Hal-abuur faraxsane

Hal-abuur faraxsane curinta badaha suugaanta waxaan jeclahay oo aan xiiseeyaa badaha suugaanta qeybaheeda kala duwan

22/03/2025

Gabay guubaabo iyo gumeysi diid
Abwaan axmed helaale.

02/02/2025

Hal-abuur faraxsane

01/02/2025

Waji wanaagsanaayaa
Warran qabow lahaayaa
Eebow hanuun-sanaayaa

Alle ha unaxariisto Abwaan cabdulle geeda naar.
21/01/2025

Alle ha unaxariisto Abwaan cabdulle geeda naar.

waagii h**e labo habaarkooda waa leyska ilaali jiray.1: Abwaan afku leebla ah habaarkiis.2 habaarka wadaadka qalin nuuga...
09/11/2024

waagii h**e labo habaarkooda waa leyska ilaali jiray.
1: Abwaan afku leebla ah habaarkiis.
2 habaarka wadaadka qalin nuuga ah

xilli waxaanu joognaa naftii raqiis noqotay, dulmigune baahay, qof kastane noqday xukun Suge, wax kastane caadi iska noq...
28/10/2024

xilli waxaanu joognaa naftii raqiis noqotay, dulmigune baahay, qof kastane noqday xukun Suge, wax kastane caadi iska noqdeen, oo xaaraantii iyo boobkii iska noqdeen arin sharci u,ekaa.
waa biyo k**a dhibcaan oo waxaanu joognaa gunaanadka dunida, ruux kastane maalintii ow dhinto ayey qiyaamadiisu dhacday oo halkaas ayuu kusoo afjarmayaa oo taariikh cusub ayaa ubillabanee iyo xaalado cusub oo midba wacaalkeeda leedahay xumaan iyo samaanba.
Hadaba anagoo ka anba qaadeyno halkaas haddane garwaaqsan in dhacdooyinka xunxun, sida qaraxyada, iyo dilalka qorsheysan, colaadda qabaa,ilka, iyo wixii lamid ah, bulshada saameyn ay kureebaan, oo dareennada ay kadilaan, sababina Kara iney bulshadaas noqoto bulsho naxariistu kaguurto.
sidoo kalane garwaaqsan barwaaqada iyo nabaddu, iney ileys iyo rajo ifeyso uhorseedaan bulshada, waa in ow qof kasta udiyaar garoobo daarta rasmiga ah, habeen kastane kujiifto kunasoo koco dardaaran iyo sagootin.
Qof kaste waxaan kula dardaarmayaa cabsida alle iyo inow cafis weydiisto cid kasto ow tuhmayo iney wax uun katabaneyso.


Hal-abuur faraxsane

Marbey igu dheheen iska dhaaf suugaanta haasaawaha Anne sidaan ayaan ugu jawaabay ee Yaa qaldan ayaga iyo aniga.Hirashad...
27/09/2024

Marbey igu dheheen iska dhaaf suugaanta haasaawaha Anne sidaan ayaan ugu jawaabay ee Yaa qaldan ayaga iyo aniga.

Hirashadii hankeedii
Hadalkoo samaadiyo
Hidda dhowrka weeraha
Horaa leygu deeqoo
Hibo eebbe weeyaan

Hal-abuur inaan ahay
Howlkar lagu yaqaanoo
Rabbi hiigsi siiyoo
Hadafkiisu taam yahay

Iskadaa hadaaqee
Hindisaha afkeeniyo
Ragga hadal yaqaankaa
Bal haleele weydii
Hungo lama rabee hubi

Docda kale hadane eeg
Hal-abuurki h**e iyo
Bal hadraawi Soo eeg
Heestiisa beerlula
Haasaawe dumar iyo
Sow heblaayo maaheyn

Imrul qeys hadane eeg
Hurre walanwal soo baar
Cilmi hadalladiisii
Hodan ow kayiri eeg

31/03/2024

Dadkoo wada hurdaayoo
Dayaxune iftiin yahay
Qabar ley dardaar weri
Aalado la-daawado
Qalbigeygu daalacay

Dabadeed xasuustii
Daarti aaqiraad iyo
Intii ehelka duugneed
Qalbigii dawaafsii.

31/03/2024

ليلة وألف ليلة، ليلة هادئة دافئة ساكنة الأرجاء، تُريح للقلوب نورَ الحياة، ومع لطافة نَسيمها توحي لنا الخير، وتُروي الظّمأ، لعلّ اللّهَ ودّع الأنوارَ فيها، ليلة بشاشة المحيّا تبدي السّرور، وتزرع في طيّاتها الحاجات، ليلة تهطل فيها بركات الرّحمٰن، ليلة يقضي اللّه فيها ما يشاء، ليلة أجوائها تتحلّى بالنّقاء والبهاء، ليلة القدر وما أدراك ما ليلة القدر، اللهمّ وفّق لنا الخير.
فعليك بدعاء المصطفى صلّى اللّه عليه وسلّم: إن وافقتَ.
'اللَّهُمَّ إِنَّكَ عَفُوٌّ كَرِيمٌ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّي"
.

1: Allahayow adaa qaadira      adaa qanihoo weyn"2: Adigaa quluubaha ogsoon        Qeybka garanaayo"3: Adigaa qayuuma oo...
26/03/2024

1: Allahayow adaa qaadira
adaa qanihoo weyn"
2: Adigaa quluubaha ogsoon
Qeybka garanaayo"
3: Adigaa qayuuma oo naflaha
Qaafil ka eheyne"
4: waxa muuqda waxa ii qarsoon
Waxaan qorsheynaayo"
5: adigaa qoraallada dhammaan
Caadna kaa qarine"
6: adigaa quraankaa kuyiri
Qeyba ducadeyda"
7: qalbigeygu woxow tabanayaa
Amasa ii qoolan"
8: anoon qowlin qaafkane ku oran
Qalinka aan raacin"
9: inaad ii qaabishaan rabaa
Qaanac-baan ahaye"

25/03/2024

Maansadii hadaf
Godka: jiifto.
Cabdi Shakuur Cabdulqaadir Cali

Hadaad tahay fariid sareMisane tahay feylasuufFikirku waa lama huraanKabboo fiiqsoo cantuugFaraha foodooda h**eKuqabo fi...
23/03/2024

Hadaad tahay fariid sare
Misane tahay feylasuuf
Fikirku waa lama huraan
Kabboo fiiqsoo cantuug
Faraha foodooda h**e
Kuqabo fiijaanka shaah.
Cabdi Shakuur Cabdulqaadir Cali
Afur wanaagsan

Address

Deyniile
Mogadishu
WARSHADAHA

Telephone

+252617485443

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hal-abuur faraxsane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share