Mogadishu Channel

Mogadishu Channel 24 hours

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtey in iyada oo kaashanaysa DFS ay duqayn cir ah ka fulisey nawaaxiga magaalada Badhan ee ...
17/09/2025

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtey in iyada oo kaashanaysa DFS ay duqayn cir ah ka fulisey nawaaxiga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, sabtidii la soo dhaafay ayna beegsadeen nin hub ka iibiyey AS.

Madaxwayne Xasan Shiikh oo ka hadlay sababta loo sameeyay dowlad goboleedka WB.""Taariikh ahaan gobolka Sool waa meel xa...
17/09/2025

Madaxwayne Xasan Shiikh oo ka hadlay sababta loo sameeyay dowlad goboleedka WB.

""Taariikh ahaan gobolka Sool waa meel xasaasi ah, waa halkii lagu dilay madaxeynihii ugu dambeeyey ee dadku soo doorteen, waana xuduudii Ingiriiska iyo Talyaaniga, haddii aannan maamuul u samayn waxa ay dhibaato ku keeni lahayd Puntland iyo Somaliland"

Madaxweynaha Soomaaliya, oo waraysi siiyay TV-ga Al-Arabiya, ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu heshiis la gaaro dowlad-go...
17/09/2025

Madaxweynaha Soomaaliya, oo waraysi siiyay TV-ga Al-Arabiya, ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu heshiis la gaaro dowlad-goboleedka Jubbaland ka hor inta aan la gaarin doorashada.

Xuutiyiinta Yemen, ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday Telaabiib iyo bartamaha dhulka ay heysato Israa|l, iyagoo ka jawaa...
16/09/2025

Xuutiyiinta Yemen, ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday Telaabiib iyo bartamaha dhulka ay heysato Israa|l, iyagoo ka jawaabaya weerar ay galinkii dambe ee maanta Israa’iil ku qaaday gudaha Yemen.

Ra'ii'sal wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka dayriyey Garoonka Diyaaradda Muqdisho, digniina u diray Wasiirka Duulista Hawa...
16/09/2025

Ra'ii'sal wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka dayriyey Garoonka Diyaaradda Muqdisho, digniina u diray Wasiirka Duulista Hawada: “Waxay shacabku ka sheegayeen Garoonka Muqdisho ayaa ka muuqda; Maareeyaha, Wasiirka & mas'uuliyiinta kale sabab ay u sii joogaan ma garanayo, suuliyada aan arkay ma aha wejigii dalka, laba todobaad ayaad haysataan isbeddel dhab ah waa in aan ku arko garoonka.”

SANAAG: Maalintii saddexaad waxa ka socda mudaharaadyo balaadhan oo ay dhigayaan shacabka oo ka cadhaysan beegsigii Caaq...
16/09/2025

SANAAG: Maalintii saddexaad waxa ka socda mudaharaadyo balaadhan oo ay dhigayaan shacabka oo ka cadhaysan beegsigii Caaqil Cumar Cabdillaahi, iyada oo Xingalool, Middigale, Milxo, Damalla-xaharre iyo magaalooyin kale dadku isu soo bexeen.

Ka dib 72 sacaadood weli ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyey duqaynta baabuurka Caaqilka oo ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuh.

~Mohamed Salh

61 qof ayaa geeriyootay in ka badan boqol qofna waa ay ku dhaawacmeen duqeymo iyo madaafiic ay Israa|l ku garacday marin...
16/09/2025

61 qof ayaa geeriyootay in ka badan boqol qofna waa ay ku dhaawacmeen duqeymo iyo madaafiic ay Israa|l ku garacday marinka Qasa , tan iyo waabarigii saakay, sida ay werisay Al Jazeera.

Dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa ku bogaadiyey Soomaaliya, Aljeeriya iyo Pakistan sida ay u difaaceen qadiyadda Falasti...
15/09/2025

Dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa ku bogaadiyey Soomaaliya, Aljeeriya iyo Pakistan sida ay u difaaceen qadiyadda Falastiin gudaha fadhiyada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Sanadihii h**e shirka OIC waxaa la dhihi jiray dunidu waa in ay gargaar bini-aadanimo gaarsiisaa Soomaaliya, balse maanta waa loo mahadceliyay.

FAHAD YAASIIN: "Khudbadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyey Shir-madaxeedka Doha waxay ahayd ...
15/09/2025

FAHAD YAASIIN: "Khudbadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyey Shir-madaxeedka Doha waxay ahayd khudbad uu nagu metelay dal iyo dad ahaanba.."

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh: “ Waxaan garab taaganahay walaaleen Qatar iyo Falastiin..Aamusnaanta xadgudubyada...
15/09/2025

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh: “ Waxaan garab taaganahay walaaleen Qatar iyo Falastiin..Aamusnaanta xadgudubyada ka dhanka ah sharciga caalamiga ah waxay yeelan doontaa cawaaqib halis ah.”

'Baahida jirta way badan tahay, waxaan annaga Puntland iyo DFS ubaahanahay inaan is kaashano, waxaan rabnaa inaan kawada...
15/09/2025

'Baahida jirta way badan tahay, waxaan annaga Puntland iyo DFS ubaahanahay inaan is kaashano, waxaan rabnaa inaan kawada shaqayno mashaariicda baaqatay ''Wasiirka Tamarta Puntland Liibaan Muuse Boqor oo DFS ka codsatay kawada shaqaynta mashaariicda horumarineed ee xaniban

Turkiga ayaa si rasmi ah u soo bandhigay diyaaradda cusub ee ANKA III, oo ah diyaaraddii ugu horreysay ee qaada Bambaano...
15/09/2025

Turkiga ayaa si rasmi ah u soo bandhigay diyaaradda cusub ee ANKA III, oo ah diyaaraddii ugu horreysay ee qaada Bambaanooyinka culus, waana diyaarad aan lahayn duuliye (Unmanned Combat Aerial Vehicle – UCAV).

ANKA III waxaa lagu qalabeeyay teknoolojiyada casriga ah ee ka dhigaysa mid aan Raadeer qabayn, waxa ay ka hormarsantahay diyaaradaha dagaalka ee casriga ah, sida F-35. Tani waxay u oggolaaneysaa in ay fuliso hawlgallo qarsoodi ah iyada oo aan la wax kulmin qatar ah.

Address

Mogadishu
HOTELWEHLIYEAREA

Telephone

+252616957630

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share