04/04/2026
Waxaan arkaayay dad leh: “H/Gidirnimo ha lagu shaqeeyo”, iyo kuwo u heesaya.
Horta aniga H/Gidirnimada wax ka fiican ayaan haystaa, waana Ashcarinimo iyo Maaturiidiyadnimo, inkastoo qabiilka la yiri “hala isku aqoonsado”, haddana in la gar dhigto ceeb ma ahan. Habargidirnimadu waxay u baahan tahay ku laabasho. Walaalka kula dhashay ee hooyada iyo aabbahaa dhaleen waxaa kaaga fiican kan Islaamkaa ee caqiidada wanaagsan kula wadaaga oo ku jecel, wanaagana ilaaliya. Anigu waaba idiin sheegayaa xaqiiqda, waayo Alle ayaan ka baqaa, warkeygana waan cadeynayaa. Wax kasta oo aan ka hadlayana cadeyn ayaan soo raacinayaa.
Waxaanan ahay qof mowqif leh. Qabiilna aslan mihiimadiisu waa aqoonsi sida aayaadku sheegeen.Anigu kalaamka Alle k**a weyni.
Aanba H/Gidirnimada ka hadlo. Markii ugu horreysay ee bahashaas layga gadi waayay waxay ahayd markii Cabdiqaasim Villada loo diiday. Markii xigtay waxay ahayd markii culimada Dhuusamareeb la weeraray, aflagaadana loo raaciyay. Markii ii sii xigtay waxay ahayd markii Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu baashaalay oo rag Habargidira qiyaaneen, aakhirkina xisbigiisii hawada lagu cunay ilaa maantana la af lagaadeeyo. Markaas Habargidirnimadu ma fasax bay ku maqneyd? Qalbiyada dadka laguma ciyaaro, Habargidira 2026 aalada internekaa looga muufeeystaa.
Markii iigu darneyd waxay ahayd markii qoys Soomaliyeed wiil laga dilay, dabadeed la yiri: “Magtiinu waa $25,000, laakiin teennu waa laba diyo, 200,000 loo qiimeeyay”, waliba aan si caddaalad ah loo qiimeyn. Mar hadday arrintu ka gudubtay in aayaadkii Alle wax lagu xukumo oo jahli laga noqdo waddada xaqa ah, Habargidirnimo maxay idiin taraysaa? Maxaase loo waayay qof yiraahda sidaani saxaahan, " Maya, sidaas Alle ayaa Qur’aankiisa ku sheegay, meel aanu uga baxno ma jirto naska Alle?” Eeg Suurad An-Nisaa (النساء), Aayad 93 (4:93).
Markii iigu dambeysay ee aan yaabay waxay ahayd markii aan arkay kursi Maxamed Madarkicis ku fadhiyo, ee la leeyahay: “Iisoo arka aan Xasan Sheekh kasoo dhameystee.” Mida aan sugaayana waa inaan Maxaned Madarkicis kursiga Galmudug u soo dhawaanin ee haloo taliyo tobanina meelaha ka caaytanto.
Dagaalna lagula gali karo iyadoo aan la xeerin sidii wanaagsaneyd ee beeshu faraha ugala baxday maamulka iyagoo xitaa ku dulman. Sidoo kale waxaa la sugayaa in shan ama lix sano iyadoo kursi lagu fadhiyo, maalinta uu Cayr yimaadana la abuuro buuq iyo dood ku saabsan caasimadda iyo madaxweynaha in la kala qaado, waana wax dhici kara. Ma jirto magaalo kale oo isku hayn karto dadka reer Galmudug, waayo Dhuusamareeb waa magaalo la wada leeyahay dhinaca fahamka dawladnimada. Nin gurigaaga ku duulaya ninana ku aamini maayo naftiisa. Mida kale waxba yaan qabaa’ilka kale nalagu xuuxin, wax “irirnimo” la yiraahdna maanta Islaamnimadaa ka dhaw.
Maxamed Madarkicis waa qabiilka ugu dhulka ballaaran H/Gidir. Wixii Qoorqoor isku fidiyay ka hadli maayo. Inta sharciga ah ayaan ka hadlayaa. Waxay xuduud la leeyihiin sideed qabiil, wabiguna uma dheera, xitaa wuu u soo leexan karaa. Badna waa yihiin, dhulkooduna waa dhul aad ugu fiican daaqsinta. Waxay sidoo kale xuduud la leeyihiin Soomaali Galbeed. Waliba dagaallada soo laablaabta waa kuwo la maalgeliyo oo leh ujeeddooyin.
Waxay hooyo la wadaagaan qayb ka mid ah Mudulood. Dhaqan ahaan waa dadka ugu faca weyn beelaha Hawiye, waxaana la sheegaa inay leeyihiin 15 duub oo muddo dheer duubnaa, inkastoo inta la hubo ay tahay 13 duub. Waxaa jira qabaa’il ay wadaagaan dhaqanka duubka iyo sii haynta saldanadda marka duub ka geeriyoodo. Dalka waxay ka soo noqdeen wasiirradii ugu waqtiga dheeraa xilligii dowladdii kacaanka, sidoo kale waxay ka noqdeen madaxweyne. Waa dad yaqaan dowladnimada. Waxyaabo badan oo maanta dalka ka jira na waaba la yaaban yihiin, waana fahamka dawladnimada.
Waxay ka mid ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee Talyaanigu ku wareejiyay xarumaha dowladeed markii daakhiliyada la qaatay. Saraha Xamarweyne ee qadiimiga ah, injineeradii wax ka dhisay waxaa ka mid ahaa Xaayoow Qaawane. Waxaa la hayaa dukumiintiyo caddeynaya shirarkii ay caasimadda ku qaban jireen 90 sano ka hor. Waxaa la sheegaa in beeshani labadii boqol ee sano ee u dambeeyay ay saameyn ku lahayd Muqdisho.[sdahaqq]
Waxay ka mid ahaayeen dadkii dhaqaalaha dalka aas-aasay burburkii ka dib. Dalka waxay ku lahaayeen warshado dowladdii dhexe, sidoo kale saxaafadda ayay kor u qaadeen burburkii ka dib, waxay keeneen nidaam isgaarsiineed, laakiin waa la joojiyay. Waxay ahaayeen qabiilka bilaabay iska caabinta xagjirnimada, inkastoo qabaa’ilo kale dagaalka ku soo biireen. Waxaa jira taariikho diiwaanka galay oo dalka lagu difaacay.
Beeshani waa beesha keliya ee Soomaaliyeed ee caan ku ahayd in la isugu yimaado kulamo qoys (family reunion) iyo picnic sanadle ah; ma ahayn dhaqan caan ka ah Soomaalida dhexdeeda. Dabcan qabaa’iladu way kulmi jireen, laakiin pickniggu iyaga ayuu gaar u ahaa; halkaas oo hilib la solay, xoolo la qalo, la isu wareysto, la duceysto, lana akhriyo 114 jaamac iyo qatim. Waana beel curad ah.
Dabcan, waxaa jiray dagaallo lala galay oo la maalgeliyay, kuwo loo adeegsaday Wahaabiyiin, kuwo loo adeegsaday Itoobiya, iyo kuwo loo adeegsaday hoggaamiye-kooxeedyo. Waxay ahayd qorshe degsan, waxa ugu weyn ee lagula dagaalamayayna waxay ahayd caqiidadooda iyo dhaqankooda suuban, ilaa xitaa cadawgoodu ka dhex dhashay qaybo ka mid ah dhexdooda. Sannadka 2026 waxaa deegaanadooda la geeyay masaajidyo iyo iskuullo, laguna sheegay in la barayo “towxiid”, halka qaar lagu tilmaamay “gaalo” aan waxba baranayn.
Dantu beeshaasi kuma jirto H/Gidirnimo; waxay ku jirtaa Islaamnimada, Soomaalinimada, ninnimada, iyo Ashcariyadda. Iyaga ayaa ka guuleysanaya xagjirnimada, mooryaanimada, beenta iyo khiyaanada, waayo dantoodu waxay ku jirtaa daacadnimo iyo Ahlullahnimo.
Kuwa u heesaya “Habar Gidir” na waxaan leeyahay, Soomaalinimada aada, Islaanimada aada, danihiinna u heesa, laakiin nin jiritaankaaga diidan oo marka uu dantiisa wato ku raadsaneya marka kalana kaa laalaada kor uga bax.
Dalkana nabad Allaha nooga dhigo, Hassana waxaan kula talinayaa qaladaadkii aad gashay waxaa kaa dhaqi kara inaad Xalane arimihiisa dib eegis ku sameeyso. Dal uu dal kale kor degan yahay ayaanu nahay. Waana wadada Soomali uga bixi faragelin shisheeye, burburka iyo colaadaha.
Dr Maha Hussein