Wuxuu sheegay in doodda aysan ku koobnaan karin oo keliya “Somaliland way u qalantaa aqoonsi”, balse loo baahan yahay dood dhab ah oo ku salaysan danaha qaranka iyo geopolitics-ka.

“Caqabadda xigta ee Somaliland waa inay si joogto ah oo istiraatiiji ah dooddan uga dhaadhiciso Washington iyo caasimadaha kale ee adduunka,” ayuu yiri Meservey.

16/09/2026

Xalay oo ku beegnayd 15 Sebtembar, ayaa la sheegay in drone lagu weeraray Masjidka Xaramka ee Makka, 🕋 iyadoo ciidamada difaaca cirka Sacuudiga ay hawada ku burburiyeen drone-ka.

Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Xuutiyiinta inay ka dambeeyeen weerarka, balse Xuutiyiintu way beeniyeen, iyagoo sheegay inaysan iyagu weerarka fulin.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya dad ku sugnaa Xaramka oo duubaya drone hawada lagu burburinayo, ka dibna burburkiisu uu dhulka ku soo dhacayo.

Cameron Hudson, oo ah American foreign-policy and Africa analyst, kana mid ah dadka ka hadla Hudson institute wuxuu si a...
15/09/2026

Cameron Hudson, oo ah American foreign-policy and Africa analyst, kana mid ah dadka ka hadla Hudson institute wuxuu si adag u dhaliilayaa Madaxweyne Cirro iyo sida uu uga soo muuqday Washington. Wuxuu leeyahay:

* Cirro wuxuu u muuqday mid aan si fiican ugu diyaar garoobin doodda iyo su’aalaha adag.

* Wuxuu ku eedeeyay inuusan si qancin leh uga jawaabin arrimaha muhiimka ah ee khuseeya mustaqbalka Somaliland.

* Wuxuu sheegay in Somaliland ay leedahay dood ku saabsan taariikhdeeda, dimuqraadiyaddeeda iyo xaqa ay u leedahay aqoonsi, laakiin Washington arrintu aysan ku koobnayn dooddaas oo keliya.

* Sida uu qoraagu qabo, hoggaamiyaha matalaya Somaliland ayaa sidoo kale muhiim ah—waa in dadka iyo dowladaha kale ay ku kalsoonaadaan hoggaamintiisa.

* Wuxuu tusaale u soo qaatay John Garang, isagoo sheegay in Maraykanka iyo Midowga Afrika ay ku kalsoonaayeen hoggaamintiisa.

* Ugu dambayn, qoraagu wuxuu leeyahay Cirro muu siin dadka dhexdhexaadka ah sabab ku filan oo ay ku taageeraan aragtidiisa iyo hoggaamintiisa Somaliland.

Machadka Hudson oo laga leeyahay Mareykanka ayaa soo bandhigay map ka Waqooyiga Somalia oo xariiq lqgu kala jaray Waqooy...
14/09/2026

Machadka Hudson oo laga leeyahay Mareykanka ayaa soo bandhigay map ka Waqooyiga Somalia oo xariiq lqgu kala jaray Waqooyi Bari iyo Waqooyi galbeed, ayada oo cirro meesha fadhiyo.

Map ka maamulka Somaliland sheegato ayaa labo loo kala qeybiyey qeyb Waqooyi Bari SSC ah iyo qeyb Somaliland ah ayada oo Cirro u tagay USA inuu ka dhaadhicyo aqoonsiga maamulka Somaliland.

14/09/2026

Xabiibo Caddow oo obasiibka ay daganeed la burburay ayaa dib loo siiyey dhul sharci ah waxayna dhahdan sidan;

“Gurigeeyga in si sharci la'aan ah la iigu sharciyeeyo waxaan ilaaheey kasakow ugu mahadcelinayaa Duqa magaalada oo maanta ii rumeeyay”

Markab jiide lagu magacaabo TEDY, oo ku diiwaangashan calanka Soomaaliya, ayaa lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahay...
11/09/2026

Markab jiide lagu magacaabo TEDY, oo ku diiwaangashan calanka Soomaaliya, ayaa lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn xilli ay u socotay dekedda Constanta ee Romania. Laba shaqaale oo u dhashay Azerbaijan ayaa ku dhintay weerarrada, halka laba kale ay ku dhaawacmeen gubasho, lix kalena goobta lagu daweeyay.

EuroNews.

Apple ayaa daahfurtay iPhone 18 Pro & Pro Max, iyo iPhone Duo oo laablaaban, kuwaas oo leh baytari cimri-dheer iyo kaami...
10/09/2026

Apple ayaa daahfurtay iPhone 18 Pro & Pro Max, iyo iPhone Duo oo laablaaban, kuwaas oo leh baytari cimri-dheer iyo kaamirooyin heer-sare ah.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay Apple Watch Series 12 & Ultra 4 iyo AirPods 5, dhammaantoodna waxaa kaabaya AI casri ah.

09/09/2026

WAR DEGDEG AH: Muuqaallo la helay ayaa muujinaya afar diyaaradood oo nooca Black Hawk ah oo lagu burburiyey weerar gantaallo ah oo xalay Iran ay ku qaaday Saldhigga Cirka ee Muwaffaq Al-Salti ee dalka Jordan.

Address

Km 4, Hodan District Makka Mukarama Road
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Observer posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share