OGSAN MEDIA

OGSAN MEDIA It is an independent news agency that reports news and stories from the Horn of Africa.

Qiimayntii guumaystaha Ingiriisku uu ku sameeyay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed awoodooda gaashaan qaad qiyaas ahaa...
12/08/2025

Qiimayntii guumaystaha Ingiriisku uu ku sameeyay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed awoodooda gaashaan qaad qiyaas ahaan;

1. Ogaden 40,000
2. Dhulbahante 26,000
3. Habar Toljecla 7000
4. Garxajis 10,000
5. Habar-Awal 20,000
6. Warsangali 6000
7. Ciise 10,000
8. Gadabursi 12,000

Source : “Churchill and the Mad Mullah of Somaliland”.

Xogo kuu muhiim ah :👇
22/06/2025

Xogo kuu muhiim ah :👇

20/06/2025

Talyaani, Ingiriis iyo Daraawiish sidee uga wada xaajoodeen xadhigii Suldaan Keenadiidkii Hobyo?.

  :-Iran ayaa goor dhow sheegtay inay labo diyaradood oo F-35 ah ay Kaga soo riday Isra11l dhanka galbeed ee Tehran.-Chi...
17/06/2025

:
-Iran ayaa goor dhow sheegtay inay labo diyaradood oo F-35 ah ay Kaga soo riday Isra11l dhanka galbeed ee Tehran.
-China ayaa diyaarad xamuul oo sida agab milatari ka dejiyay saacad ka hor Tehran.
-Mareykanka ayaa u arka caawinta China ee Iran Mid cimri degdeg u keenaysa Isra11l.
- Gantaaladii u danbeeyay ee ay Iiran ku riday TelaAviv oo dhibaateeyay dadka ku gabanayay dhulka hoostiisa.
- Hab difaaca gantaalada ee Isra11l oo u muuqanaya kuwo meesha ka baxay.
- Isra11l oo beegsatay saldhig milatari oo weyn oo ku yaala duleedka Tehran.

OGSAN MEDIA

Xogo muhiim ah oo la xidhiidha dagaalka Iran iyo Isra11l. 👇
16/06/2025

Xogo muhiim ah oo la xidhiidha dagaalka Iran iyo Isra11l. 👇

14/06/2025

Safka halkaas ayaa laga bilaabay, caawana halkaas kale ayay joogtaa, sidey ukala dhiiranaayeen baa noo loo kala hormariyay.

1- Somalia = 1990s
2- Lebanon = 1990s
3- Afghanstan = 2001
4- Iraq = 2003
5- Syria = 2011
6- Libya = 2014
7- Sudan = 2023
8- Iran = 2025..???

Bal qiyaas labadaan xigta.
9-.....? = 2027
10......... = 2029

Sidee Israa'iil Ku Dishay 3-dii Nin Ee Ugu Awooda Badnaa Iran dhanka difaaca iyo milatariga?Ugu yaraan saddex ka mid ah ...
14/06/2025

Sidee Israa'iil Ku Dishay 3-dii Nin Ee Ugu Awooda Badnaa Iran dhanka difaaca iyo milatariga?

Ugu yaraan saddex ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa militariga Iran ayaa ku dhintay duqeymo is xigxigay oo ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil oo lala beegsaday xarumaha ugu sarreeya militariga iyo xarumaha horrumarinta Nukliyeerka Iran.

Hawlgalka loo yaqaan (Rising Lion) Libaaxa soo kacaya, ee ay dulisay Israa'iil waxay dishay Hossein Salami, oo ahaa madaxii Ilaalada Kacaanka Iran; Mohammad Bagheri, oo ah madaxa shaqaalaha ee ciidamadeeda qalabka sida iyo Ali Shamkhani, taliyihii h**e ee amniga qaranka.

1- Sareeye Gaas Xuseen Salami

Major General Hossein Salami, oo ahaa madaxa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) tan iyo 2019, wuxuu ahaa mid ka mid ah saraakiisha ugu saameynta badnaa Iran, isagoo madax u ahaa cududa militari ee ugu awoodda badan dalkaas, si toos ahna u hoos taga hogaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei.
Ka dib dilkii Salami, Ahmad Vahidi ayaa loo magacaabay inuu noqdo bedelka Salami.

"Iyada oo ay qalbiyada ka buuxsameen murugo iyo murugo, waxaan u barooranaynaa shuhadada xaqdarada lagu dilay ee uu ka midyahay taliyaha daacadda ahaa, Major-General Hossein Salami, oo ahaa taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah," IRGC", sidaas waxaa lagu yiri bayaan ay soo xigatay wakaaladda wararka Iran ee IRNA Jimcihii shalay ahaa.

2- Cali Shamkhani

Wuxuu ahaa Hogaamiye sare oo ka tirsan xafiiska Ayatollah Ali Khamenei, Ali Shamkhani ayaa sidoo kale la dilay intii uu socday howlgalkii loogu magacdaray Libaaxa soo kacaya ee Israel ay u fulisay hab gaadmo ah oo si laga yaabay loo soo qorsheeyay.

Samkhani Wuxuu sidoo kale ahaa Mid ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah ee Iran, Mr Shamkhani ayaa Tehraan u matalayay wadahadalo ay ka soo baxeen natiijooyin hordhac ah ama heshiis taariikhi ah oo lagu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Sacuudiga.

Waxa uu soo noqday sarkaalka ugu sareeya amniga qaranka 2013 ilaa 2023. Mr Shamkhani waxa uu kormeerayay wada xaajoodyada nukliyeerka ee Mareykanka isaga oo xubin ka ahaa koox uu magacaabay taliyaha ugu sarreeya si ay u maamulaan wada xaajoodkaas.

3- Major General Mohammad Bagheri

Major General Mohammad Bagheri, oo ahaa madaxa guud ee ciidamada Iran tan iyo 2016, ayaa sidoo kale la dilay Jimcihii.

Marka loo eego dukumeenti ka tirsan maaliyadda Mareykanka oo dhigaya cunaqabateyn ka dhan ah isaga kuna beegnaa sanadkii 2019, Mr Bagheri waxaa lagu soo rogay cunaqabateyn isaga iyo sargaal kale oo saaxiib dhow la ah Ayatollah Khamenei "kaas lagu eedeeyay wax loogu yeeray caburinta dadka Iran, dhoofinta argagixisada, iyo siyaasado kale oo lagu tilmaamay kuwo qalafsan.

Maj. Gen. Abdolrahim Mousavi ayaa bedelay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

Habeenimadii Jimcaha iyo subaxnimadii h**e ee Sabtida, waxay Iran wacad ku martay in ay u aargudi doonto dadkeedii lagu laayay weerar gudaheeda laga fuliyay.

Iran ayaa ilaa maajta gantaaladeeda ballistic-ga ah oo ay si raxan ah u soo fasaxayso waxay ku ruxday Tel Aviv iyo qaybo ka mid ah Qudus.

Guuxa dayuuradaha iyo diryanka madafiicda ayaa laga maqlayay labada magaalo, taas oo dadka ku qasabtay in ay gabaad ka raadsadaan guryaha xagga hoose dhulka ku diyaarsan, si ay uga fogaadaan gantaalada xooga leh ee sida roobka ugu socda magaalooyinkaas ay sheegato Israaiil.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca uu ku jiro shaqada, iyagoo ka hortagaya UAV-yada iyo gantaallada Iran, sidaana waxaa waramaysa waakaladda wararka Reuters.

Walow Israel ay aad u qarinayso qasaaraha gantaalada difaacooda birta ah ka gudbay ee ku dhacay gudaha meelo muhiim ah oo ku yaala Tel Aviv iyo magaalooyin kale oo xiga koonfurta dhulka ay maamusho Israel, hadana warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Iran ay beegsatay xafiisyo Muhiim ah sida xarumaha Israel ee bacriminta Nuclearka iyo gaashaandhiga.

Waxaa mugdi ah oo korontadii waayay meelo badan oo Israel ka mid ah. Shacanka Israel na waxay ku jiraan marxaladdii abid ugu cabsida badnayd ee soo wajahda tan aasaaskodii 1948.

OGSAN MEDIA

14/06/2025

Sidee Isra'iil ay ku dishay 3-dii sargaal ugu muhiimsanaa Iran?, Haddase xagee wax marayaan?.

13/06/2025

Cunaqabateyntii hubka ee ugu horaysay Soomaali lagu soo rogo waxay ahayd 1903-dii, sabab?.

12/06/2025

Saraakiishii ingiriiska ee ka soo adkaaday Daraawiishtii Suudaan iyo warbixinta ay ka sameeyeen Daraawiishtii Soomaaliyeed.

05/02/2024

Dhagaysiga sheekadaan waxaad ka helaysaa macluumaad badan oo la xidhiidha sida ay Itoobiyaanka uga soo shaqeynayeen muddo dheer inay kala dilaan dadka walaal...

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when OGSAN MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to OGSAN MEDIA:

Share