Irshaad Publishing

Irshaad Publishing Ku soo dhowoow Xarunta Buugaagta iyo Daabacaadda Guud ee IRSHAAD

26/08/2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Maamo Jawaahir Baarqab, ayaa dirtay fariin ku saabsan buugga Abaal Hooyo, iyadoo ka hadashay muhiimadda iyo fariinta uu xambaarsan yahay dhiganaha. ✍️📖






20/08/2026

Muqdisho, Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed, waxay martigelin doontaa habeen mug iyo maamuus leh, habeen astaan gaar ah leh, habeen aan ku maamuusi doonno nafta ugu qaalisan nolosheenna: “naf-nafteeda u hurtay naf kale”.

Waa habeenka bandhigga buugga Abaal Hooyo, dhigane xambaarsan qisooyin dhab ah iyo dhacdooyin aan h**e loo warin, kuna qotoma halyeeyadda nolosha, tiirka jiritaanka iyo muraayadda jacaylka bini’aadamka: Hooyo Macaan.

Maxaa ka dambeeya curinta dhiganahan? Maxay tahay ilinta qalbiga ee qalinka loo beddelay?




Suuradda Al Baqara waa mucjisadii Ilaahay oo dhigaal ah, waana daawada wax ka badan boqol xanuun. Waa awoodda aad dareem...
08/04/2026

Suuradda Al Baqara waa mucjisadii Ilaahay oo dhigaal ah, waana daawada wax ka badan boqol xanuun. Waa awoodda aad dareemi doonto ka dib tamardarro, niyad-jab, xanuun, murugo iyo rafaad. Waa awoodda kaa ilaalin doonta dhibaatooyinka shayaadiinta jinka iyo insigaba iyo weliba cadaw oo dhan. Waa awoodda jabin doonta sxirroole kasta oo qooqay, kibray, kuna kadsoomay hayntiisa.

Maalin kasta akhri suuradda Al Baqara si aad u daahiriso maalmahaaga, ugana dhigto kuwo barakaysan. Dhab ahaantii waxaad arki doontaa arrimo ku farxadgeliya iyo qofaf kuugu soo dhowaanaya jacayl, kalgacal iyo tudhaal. Waxa kale oo kuu muuqan doonaa yoolashaada oo soo dhowaanaya, isla markaana dhaboobaya oo idanka Alle.

Suuraddan ayaa sadarradeeda ku wadata siro waaweyn oo aynaan weli daahfeydin, balse aynu dareemi doonno oo taaban doonno goorta aynu marar badan ku celcelinno akhriskeeda...

Dhowaan filo idanka Alle

Turjumadii Cabdixakiin Obsiiye
Daabacaddi Irshaad Publishing

Markasta oo aan maqlo codka fiiq-fiiqda shimbiraha, waxa qalbigayga ku soo dhacda in Ilaahay weli na jecel yahay.In kast...
05/04/2026

Markasta oo aan maqlo codka fiiq-fiiqda shimbiraha, waxa qalbigayga ku soo dhacda in Ilaahay weli na jecel yahay.
In kasta oo ay dunida ku hareeraysan yihiin xumaan, dagaallo, gaajo iyo xasuuq, haddana qaylada shimbiruhu waxay naftayda ku beertaa rajo, waxayna ii muujisaa in ay jirto nolol cusub iyo wehel cusub oo soo socda.

* * * * * * * * * *
Ha rajo dhigin
Hana is dhiibin
* * * * * * * * * *

Waxaa dhab ah qof kastoo innaga mid ahi marka uu waagu u beryo inuu jecel yahay inuu qaabka ugu fiican u qabsado waajiba...
06/03/2026

Waxaa dhab ah qof kastoo innaga mid ahi marka uu waagu u beryo inuu jecel yahay inuu qaabka ugu fiican u qabsado waajibaadka maalinkaa sugaysa, balse mushkiladdu waa in aynaan waxba qabsan karin, ama aynu isla markiiba ka soo istaagayno hawlaha ina sugayay.

Su'aashu waxay tahay: maxaa innaga hortaagan qabashada hawlaheenna muhiimka ah? Maxaynu u dhammaystiri kari la'nahay? Maxaynu h**e ugu luminaynaa xiisihii iyo xamaasaddii aynu ku bilawnay shaqada? Innaga oo og dhibaatooyinka aan tirada lahayn ee aynu ka dhaxalno adeegsiga badan ee baraha bulshada, haddana sababma ayaynu ugu sii dheggan nahay?

Su'aalahan iyo kale oo badan waxaa ka jawaabaya buugyaran aan turjumay bishan Ramadaan. Waa toddobaatan iyo lix bog oo aan ugu baaqayo qof walboo la nool mushkiladda dibdhigashadu inuu akhristo. Buugyarahan, bishii ina dhaaftay ayaa loo turjumay afaf ka mid yihiin Afcarabig iqb, aniguna afkeenna hooyo ayaan u soo turjumay.

Address

Baar-ubax Muqdisho-soomaaliya
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Irshaad Publishing posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Irshaad Publishing:

Shortcuts

Share

Category