Hiigsi News

Hiigsi News Waa Warside Aad Ka heli Kartid Xogta Dalka somaliya

02/09/2026
Nabadda Koonfur Galbeed waa Mas’uuliyad Wadajir ahBaydhabo – 2 Sebteembar 2026Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mud...
02/09/2026

Nabadda Koonfur Galbeed waa Mas’uuliyad Wadajir ah

Baydhabo – 2 Sebteembar 2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kulan looga hadlay xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe wuxuu mar kale muujiyey in nabaddu tahay jidka keliya ee lagu gaari karo horumar, wadajir iyo mustaqbal ay bulshada Koonfur Galbeed si wadajir ah u leedahay. Odayaasha dhaqankuna waa tiir muhiim ah oo lagu dhisi karo kalsooni, is-afgarad iyo nabad waarta.

Labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen in nabadda laga wada shaqeeyo, khilaafkana lagu xalliyo wada-hadal iyo xigmad, cid kasta oo nabadda iyo xasilloonida diiddana ay tahay in shacabka iyo hoggaankuba hal meel uga soo wada jeestaan.

Nabaddu ma aha dano qof ama koox gaar ah leedahay, waa danta guud ee reer Koonfur Galbeed. Qofkii nabad dhisa wuxuu dhisayaa mustaqbalka jiilasha soo socda.

Koonfur Galbeed waxay u baahan tahay gacmo isu fidsan, ee ma aha gacmo is-haya. 🤝

Xusuus raadis.Sawirkan waxaa ku wada jira Guddoomiye Cali Rooble, kaaliyihiisa Ali Yusuf Ibrahim, iyo wariyaha GOOL FM, ...
30/07/2026

Xusuus raadis.

Sawirkan waxaa ku wada jira Guddoomiye Cali Rooble, kaaliyihiisa Ali Yusuf Ibrahim, iyo wariyaha GOOL FM, Shuuriye.
Cid kasta oo xusuusata fadlan nala wadaag: goorma ayuu dhacay wareysigani, xaggee ayuu ka dhacay?

Guddoomiye Cali Rooble iyo kaaliyihiisa ali Yusuf ibrahim oo xilligaas wareysanayay wariyaha GOOL FM, Shuuriye. Waxaa la rabaa in la sheego xilligii ay ahayd iyo goobtii ay ka dhacday.

04/07/2026

Magaalada baydhabo waxaa lagu qabtay kulan qado-sharaf ah oo ay yeesheen odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada reer Xasan ee beesha Hadame, laguna muujiyay midnimo, wadajir iyo taageerada dowlada Cusub ee Koonfur galbeed iyo matalaadda bulshada ee xildhibanka Reerka. Qeyb ka mid ah kulanka ayaa waxaa hadal ka jeediyay Mohamed Ali Nur, isagoo adkeeyay muhiimadda isku duubnida iyo horumarka bulshada.

Kulamo ka dhacay magaalada baydhabo, kana qeyb galeen odayaasha, waxgaradka, culimada, dhalinyarada iyo qeybaha kala duw...
04/07/2026

Kulamo ka dhacay magaalada baydhabo, kana qeyb galeen odayaasha, waxgaradka, culimada, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee reer Xasan ee beesha Hadame, wuxuu ahaa kulamo muujinaya midnimo, wada-tashi iyo garab istaag siyaasadeed.

Reer Xasan waxay markale muujiyeen isku duubni iyo taageerada ay la garab taagan yihiin mudane Xildhiban Hon Mukhtar Mohamud oo matalaad muuqata ku leh dowlad-goboleedka koonfur galbeed Somaliya

Sidoo kale, bulshada reer Xasan waxay hoggaanka cusub ee koonfur galbeed Mudane Sheikh Aadan Mohamed Nur (Madoobe) u rajeynayaan guul, cadaalad, midnimo iyo horumar waara oo shacabka iyo dowladnimada Koonfur Galbeed gaarsiiya meel sare.

Midnimo iyo wadajir ayaa saldhig u ah guusha bulshada.

Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu qabtay munaasabad soo dhoweyn iyo taageero loogu muujinayay hoggaanka cusub ee Dowl...
26/06/2026

Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu qabtay munaasabad soo dhoweyn iyo taageero loogu muujinayay hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo ay qabanqaabiyeen dhallinyarada iyo waxgaradka Beesha Reer Xasan ee Hadame.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Maxamed, Xoghayaha JSP ee Gobolka Banaadir Maxamed Cali Nur, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.

Ka qeybgalayaashu waxay si mideysan u muujiyeen taageeradooda hoggaanka cusub, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu horseedo nabad, midnimo, horumar iyo dowlad-dhis ay bulshada Koonfur Galbeed wada dareento.

Sidoo kale waxaa bulshada loogu baaqay inay garab istaagaan dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, wadajirka iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

DEGDEG boorarkii liibaan shuluq ku dhagsaday Caasimada galmudug iyo Magalada cadaado ayaa dhulka la dhigay hada …
28/05/2026

DEGDEG boorarkii liibaan shuluq ku dhagsaday Caasimada galmudug iyo Magalada cadaado ayaa dhulka la dhigay hada …

Address

Maka Almukarama
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiigsi News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share