07/08/2026
Madaxda Dowlada Federaalka oo ugu h**eeyaan Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Senotero, xildhibaano, xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed, culimada waa weyn ee soomaaliya, haldoorka haweenka, iyo bulsho aad u fara badan ayaa hoyga uu ka degan yahay Magalaada Muqdisho ku booqanaya Wasiir h**e Mudane Abdisalam Haji Hussein.
Abdisalam Sheikh Hussein wuxuu soo noqdey
Wasiirkii Garsoorka iyo Arrimaha Diinta intii u dhaxeysay 1973-1978, wasiirkii Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare, wasiirkii Beeraha, 1976dii wuxuu kamid ahaa Xubinihii Golihii Dhexe X.H.K.S, sidoo kale Xildhibaan ka noqday Golihii Shacabka , hada oo ah oday soomaaliyeed ku nool Wadanka Masar wuxuu safar booqasho ah ku joogaa Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
Bulshada iyo madaxda soomaaliya ayaa hoygiisa u booqanaya si aan caadi aheyn taasi oo ka dhigan in uu yahay khabiir dowladeed faham fiican u leh geedi socodka dowlad dhiska curdunka ah ee dalkeena waana shaqsi waxbadan ka yaqaana dalka iyo dowladaha deriska la ah soomaaliya.