Mogadishu Monitor

Mogadishu Monitor Halku dhigeennu waa Xog iyo Xaqiiqo Sheega

Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga billowday horyaalka kubadda kolayga ee gabdhaha Soomaaliya.Waa markii labaad oo...
23/12/2024

Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga billowday horyaalka kubadda kolayga ee gabdhaha Soomaaliya.

Waa markii labaad oo la qabto tartanka, waxaana masuuliyiinta xiriirka kubadda kolayga Soomaaliya ay sheegeen in uu noqon doono wixii hadda ka dambeeya tartan la qabto.

Waxaa kale oo xiriirka uu sheegay in tallaabadan ay uga gun lee yihiin siddii kor loogu qaadi lahaa cayaaraha gabdhaha, gaar ahaan kubadda kolayga.

Cayaartii furitaanka tartanka, waxaa joogay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda cayaaraha, qaar ka mid ah xiriirada cayaaraha, halyeeyo horre kubadda kolayga Soomaaliya magac ku lahaa iyo marti sharaf kale.

Gabdhaha cayaarayay ayaa dhammaan waxa ay wateen dhar asturan oo waxaana u dadnaa madaxa.

Fadlan aragtidaada ka dhiibo oo nagu soo biir👉Mogadishu Monitor🏀🇸🇴🦾 🇸🇴

12/12/2024

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku ammaanay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya inay gaareen heshiisiin taariikhi ah oo dadaal badan uu galiyay, kadib markii ay kuwada kulmeen Ankara. Haddaba, Cabdigafar Wardheere oo ka faallooda arrimaha caalamiga ah, kuna sugan gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa ka warbixinaya waxa uu ka dhiganyahay heshiiskaan, yeyse dani ugu jirtaa?

12/12/2024

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in si wadajir ah loo xalliyo khilaafkooda, kaddib markii magaalada Ankara ay kuwada kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Aragtidaada ka dhiibo.



Bidhaamiye TV

11/12/2024

Kylian Mbappé oo wareysi dheer siiyay telefishanka Canal Plus, ayaa ka hadlay sababta uu dhowr kulan uga maqnaaday xulkiisa qaranka iyo xiriirka uu la lee yahay macallinkiisa.

+

11/12/2024

Xiddiga dalka Masar Maxamed ayaa labo rikoor ka kala dhigay horyaalka kooxaha Yurub iyo kan Ingiriiska ee Premier League, mar waxa uu noqday xiddiga kaliya ee matalaya horyaalka Ingiriiska ee 50 ka dhaliya Champions League, waxa uu barbareeyay Filippo Inzaghi. Aragtidaada ka dhiibo.

09/12/2024

War sidaha Sunday Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray war sheegaya in kooxda Liverpool iyo cayaartoygeeda reer Masar Maxamed Saalax ay isla gaareen in uu sii joogo labo sanno oo kale kooxda, isagoo dhaliyay 226 gool, waxaana uu sameeyay 101 caawin 370 kulan oo uu saftay.

09/12/2024

Waa taxane kale oo ku saabsan isbaddalka ka dhacay dalka Suuriya oo shaley ay la wareegeen mucaaradka kadib markii dalka uu isaga cararay madaxweynihii horre Bishaar Al Asad. Fadlan aragtidaada ka dhiibo.

09/12/2024

Ku soo dhawaada warbixin kale oo ku saabsan xaaladda Suuriya, kadib markii shaley Axaddii ay la wareegeen mucaaradka ayna dalka ka eryeen madaxweynihii dalkaas ka arriminayay isaga iyo qoyskiisa wax ka badan 50 sanno. Fadlan aragtidaada ka dhiibo.

08/12/2024

Vinicius Junior oo sannadkii horre laga gacan bidixeeyay abaalmarinta Ballon d’Or 2024 ayaa loo saadaaliyay inuu ku guuleysan doono sannadka 2025-a, maadama xiddig khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee reer Spain Rodri uusan awoodin kari inuu difaacdo abaalmarintan.

Aragtidaada ka dhiibo.?

Kolonyo galbineysa hoggaamiyaha mucaaradka ayaa galay magaalada DimishiqSida uu xaqiijiyay weriye ka tirsan Aljazeer, ko...
08/12/2024

Kolonyo galbineysa hoggaamiyaha mucaaradka ayaa galay magaalada Dimishiq

Sida uu xaqiijiyay weriye ka tirsan Aljazeer, kolonyo ay la socdaan ciidamo fara badan ayaa galabta tegay magaalada Dimishiq si ay u sugaan ammaanka.

Dhinaca kale, taliyaha qeybta howlgallada Axmed Al-Sharaa ayaa soo saaray awaamiir lagu sugayo dhammaan xarumaha muhiimka ah, laguna soo rogayo ammaanka caasimadda.

Kolanyada ciidamada tegay caasimadda Dimishiq ay isugu jira ciidamo heer sare ah iyo kuwa kale, kuwaasoo loogu talagalay in ay sugaan ammaanka.

Aragtidaada ka dhiibo.

Aragtidaada ka dhiibo oo fadlan nagu soo biir✍Mogadishu Monitor🙏.

08/12/2024

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, ahna weeraryahanka Real Madrid, ayaa go’aansaday inuu warbaahinta la hadlo, ka dib dhaleecayn loo jeediyay dhawaan, xiddigan ayaa ka soo muuqan doono Axadda maanta ah kanaalka Faransiiska +. Aragtidaada ka dhiibo.

WARARKII UGU DAMBEEYAYWar goordhow naga soo gaaray caasimadda Suuriya ee Dimishiq oo maanta ay la wareegeen mucaaradka a...
08/12/2024

WARARKII UGU DAMBEEYAY

War goordhow naga soo gaaray caasimadda Suuriya ee Dimishiq oo maanta ay la wareegeen mucaaradka ayaa sheegay in ay ku dhawaaqeen in ay sameenayaa meemul kumeel gaar ah .

Isbaheysiga mucaaradka Suuriya ayaa xaqiijiyay in ay ka shaqeynayaan sidii ay u sameyn lahaayeen maamul ku meel gaar ah oo leh awoodo fulineed oo dhameystiran, iyaga oo intaa ku daray in ay rajeynayaan inay la sameeyaan iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeeshaan wadamada gobolka iyo caalamka.

Bandow ayaa caawa ka dhaqangalaya caasimadda kaasoo galabta afartii xilliga Suuriya biwllowday waxaana uu socon doonaa illaa 5ta subaxnimo.

Aragtidaada ka dhiibo oo fadlan nagu soo biir✍Mogadishu Monitor🙏.

Address

KM4
Mogadishu
2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Monitor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mogadishu Monitor:

Share