SomStar Media Production

SomStar Media Production Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SomStar Media Production, Media/News Company, Mogadishu.

We proudly congratulate our Chairman at SomaStar Media , Mr. Abdirashid Nur, on receiving the Media Leadership Award at ...
20/08/2026

We proudly congratulate our Chairman at SomaStar Media , Mr. Abdirashid Nur, on receiving the Media Leadership Award at the Somali Leadership Awards 2026 ( ).

This recognition reflects his outstanding leadership and commitment to using media as a force for public good, raising climate awareness, and delivering vital information to communities across Somalia. Congratulations, Chairman Abdirashid Nur.

Shirweynaha 74-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF74) ayaa ka socda magaalada Kigali ee dalka Rw...
17/08/2026

Shirweynaha 74-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF74) ayaa ka socda magaalada Kigali ee dalka Rwanda, iyada oo
ay isugu yimaadeen khubaro cimilada, hay’adaha dowliga ah, hay’adaha gobolka, hay’adaha samafalka iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya arrimaha cimilada iyo adkeysiga bulshada ee Geeska Afrika.

Madashan muhiimka ah ayaa lagu falanqeynayaa xaaladda iyo saadaasha cimilada ee bilaha soo socda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xoojinta diyaar-garowga gobolka xilli ay jiraan calaamado muujinaya suuragalnimada El Niño xooggan.

GHACOF74 wuxuu fursad muhiim ah u yahay in dalalka Geeska Afrika ay si wadajir ah u qiimeeyaan khataraha ka dhalan kara isbeddellada cimilada, gaar ahaan roobabka xad-dhaafka ah, fatahaadaha, abaaraha iyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada, beeraha, xoolaha, biyaha, caafimaadka iyo dhaqaalaha.

Climate Services for Early Action

Iyada oo hal-ku-dhigga GHACOF74 uu yahay “Harnessing Climate Services for Early Action and Resilience,” madashu waxay xoogga saaraysaa sidii xogta iyo adeegyada cimilada loogu beddeli lahaa tallaabooyin h**e oo wax-ku-ool ah.

Waxaa muhiimad gaar ah la siinayaa wadaagista saadaasha cimilada, xoojinta Early Warning Systems, horumarinta isgaarsiinta khataraha cimilada iyo in bulshada iyo hay’adaha go’aan-qaadayaasha ay helaan xog sax ah, waqtigeedana la gaarsiiyo.

Ujeeddadu waa in gobolka uusan sugin musiibo inay dhacdo, balse uu h**e ugu diyaar-garoobo, xog ku dhaqaaqo, khatarahana yareeyo.

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda oo ka qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale ee Haweenka oo...
21/07/2026

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda oo ka qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale ee Haweenka oo Muqdisho lagu qabtay.

Mashruucan oo uu taageerayo Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), iyadoo fulinta mashuucan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Qoyska iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa laga fulinayaa qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, iyadoo diiradda la saarayo kobcinta awoodda dhaqaale ee haweenka, xoojinta doorkooda ku aaddan nabad dhiska iyo horumarinta bulshada.

Tababarka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, madax ka socota xafiiska IGAD ee Soomaaliya, xubno ka socday wasaarado kala duwan oo dowladda ah, wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, haween, iyo odiyaal dhaqan.

Intii uu socday tababarka ka qaybgalayaashu waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bulshada, kor loogu qaadi lahaa fursadaha dhaqaale ee haweenka, isla markaana loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay xarunteeda Geneva, Marwo Khadra Duale, ayaa sii wada ...
04/06/2026

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay xarunteeda Geneva, Marwo Khadra Duale, ayaa sii wada ka qaybgalka firfircoon ee doodaha iyo kulamada heerka sare ee ka socda Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee .

Intii uu shirku socday, Danjiruhu waxay ka qaybgashay munaasabadda daahfurka warbixinta heerka sare ah ee cinwaankeedu yahay “Dib-u-habeynta Ilaalinta Bulshada ee Boqortooyada Cumaan si loo waafajiyo Mustaqbalka Shaqada.”

Munaasabaddan waxaa martigeliyay Mudane Idris Abdul Rahman Al Khanjari, iyadoo lagu qabtay daryeelka Wasiirka Shaqada ee Cumaan, Prof. Dr. Mahad Said Ali Baawain, iyo Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), Gilbert F. Houngbo.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa ka qaybgalkeeda doodaha iyo dadaallada caalamiga ah ee la xiriira shaqada, ilaalinta bulshada, iyo horumarinta fursadaha shaqo ee mustaqbalka.

Magaalada Jabuuti maanta waxaa lagu qabtay munaasabad uu Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr Workneh Gebeyehu, ku wareejiyay d...
22/05/2026

Magaalada Jabuuti maanta waxaa lagu qabtay munaasabad uu Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr Workneh Gebeyehu, ku wareejiyay dalladaha suuqyada bannaanka ururka , si loo taageero haweenka deegaanka looguna dhiirrigeliyo kobcinta dhaqdhaqaaqyadooda dhaqaale ee maalinlaha ah.

Munaasabaddan oo ay soo agaasimeen Xafiiska Horumarinta Haweenka iyo Dhallinyarada ee IGAD-Gender, ayaa qeyb ka ah dadaallada IGAD ee lagu xoojinayo awoodda dhaqaale ee haweenka gobolka, iyadoo ay barbar socdeen tababarradii horumarinta xirfadaha ee dhowaan la bixiyay. IGAD Secretariat

Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee IGAD, ayaa gaaray Kampala ka hor xafladda dhaarinta Madaxweynaha la do...
11/05/2026

Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee IGAD, ayaa gaaray Kampala ka hor xafladda dhaarinta Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, H.E. Yoweri K. Museveni, oo dhici doonta berrito.

Waxa uu ku biirayaa Madaxweynayaasha, mas’uuliyiinta dowladaha iyo madaxda gobolka ee ka qaybgalaya munaasabaddan, taas oo muujinaysa iskaashi xooggan, midnimo, iyo xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah IGAD Secretariat.

IGAD Oo Daahfurtay Aqoon-is-Weydaarsi Lagu Xoojinayo Hoggaaminta Haweenka ee Maamulka QaxootigaDhadhaab, Gobolka Gaarisa...
11/05/2026

IGAD Oo Daahfurtay Aqoon-is-Weydaarsi Lagu Xoojinayo Hoggaaminta Haweenka ee Maamulka Qaxootiga

Dhadhaab, Gobolka Gaarisa, Kenya:- Maanta, Xafiiska horumarinta Haweenka Iyo Dhamlinyaradda ee IGAD ayaa si rasmi ah u daahfuray aqoon-is-weydaarsi socon doona muddo saddex maalmood ah oo ka furmay Dhadhaab, Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya. Kulankan ayaa laysku keenay hoggaamiyeyaasha bulshada qaxootiga iyo kuwa deegaanka martida loo yahay si loo hormariyo hoggaaminta haweenka ee maamulka arrimaha qaxootiga.

Iyadoo ku hadleysay magaca Xoghayaha Fulinta ee IGAD Secretariat, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, Marwo Amina Farah, oo ah Maareeyaha Jinsiga iyo Dhallinyarada ee IGAD, ayaa si rasmi ah u furtay tababarka, iyadoo adkaysay sida ay IGAD uga go’an tahay horumarinta hoggaamin loo dhan yahay iyo sinnaanta jinsiga ee gobolka.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo hoggaamin loo dhan yahay oo ka jawaabeysa arrimaha jinsiga, kor loogu qaado ka qeybgalka wax-ku-oolka ah ee haweenka ee go’aan qaadashada, isla markaana la adkeeyo wada noolaanshaha iyo is-dhexgalka bulshada qaxootiga iyo bulshada martida loo yahay.

Doodaha inta lagu guda jiro tababarka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa ajandaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga (Women, Peace and Security – WPS), iyadoo si gaar ah loo eegayo doorka hoggaamineed ee haweenka ee nabad-dhisidda, ilaalinta iyo geeddi-socodka dib u soo kabashada, iyo sidoo kale qaab-dhismeedyada heer gobol iyo heer caalami ee taageera xuquuqda iyo ilaalinta qaxootiga.

Barnaamijkan wuxuu ka tarjumayaa dadaallada joogtada ah ee IGAD ee lagu xoojinayo awoodda haweenka laguna dhisayo bulshooyin adkeysi leh, nabdoon, isla markaana loo dhan yahay.

Aqoon-is-weydaarsigan waxaa taageeraya Dowladaha Japan iyo Sweden.

Ciidul Fidriga Mubaarak.Waxaan si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin ugu direynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo ...
19/03/2026

Ciidul Fidriga Mubaarak.

Waxaan si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin ugu direynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo bahwadaagta nala howlgala, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed.

Ciiddaan sharafka leh waxaan Alle uga baryeynaa inuu noqdo mid kheyr, nabad, iyo barwaaqo u horseeda dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa dhammaan la-hawlgalayaasha nagu garab istaagay howlaha aan bulshada u hayno.

Ciid Wanaagsan! 🤝

03/03/2026

SomStar Media is honored to have played an active role in the media coverage of the IGAD Ministerial Conference, providing comprehensive reporting on the key discussions and outcomes.

Looking back at the key highlights of the Conference, which brought together ministers, gender specialists, and mediation experts to strengthen women’s participation in peace and security.

26/02/2026

🎥 Warbixin kooban oo ku saabsan Maalinta 1-aad ee Shirka Farsamada ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee ka socda Nairobi, iyadoo IGAD iyo bah-wadaagtoodu ay dardargelinayaan ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka nabadda, xallinta khilaafaadka, iyo nabad-dhis waara oo ku saleysan xog la hubo.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SomStar Media Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share