Agan TV

Agan TV Agan TV : This is The Official Page of Agan TV Inc.

10/07/2024

Masha allah Hormarka Ka socdo Magaaladda Muqdisho.

06/07/2024

MD Xasan Sheikh "Xaalka itoobiya waa Hasha iyadaa cunaysa oo cabaadaysa".

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Baaq Nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaala...
06/07/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Baaq Nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada luuq iyadoo dadka deegaanka ay kasoo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sanadkii h**e walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka.

Madaxweynahu wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa faray maamulka gobolka, kan Degmada luuq iyo hay’adaha amniga gobolka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagan sidii shaqaaqadan loo joojin lahaa.



DHAMMAAAD.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin wax wada hadal ah oo na dhex yaalla annaga iyo Khaw...
06/07/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin wax wada hadal ah oo na dhex yaalla annaga iyo Khawaarijta.

 :- Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa goor dhow xabsiga utaxaabay Ashraf Cali Nuur oo caan ka ah Tiktok.wiilkaan ...
05/07/2024

:- Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa goor dhow xabsiga utaxaabay Ashraf Cali Nuur oo caan ka ah Tiktok.

wiilkaan ayaa baraha bulshada maalmihii lasoo dhaafay kusoo bandhigay wax ay dadka soomaliyeed u arkayeen inay ahaayeen dhaqan xumo.

05/07/2024

Fariintaan hala gaarsiiyo Shaadiyo sharaf iyo saygeeda Abdifitah.

05/07/2024

Shilkaan naxdinta leh waxaa duubay CC camera wuxuu ka dhacay boorama alle ha uraxmado.

Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymaha wax ku oolka ah ee...
13/12/2023

Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymaha wax ku oolka ah ee lagu lahaa, kaddib sannado soo socday hannaanka deynta cafinta oo shuruudo dhowr ah looga soo gudbay.

Cabdulle iyo Cumar oo ka tirsanaa argagixisada ayaa saakay la geeyey tiirka toogashada, 13-kii November 2019 ayaa lagu q...
03/11/2022

Cabdulle iyo Cumar oo ka tirsanaa argagixisada ayaa saakay la geeyey tiirka toogashada, 13-kii November 2019 ayaa lagu qabtay Suuq Boocle - Dharkenley, iyagoo dad soo dilay.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGGIISA DALKA MASAR CABDULFATAX AL-SIISIAlgiers, Nofeembar 01, 2022: Madaxweynaha...
02/11/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGGIISA DALKA MASAR CABDULFATAX AL-SIISI

Algiers, Nofeembar 01, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada xoogga si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi oo balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya.

Address

Taleex
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Agan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Agan TV:

Share

Category