26/11/2025
๐๐๐๐๐๐ค๐ข๐ข ๐ฅ๐ ๐๐จ๐จ๐ง๐๐ฒ๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐ก๐๐ฅ ๐ฐ๐๐๐๐๐ง ๐ฅ๐๐ ๐ ๐๐ก๐ข๐ ๐จ ๐ฌ๐๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ง ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ง ๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ ๐ ๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐.
Dhammaadkii 1950โnaadkii markii waddamo badan oo Afrika ah loo diyaarinayay xornimada, oo Soomaaliya qayb ka tahay, waxa uu Kennaway Noel Frederick oo ka mid ahaa siyaasiyiintii Ingiriiska ee ka talin jiray Kenya qorayaa, in Ogaadeenku doonayeen in dal gooni ah la siiyo ay xornimo ku helaan. Waa saddexda deegaan ee ay ka degaan geeska Afrika (NFD, Jubbaland, Ogaadeeniya). Urur siyaasadeed arrintaas u taagan ayaan horay pageโkan idinkula wadaagay. Waxaa ururkaas la odhan jiray UOSA (United Ogaden Somali Association).
Haddaba aynu hadalka Kennaway usoo degnee, wuxuu odhanayaa;
โWaxaa muuqata in cuqaasha Ogaadeen, khaasatan odayada Maxamed Subeer, ay danaynayaan in la mideeyo qabiilka Ogaadeen oo hal maamul lagu mideeyo. Inay hadda codsanayaan in Ingiriisku la wareego gacan ku-haynta dhulkooda, waxaa sal u ah inay doonayaan inay ku helaan hal maamul oo midaynaya deegaanada Ogaadeen.
Illaa January sannadkan (1957), waxay wada-hadallo qarsoodi ahi u socdeen odayaaasha Ogaadeen ee ku kala sugan Gaarrisa iyo kuwa ku sugan deegaannada Jubbaland. Waxaa iyaguna arrintan dabada ka riixaya odayaasha Ogaadeen ee Beledweyne ku sugan oo aad ugu dedaalaya inay taageero u helaan sidii ay dhulkooda uga soo ceshan lahaayeen Ethiopia.โ
๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ๐๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ผ๐ฑ๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ธ๐ ๐๐๐ด๐ป๐ฎ๐ฎ ๐๐ฒ๐น๐ฒ๐ฑ๐๐ฒ๐๐ป๐ฒ ๐ฒ๐ฒ ๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ๐ป ๐ถ๐๐ฎ๐ด๐๐ป๐ฎ ๐พ๐ฎ๐๐ฏ๐๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฒ๐ป๐ป๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ด๐ฎ๐๐ผ?
Waxay ahaayeen saddex oday oo Talyaaniga soo raacay markii uu dib uga soo baxay Ogaadeeniya, oo degay Beledweyne. Waa;
1: Aadan Cabdille โAadan Sacab-ku-noolโ (Makaahiil)
2: Xasan Sheekh Cabdille Xasan-nuur (Bah-geri)
3: Ugaas Maxamed Siigaale (Cabdalle).
- Ogaden Vault
Ogsanmedia