Shabeelada hoose

Shabeelada hoose Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Shabeelada hoose, Media/News Company, Somali gooble News, Mogadishu.

23/08/2023
Guddoomiyaha Hay,Adda SOCCO Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qaybgalay Xafladda Bandhiga Buuga (Isha Ixtiraamka) ay ...
21/08/2022

Guddoomiyaha Hay,Adda SOCCO Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qaybgalay Xafladda Bandhiga Buuga (Isha Ixtiraamka) ay qortay qoraa: Xamd Axmed Saciid (Dhool-Qaran).

Gudoomiyaha oo Kelmad ka jeediyay ayaa ku amaanay qoraaga buuga sida ay u dooratay mowduucaan aadka muhiimka ugu ah bulshada,islamarkaana xusay in uu yahay mowduuc waqtigiisa ku so aaday.

Gudoomiyaha ayaa sheegay muhiimada wax qorista iyo Akhrista u leedahay bulshada soomaaliyeed,isagoo qoraayaasha soomaaliyeed ku dhiirigeliyay in ay sii badiyaan qorida marba mowduuca muhiimka u ah bulshada,si ay dhaxal ugu reebaan bulshada.

Gudoomiyaha Hay,Adda SOCCO Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay Xafladda Qalin-Jabinta Dufcadii 14aad ee Iskuu...
17/08/2022

Gudoomiyaha Hay,Adda SOCCO Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay Xafladda Qalin-Jabinta Dufcadii 14aad ee Iskuulka Halane(Xalane).

Xafladaan oo ay ahayd mid aad loo soo agaasimay islamarkaana lagu maamuusaayay ardaydii ka qalinjabisay sanadkaan Halane Primary And Secondary School ay noqonayaan dufcadii 14aad ka qainjabisa Iskuulkaas ayaa iskugu yimid masuuliyiin kala duwan,waalidiin,maamulka ,macalimiinta iyo ardayda Halane.

Iskuulka Xalane ayaa kamid ah iskuulada ugu muga iyo mansabka wayn iskuulada ku yaala Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Wadajir,islamarkaana gacanta ku hayaaan masuuliyiin u mansab sheegta bahda waxbarashada waxna ka maamula goobaha ugu waawayn waxbarashada dalkeena.

Gudoomiyaha oo khudbad ka jeediyay ayaa ugu h**eyn u hambalyeeyay ardayda qalinjabinaysa isagoo ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan heerarka kale ee ay waxbarashada ugu harsan tahay.

Gudoomiyaha ayaa maamulka iyo macalimiinta ku amaanay in ay ka qeyb qaadanayaan horumarka bulshada iyo dalka isagoo sheegay in 21 sano oo uu Iskuulka aasaasan yahay in aysan sahlanayn islamarkaana laga qeyb qaadanaayo in la soo saaro jiilal kala duwan lana dhisaayo mustaqbalkooda,islamarkaana loo diyaarinayo in ay dalka hogaamiyaan.

Ugu dambayn gudoomiyaha ayaa waaladiinta ku dhiirigeliyay in ay caruurtooda waxkasto ay ku bixiyaan si ay wax u bari lahaayeen islamarkaana ku garabsiiyaan maamulka iyo macalimiinta jiheyntooda.

Iyadoo ardayda lagu dhiirigelinaayo waxbarashada ayaa Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed DOSYO u sameeyay ardayda wa...
11/08/2022

Iyadoo ardayda lagu dhiirigelinaayo waxbarashada ayaa Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed DOSYO u sameeyay ardayda wax ka barata Machadka gacanta uu ku haayo (Barnaamij Dhiirigelin ah).

Ururka Dosyo ayaa macmacaan lagu farxad gelinaayo ardayda wax ka barato machadka u qeybiyay.

Gudoomiyaha Ururka Dosyo Mudane Abdiwali Hashim Mahamed iyo Gudoomiyaha Golaha Sare ee Ururka DOSYO Mudane Abuukar Shuute Xuseen,iyo qar kamid ah golaha Fulinta qeybtooda waxbarashada ayaa si Wadajir ah ugu qeybiyay caruurta.

Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed DOSYO ayaa markasto u taagan dhiirigelinta iyo horumarinta waxbarashada isagoo caruurta waxbarato siyaabo kala duwan u garan istaago.

Ciidamo ka tirsan Itoobiya ayaa gudaha u galay degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan...
06/08/2022

Ciidamo ka tirsan Itoobiya ayaa gudaha u galay degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada gaaray degmada Doolow ay gaarayaan kumanaan askari, waxaana la sheegay in ay fariisamo ka dhigteen nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow.
Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dhawaan bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab.
Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadeen gudaha Soomaaliya.

Barnaamijka Qado-Siinta Ururka DOSYO ee qaxootiga Xiryaha iyo Dadka dantayar.Maalintii 3aad.Ururka Horumarinta Jiilka So...
04/08/2022

Barnaamijka Qado-Siinta Ururka DOSYO ee qaxootiga Xiryaha iyo Dadka dantayar.

Maalintii 3aad.

Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee DOSYO ayaa qado u qeybiyay dad danyar ah ku nool Xiryaha qaxootiga,dadkaasi OO ahaa kuwo ku nool Kaamamka Barakacayaasha.

Ururka Dosyo ayaa barnaamijkaan qado-siinta ah ugu talagalay in uu ku taageero dadka aan awoodin in ay noloshooda si dhamaystiran u maareeyaan aanan heli karin seddaxda waqti,Ururka ayaa ugu talagalay hal waqti in uu ka qaabilo.

Gudoomiyaha Golaha Sare Ururka Dosyo Mudane Abuukar Shuute Xuseen iyo qaar kamid ah Golaha Fulinta qeybta samafalka ayaa si Wadajir ah u fuliyay barnaamijka.

Asc walalaha ku nool degmada wanlaweyn iyo agagaarkeeda Waxa la baafinayaaa   Wiilkaan Sawirkisa Idin Muqda Ayaa waxuu i...
03/08/2022

Asc walalaha ku nool degmada wanlaweyn iyo agagaarkeeda
Waxa la baafinayaaa Wiilkaan Sawirkisa Idin Muqda Ayaa waxuu iha maqanyahay Shalay ilaa maanta magaciisane waa maxamed deq cabdulahi Shalay markuu Xaafada katagaayay oo Dugsiga usocday Waxuu Xirnaa Qamiis Baluug Fadlan Ciddi Aragno Nombarkaan Haigala Soo Xariirto 5545284 ama 5537867 fadlan Jawaabtiina Waa ii muhiim

Gudoomiyaha Golaha Sare Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed "DOSYO"Mudane:Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay shi...
02/08/2022

Gudoomiyaha Golaha Sare Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed "DOSYO"Mudane:Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay shirka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirkaan ayuu ahaa mid ay dhalinyarada iska arinsanayaan mustaqbalka dhalinyarada iyo caqabadaha hortaagan.

Dhalinyarada ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in la helo wax isku haynkara dhalinyarada ayna dhistaan nidaam isku hayn kara.

Gudoomiyaha oo khudbad ka jeediyay ayaa taageeray shirka wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyarada matalaad dhab ah ay helaan.

Shirka inta uu socday ayaa dhalinyarada isku raacay in ay hogaan ku meel gaar ah samaystaan waxaana Gudoomiye ku meel gaar ah looga dhigay Gudoomiye Salaamullaah.

Qof naftiisa haligay ayaa goordhow isku qarxiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoo...
27/07/2022

Qof naftiisa haligay ayaa goordhow isku qarxiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dad shacab ah, xilli ay ku sugnaayeen afaafka h**e ee xarunta degmada.

Guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed Wafoow iyo ugu yaraan afar qof oo kale ayaa naloo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxaas, waxaana jira dhaawacyo kale.

Bandhigga Buugga Maansooyinkii Abwaan Saalax Ma Lay Diray ee uu qoray Saalax Cawad ayaa Hargeysa lagu soo bandhigayaa  2...
27/07/2022

Bandhigga Buugga Maansooyinkii Abwaan Saalax Ma Lay Diray ee uu qoray Saalax Cawad ayaa Hargeysa lagu soo bandhigayaa 29/7/2022, 7.30pm, Maamuus Hotel.

26/07/2022

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Shabeelaha Hoose Ayaa Si Rasmi Ah U Bilaabay Mashruuca Keydinta Dhiiga Ee Degmada Marka

Wariye Rasmi Ruuxi

Muna Cabdi Abiib oo ku nool Magaalada Gursum ee Gobolka Faafan ayaa sheegtay inay nafteeda u hibaynayso askarigii barrah...
26/07/2022

Muna Cabdi Abiib oo ku nool Magaalada Gursum ee Gobolka Faafan ayaa sheegtay inay nafteeda u hibaynayso askarigii barraha bulshada qabsaday.

Muna,waxay noo sheegtay inay shuruud la'aan ogoshahay in askarigan ku guursado[Meherka iyo kharashka kastaba].

Muna,waxay sheegtay inay xitaa ku gali doonto haddii uu xaas leeyhaay.[waa lacala'e].

Muna, waxay sheegtay inay arrintan ku dhiiri galinayso ciiddanka,si guuurka loogu fudaydiyo.

DHACDO KALE..Hafsa Ahmed oo kasoo jeeda Degmada Raaso ee Gobolka Afdheer ayaa sheegtay inay wiilkaan oo ka tirsan Ciidan...
26/07/2022

DHACDO KALE..

Hafsa Ahmed oo kasoo jeeda Degmada Raaso ee Gobolka Afdheer ayaa sheegtay inay wiilkaan oo ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Liyuu Booliska oo Deegaankeeda ka difaacay Nabadiidkii soo wareeray ay nafteeda u hurayso, diyaarna u tahay inay is guursadaan.

Mss Xafsa ayaa ah gabadh aqoonyahanad ah oo dhawaan jaamacadna ka qalin jabisay.

Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur galbeed oo ka bilowdey Degmada Buurhakaba qorshaha Dib u habeynta Ciidanka Daraawista k...
26/07/2022

Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur galbeed oo ka bilowdey Degmada Buurhakaba qorshaha Dib u habeynta Ciidanka Daraawista koonfur Galbeed.

Address

Somali Gooble News
Mogadishu
WANLAWEYN

Telephone

+447542341934

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shabeelada hoose posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share