Mogadishu Channel

Mogadishu Channel 24 hours

31/08/2026

: Baarlamaanka oo gacan isula tegey kadib markii ay ku kala aragti duwaanadeen dastuurka iyo Xildhibaan Ilyaas oo kala celinaya.

Dowladda Soomaaliya oo isku diyaarineysa iney dib usoo celiso lacagtii shilinka Soomaaliga ah 35 sanno kadib, waxayna qo...
31/08/2026

Dowladda Soomaaliya oo isku diyaarineysa iney dib usoo celiso lacagtii shilinka Soomaaliga ah 35 sanno kadib, waxayna qorsheynaysaa iney soo daabacdo lacag cusub oo Soomaali shilling ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u eegaya sharciyada lagu dhisayo guddiga lacagta, halka bangiga dhexe ee Soomaaliya uu dhameystirayo xeerarka lagu maamulayo keydka lacagta iyo sarifka lacagaha qalaad ee Dalka.

30/08/2026

Ciidanka Amniga DFS ayaa si buuxda ula wareegay deegaanadii howlgaladu ka socdeen ee xiriirisa laba gobolka ee Shabeellaha dhexe iyo Sh/hoose. Xaqiijinta amniga iyo sii haynta deegaanadaas ayaa muhiim u ah amniga Caasimadda!

 : DFS OO SHEEGTAY IN DUQEYN LAGU DILAY MADAXII GUUD EE SIRDOONKA AS."Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka ...
30/08/2026

: DFS OO SHEEGTAY IN DUQEYN LAGU DILAY MADAXII GUUD EE SIRDOONKA AS.

"Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka iyo Saaxiibada caalamka oo 23-kii Agoosto ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe ayaa lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas), oo ahaa Madaxa Guud ee Sirdoonka AS. Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu muhiimsan hoggaanka sare ee AS." ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska NISA

30/08/2026

Muuqaalada ka imaanaya dhulka beeralayda ah ee u dhexeeya Balcad iyo Afgooye ee howlgaladu ka socdaan. Deegaanka muddo dheer ayay kooxdu dadka ku dhiibaatay jirtay waxaa sidoo kale fashilmay isku dayo h**e oo deegaanka lagu nadiifinaayay balse hadda lagu guuleeystay.

30/08/2026

Xildhibaankaan Maxaa dhihi laheyd 🙈

Labtop kaliya ayaa la weydiiyay kawaran😡

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer kaddib ku guuleysatay inay nadiifiso deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo...
30/08/2026

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer kaddib ku guuleysatay inay nadiifiso deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye, kuwaas oo muddo dheer saldhig u ahaa howlgallada kooxda argagixisada ah.

Deegaannadan ku teedsan Wabiga Shabeelle ayaa kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta weerarrada. Qabsashadooda waxay xambaarsan tahay guul weyn oo ciidamada Soomaaliya gaareen, iyadoo dagaalladii ka dhacay aaggaas ay h**ey ugu dhinteen saraakiil caan ah, oo uu ka mid ahaa AUN General Farxaan Qaroole.

Haddii ciidamada dowladda ay sii joogteeyaan gacan-ku-haynta deegaannadan, waxay noqon kartaa tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda AS ee deegaanada ku dhow Muqdisho. Horay waxaa loo nadiifiyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Isha. Inside Somalia

 : Maamulka Puntland ayaa xaqiijisey in burcad-badeed haysatay marka MV Lutuf ay lacag madax-furasho siiyeen DFS & Turki...
29/08/2026

: Maamulka Puntland ayaa xaqiijisey in burcad-badeed haysatay marka MV Lutuf ay lacag madax-furasho siiyeen DFS & Turkiga, iyada oo meesha ka saartay in uu dhacay wax howlgal ah.

Baanka Adduunka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya hormuud u tahay dalalka bariga iyo koofurta Afrika, marka la eego he...
29/08/2026

Baanka Adduunka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya hormuud u tahay dalalka bariga iyo koofurta Afrika, marka la eego heerka isticmaalka iyo ka faa’iidaysiga maalgelinta & mashaariicda.

Baanka ayaa caddeeyay in aanay jirin lacago la celiyay ama la joojiyay sababo la xidhiidha musuqmaasuq ama maamul xumo darteed, tani oo timi ka dib eedeyntii Raysal wasaare h**e Kheyre, sida uu weriyey Dawan Afruka.

Dayaxa iyo Daaraha dhaadheer ee  .Cawaale Koronto
29/08/2026

Dayaxa iyo Daaraha dhaadheer ee .

Cawaale Koronto

Address

Mogadishu
HOTELWEHLIYEAREA

Telephone

+252616957630

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share