24/08/2026
DIGNIIN KU SOCOTA WAALIDIINTA REER BUULO MAREER
Waalidiinta qiimaha leh ee ubadkooda jecel, kuna dadaalaya inay helaan waxbarasho tayo leh iyo mustaqbal wanaagsan, waxaan idinku boorrinaynaa inaad si wanaagsan uga fiirsataan iskuulka aad ubadkiinna geyneysaan.
Waxaa jira iskuul cusub oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo magaalada Buulo Mareer, kaas oo loo bixiyey Al-Abraar International Primary and Secondary School. Waxaan bulshada xusuusinaynaa in ka hor inta aan la taageerin mashruuc waxbarasho cusub, marka h**e la qiimeeyo baahida dhabta ah ee deegaanka iyo tayada adeegga la bixinayo.
Tusaale h**e oo deegaanka ka dhacay
Sanado ka hor waxaa Buulo Mareer laga hirgeliyey iskuul loo bixiyey Al-Asaas, kaas oo ay aasaaseen shaqsiyaad. Muddo kadib, sida ay bulshada qaar xusuustaan, iskuulkaasi wuu burburay, ardaydiina waxay ku kala biireen iskuullada waaweyn ee deegaanka.
Tusaalahan waxaan u soo qaadaneynaa si loo muujiyo in furitaanka iskuul cusub keliya uusan ahayn horumar, haddii aan la hubin tayada, joogtaynta iyo awoodda uu iskuulku u leeyahay inuu mustaqbalka sii shaqeeyo.
Buulo Mareer iskuul la'aan ma aha
Magaalada waxaa ka jira iskuullo waaweyn oo muddo dheer bulshada u adeegayay, sida Abdullaahi Binu Cabaas, Al-Faaruuq iyo Al-Imra. Iskuulladaas waxaa jooga macallimiin aqoon, khibrad iyo waayo-aragnimo leh, kuwaas oo sannado badan u soo shaqeynayay bulshada, isla markaana soo saaray dufcado badan oo arday ah.
Macallimiintaas waxaa ka mid ah Ustaad Sheekh Isxaaq, Ustaad Sheekh Siidkey, Ustaad Shii iyo macallimiin kale oo badan oo aan magacyadooda halkan lagu soo koobi karin.
Haddaba, haddii maalgelin iyo dhaqaale la hayo, waxaa ka qiimo badan in lagu taageero iskuullada jira, macallimiinta, qalabka waxbarashada, maktabadaha, computer-rada, shaybaarada iyo dib-u-dhiska fasallada, halkii si aan baahi cad loo hayn loogu kordhin lahaa iskuul kale.
Tayada macallinka waa muhiim
Waxaan si gaar ah u qabnaa in iskuul kasta oo cusub oo deegaanka laga hirgelinayo uu mudan yahay in si cad loo ogaado aqoonta iyo khibradda macallimiintiisa.
Haddii la doonayo in carruurta Buulo Mareer loo dhiso mustaqbal wanaagsan, waxaa habboon in la keeno macallimiin aqoon iyo khibrad leh, gaar ahaan kuwa jaamacadaha ka soo bartay qaybaha Education-ka iyo culuumta waxbarashada.
Waalidku waa inuu weydiiyo: Yaa carruurteyda wax u dhigaya? Waa maxay aqoontooda? Waa maxay khibraddooda? Iskuulkuna muxuu kaga duwan yahay iskuullada hadda jira?
Macallimiinta deegaanka “lama gumeysanayo”
Qaar ayaa laga yaabaa inay yiraahdaan: “Iskuul cusub waa wanaagsan yahay, sababtoo ah macallimiinta deegaanka ayaa fursad helaya.”
Arrintaas waxaan leenahay: Macallimiinta Buulo Mareer ma aha dad la gumeysanayo. Waa macallimiin deegaanka ku soo koray, bulshada dhexdeeda wax ku bartay, carruurteenana wax soo baray. Qaar badan waxay u soo halgameen waxbarashada deegaanka iyagoo duruufo adag ku shaqeynayay.
Haddii ay jiraan tabashooyin ku saabsan mushahar, agab ama fursadaha macallimiinta, waxaa habboon in bulshada iyo maamulka iskuullada ay miis wada hadal ah ku xalliyaan, halkii macallimiinta deegaanka lagu tilmaami lahaa inay “gumeysan yihiin” ama aanay carruurta waxbarin karin.
Waalidow, mustaqbalka ilmahaaga ka fikir
Waalidow, lacagta aad bixineyso iyo iskuulka aad dooraneyso waxay si toos ah u saameyn karaan waxbarashada iyo mustaqbalka ilmahaaga.
Sidaa darteed, ha ku dooran iskuul magaca oo keliya. Fiiri tayada waxbarashada, macallimiinta, manhajka, maamulka, natiijooyinka ardayda iyo joogtaynta iskuulka.
Haddii qof doonayo inuu Buulo Mareer horumariyo ama maalgeliyo, fursado badan ayaa deegaanka ka jira: caafimaad, farmashiye, biyo, nadaafad, computer iyo xarumo xirfadeed, qalabka waxbarashada iyo adeegyo kale oo bulshada si dhab ah ugu baahan tahay.
Buulo Mareer waxay u baahan tahay horumar, laakiin horumarku ma aha tirada iskuullada oo keliya. Horumarku waa tayada waxbarashada iyo mustaqbalka carruurta.
Waalidow, ubadkaaga mustaqbalkiisa ka fiirso, xogta hubi, kadibna go'aan qaado.