09/08/2026
RAALLI-GELIN IYO ISCAFIS
Waxaan si kal iyo laab ah raalli-gelin uga bixinayaa dhammaan asxaabtayda iyo dadka igu xirnaa baraha bulshada, haddii qoraalladaydii iyo hadalladaydii badnaa ay dhib, xanaaq ama faham-darro u keeneen.
Muddo dheer waxaan waday halgan aan aaminsanaa inuu ku dhisan yahay danta iyo matalaadda beesha.
Intii uu halgankaasi socday, waxaan marar badan si adag u tilmaamay masuuliyiin aan u arkayay inay ku fashilmeen waajibaadkii laga sugayay, gaar ahaan arrimaha saameeyay danta beesha.
Waxaan aaminsanaa in halgankeenna muddo ku dhow 20 sano soo socday, isla markaana ay jireen dad xagal-daacinayay, qaar doonayay in deegaanno iyo dano gaar ah lagu biiriyo, halka qaar kalena ay diidanaayeen in beesha ay hesho wax ay ku faani karto.
Waxaa sidoo kale jiray dad u arkayay halgankayga inuu ahaa waddo aan ku doonayay inaan saaxadda siyaasadda ku soo galo, sidaas darteedna la isku dayayay in dib la ii celiyo.
Si kastaba ha ahaatee, maanta waxaan leeyahay:
Qof kasta oo qoraalladayda ka tabtay, qof kasta oo hadalladayda dhibsaday, iyo cid kasta oo aan si toos ah ama si dadban u dhaawacay—Alle ka sokow, waan raalli-gelinayaa.
Gaar ahaan waxaan raalli-gelin u dirayaa dhammaan dadka ay naga dhexeeyaan abtirsiin iyo tol, iyo guud ahaan walaalaha 3&9, haddii qoraalladaydu ay qof ama koox dhib u geysteen.
Waxaan ogahay in iyo cafisku Alle leeyahay, balse waxaan qaadanayaa masuuliyadda hadalladaydii iyo qaabkii aan mararka qaar u gudbin jiray aragtidayda.
Waxaan ballanqaadayaa in haddii mustaqbalka ay dhacdo arrin aan u arko in danta beesha lagu gefay ama xaqeeda lagu duudsiiyay, aan dhaliisha u gudbin doono si ka duwan sidii h**e—si deggan, xushmad leh, dhisidna ku jirto, anigoo ilaalinaya midnimada iyo walaaltinimada.
Waxaan maanta leeyahay Aan is cafinno.
Anigu waan iska cafiyay cid kasta oo aan arrimaha danta tolka ku kala aragti duwannay ama aan ku dagaallannay.
Haddii qoraalkan ay jiraan qaar ku caan baxay war-xumada iyo fasiraadda qalloocan oo ay siyaabo kale u fasiraan, taas iyaga ayay u taallaa. Aniguse waxaan maanta doortay xasillooni, walaaltinimo, iscafis iyo in danta tolka lagu raadiyo waddo ka wanaagsan tii h**e.
Alle ha inoo mideeyo qalbiyadeenna, hana inoo sahlo in danta beesha lagu gaaro wadajir, xushmad iyo walaaltinimo.
Yaasiin Fiidshe