18/03/2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mar kasta oo uu dhaqaalo yarri dareemo, waxa uu furinta u aadayaa inu sawirro kuso galo si uu beesha caalamka oga soo tuugsado.
Waa hab-dhaqan horey loo arkay, dagaal argagixiso oo aan daacad ka aheyn ayuu sheeganayaa, wuxuuna dunida ka dalbanayaa taageero dhaqaale iyo mid ciidan isago u jeedkisu uu yahay mid dhaqaale raadis ah.
Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah, ma weli ayey la tahay iney rumaysanayaan beesha Caalamka? Dowladihii shalay lacago badan ku bixin jiray dagaalka argagixisada an kula jirno, maanta si sahal ah ma u rumaysan doonaan hadallada Madaxweynaha?
Waxaa muuqata in kalsoonidii sii luntay, iyadoo xukuumaddiisa lagu eedeeyay inay ku guuldareysatay maaraynta dagaalka ay sheeganayso.
Dadka Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin hoggaan leh qorshe dhab ah oo lagu xasiliyo dalka, ma ahan mid xilliyada doorashada soo dhow dahay sawirro kusoo galo furimaha wilasha ay ku dhimanayan si ay dadkodu ogu seexdan si nabbad ah.
Madaxweyne, is casil ama istus tuska naga yaree.