Tiyeeglow District Administration South-West

Tiyeeglow District Administration South-West Kusoodhowaada page ka degmada tiyeeglow ee,gobolka bakool

22/11/2025

Mohamed usmaan Shiekh
Oo kubaaqey in nabada laga shaqeeyo

21/11/2025

Baaq nabadeed

Mid kamid ah maamulka degmada Tiyeeglow Mr xusiyn malayka

21/11/2025

Gadoomye xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Tiyeegllow
SHIEKH Mursal mohamed .

21/11/2025

Usmaan dollar ninkii soo dila 5,000 shankun oo dollar abaal marin ah leeyahay

Gadoomiyaha degmada Tiyeegllow
Mudane (Ibraahim Mohamed abdalla)

21 November 2025 ;Shir ay isugu imadeen maamulka degmada Tiyeegllow odayaasha dhaqanka sarakiisha uruka 93-aad Oo uğu ho...
21/11/2025

21 November 2025 ;

Shir ay isugu imadeen maamulka degmada Tiyeegllow odayaasha dhaqanka sarakiisha uruka 93-aad
Oo uğu horeyaan gadoomiyaha arimaha bulshada gobolka bakol (Mohamed usmaan sheikh)
Gadoomiyaha degmada Tiyeegllow (Ibraahim Mohamed Abdala)
Taliyaha ururka 93-aad (dhamme Mohamed Nour tarre)
Ayaa ka qabsoomey gudaha xaruunta gobolka bakool ee hudur .

Shirka waxaa uu’ kusaab sanaa baaq nabadeed iyo talooyin kusaab san sidii loo xalin lahaa xaalada dagaal oo kataagan duleedka degmada Tiyeegllow
Waxaa mudooyinkan danbe dagaala abaabulan ka dhacayaan dhul daaqsimeed udhaxeya deeganada kala ah (Darbaas (Gunraale iyo xiirey .

Deganadaas oo dad walaa ah wada dega ayaa bili laso dhaafey Waxaa kataagnaa khalaaf salka ku haya gooba laga cabo biyaha iyo dhulka daaqa ah .

Maamulka iyo sarakiisha degmada Tiyeegllow ayaa ku baaqey in nabada laqaato oo la joojiyo dilka kujirin danta dadka dalka iyo diintaba

Sidoo kalle maamulka odayaasha iyo sara Kiisha ayaa amar ku bixi yey in lakeeni karin qof kuso dhawacmey dagaalkas foosha xun degmada huddur oo dowladda Somalia karamisa.

Wabillhi toowfiiq

18/11/2025

Insha allah mardhow degmada Tiyeegllow oo xur ka ah cadowga nollosha iyo horu marka udiidey.

Mahadsanid, Mudane Xildhibaan ( Hassan Ali Nor)  FARIIN DHIIRIGELIN AH OO KU SOCOTA SHACABKA DEGMADA TIEGLOWWaxaa soo je...
29/10/2025

Mahadsanid, Mudane Xildhibaan ( Hassan Ali Nor)

FARIIN DHIIRIGELIN AH OO KU SOCOTA
SHACABKA DEGMADA TIEGLOW

Waxaa soo jeediyay: Xildhibaan [Hassan Ali nor Carte]
Matala: Degmada Tieglow, Gobolka Bakool

Shacabka sharafta leh ee Tieglow,

Waxaan idiin soo gudbinayaa fariin dhiirigelin, kalsooni iyo midnimo. Muddo dheer ayaan sugaynay in cid ina garab istaagta ama wax noo qabata timaado — laakiin maanta waa in aan garowsanaa in cid naga badan oo daneyneysa Tieglow aysan jirin annaga mooyee.

Waxaan weyney waxa aan rabnay, laakiin ma lumin karno nafteena, niyadeena iyo midnimadeena.
Aan garawsanno in isla-isku duubni iyo hurumar ay ka timaaddo gacmaheena.

Tieglow waa dhul taariikh leh, waa dhul ay ku dhashay geesiyaal iyo dad halgan u soo maray nabad iyo nolol. Haddii maanta uu cadow haysto, berri waa in uu noqdaa dhul ay gacanta ku hayaan dadkiisa, haddii aan si wadajir ah u tashanno.

Aan isku duubno, aan is dhiirrigelino, aan hurayno degmada aan jecelnahay.
Midnimadu waa furaha guusha. Waxaa la yiri:

> “Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.”

Aan ka tagno kala shakiga iyo niyad-jabka. Aan noqono dad isu naxariista, is garab istaaga, kana bilaaba dib u dhiska Tieglow meel kasta oo aan joogno — ha noqoto gudaha ama dibadda.

Tieglow waxay mudan tahay nolol, waxay mudan tahay nabad, waxayna mudan tahay in lagu faano.

Waqtigii isbeddelka waa hadda!
Aan u istaagno sidii aan u soo celin lahayn magaca iyo sharafta degmada Tieglow.

Ilaahay ha ina garab galo.
Wabilahi Towfiiq.

Xildhibaan [Hon Hassan Ali nor ]
Matala: Degmada Tieglow, Gobolka Bakoo

Maamulka Degmada Tieglow & odeyaasha Dhaganka Degmada Tieglow &Taliyaha Saldhiga Degmada Tieglow Degmadeena  Alle Nabad ...
29/10/2025

Maamulka Degmada Tieglow & odeyaasha Dhaganka Degmada Tieglow &Taliyaha Saldhiga Degmada Tieglow

Degmadeena Alle Nabad ha noogu celiyo anigoo Nabad ah

Dhammaan Bulsho weynta soomaaliyeed docada nagu kaalmeeya

in ka bdn 9-sanno ayn degmadeena ka maqan nahay

Dhib & rafaad waxaa dareemi kara qofkii 9 -sanno barakac ah

28/10/2025

Baaq kale iyo gar naqasi kale

28/10/2025

Gadoomiye kuxigeenka degmada Tiyeegllow sheikh mursal mohamed
Ayaa ka hadley matalaad la aanta heysata shacabka 9 sano kahor kaso bara kacey degmada Tiyeegllow.

28/10/2025

Gadoomiyaha degmada Tieglow
Mudane: Ibraahim mohamed Abdalla oo hadal kooban ka jeediyey sagaal sano guurada kaso wareegtay maalintii laga soo baxay Degmada Tieglow
Asigoo baaq udirey dowladaha kuunfur galbeed iyo Dowlada federaalka ah

Waxaan codsi Dheer U Diyaareyaa Dhammaan Madaxda Ku Ma Tasho Dowlada Koonfur Galbeed & Dowlada Federaalka in xal deg - deg ah ay keenaan

Mahadsanidiin

Tan iyo 2016 October 26 ;.Waxaa gebi ahaanba gacanta dowlada ka baxdey degmada istiratiiijiga ah ee Tieglow Shacbka degm...
28/10/2025

Tan iyo 2016 October 26 ;.
Waxaa gebi ahaanba gacanta dowlada ka baxdey degmada istiratiiijiga ah ee Tieglow
Shacbka degmada Tieglow 9-sagaal sano waxey barakac ku yihiin gudaha dalka gaar ahaan huddur.Baidia, Beledweyne & muqdisho

Majirto wax xaquuq ah ama kawar heyn guud iyo mid gaar ah oo ay ka helayaan dowladaha koonfur galbeed iyo tan fadaraalka Somalia

Waxaa kale oo gaabis xoogan kajira sanadahan danbe hay,adaha saamafalka ah sigaar ah shacbka muddo dheer ka maqan ehel kooda guriyaxooda berahooda iyo xoola xooda oo kusugan gudaha magaalada huddur ma aysan helin wax deeq iyo daryel nonoleed ah wollow intaas ay u dheer yihiin dadbadan oo isla ayagii ku dul degan bilahaan danbe madaamad lafurey isu socodka degaanada gobolka bakool.

Mudooyinkan danbe waxa isa soo taraya qul qul xoogan oo soo gaaraya Huddur ayagoo soo raadsaneya nolol ka wanaagsan tan ay ku noolyihiin degmada Tieglow iyo degaanada hoos taga .

Shacabka kusugan gudaha degmada Tieglow iyo degaanada hoos taga mahelaan adeegyada as aasiga ah sida waxbarasho , cafimaadka, iyo kuwa kale oo badan

F.G shacabkan kudhawaad 10 sano barakaca ah wax cawimaad ah iyo fursado shaqa k**a helayaan siyaasiinta ku Matasha maamulka koonfur galbeed iyo dowlada fararaalka Somalia
Madaama daruufo adag ay ku nool yihiin intii ay ku sugnaayeen Degmada Huddur.

—————-Walbillahi towfiiq ———.’

Address

Tiyeeglow
Mogadishu
BAKOL

Telephone

+252616616343

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tiyeeglow District Administration South-West posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tiyeeglow District Administration South-West:

Share