DarDheer TV

DarDheer TV DarDheer TV: Accurate, reliable, and timely news you can always count on. Stay turned.

Waxaan arkaayay dad leh: “H/Gidirnimo ha lagu shaqeeyo”, iyo kuwo u heesaya.Horta aniga H/Gidirnimada wax ka fiican ayaa...
04/04/2026

Waxaan arkaayay dad leh: “H/Gidirnimo ha lagu shaqeeyo”, iyo kuwo u heesaya.

Horta aniga H/Gidirnimada wax ka fiican ayaan haystaa, waana Ashcarinimo iyo Maaturiidiyadnimo, inkastoo qabiilka la yiri “hala isku aqoonsado”, haddana in la gar dhigto ceeb ma ahan. Habargidirnimadu waxay u baahan tahay ku laabasho. Walaalka kula dhashay ee hooyada iyo aabbahaa dhaleen waxaa kaaga fiican kan Islaamkaa ee caqiidada wanaagsan kula wadaaga oo ku jecel, wanaagana ilaaliya. Anigu waaba idiin sheegayaa xaqiiqda, waayo Alle ayaan ka baqaa, warkeygana waan cadeynayaa. Wax kasta oo aan ka hadlayana cadeyn ayaan soo raacinayaa.

Waxaanan ahay qof mowqif leh. Qabiilna aslan mihiimadiisu waa aqoonsi sida aayaadku sheegeen.Anigu kalaamka Alle k**a weyni.
Aanba H/Gidirnimada ka hadlo. Markii ugu horreysay ee bahashaas layga gadi waayay waxay ahayd markii Cabdiqaasim Villada loo diiday. Markii xigtay waxay ahayd markii culimada Dhuusamareeb la weeraray, aflagaadana loo raaciyay. Markii ii sii xigtay waxay ahayd markii Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu baashaalay oo rag Habargidira qiyaaneen, aakhirkina xisbigiisii hawada lagu cunay ilaa maantana la af lagaadeeyo. Markaas Habargidirnimadu ma fasax bay ku maqneyd? Qalbiyada dadka laguma ciyaaro, Habargidira 2026 aalada internekaa looga muufeeystaa.

Markii iigu darneyd waxay ahayd markii qoys Soomaliyeed wiil laga dilay, dabadeed la yiri: “Magtiinu waa $25,000, laakiin teennu waa laba diyo, 200,000 loo qiimeeyay”, waliba aan si caddaalad ah loo qiimeyn. Mar hadday arrintu ka gudubtay in aayaadkii Alle wax lagu xukumo oo jahli laga noqdo waddada xaqa ah, Habargidirnimo maxay idiin taraysaa? Maxaase loo waayay qof yiraahda sidaani saxaahan, " Maya, sidaas Alle ayaa Qur’aankiisa ku sheegay, meel aanu uga baxno ma jirto naska Alle?” Eeg Suurad An-Nisaa (النساء), Aayad 93 (4:93).

Markii iigu dambeysay ee aan yaabay waxay ahayd markii aan arkay kursi Maxamed Madarkicis ku fadhiyo, ee la leeyahay: “Iisoo arka aan Xasan Sheekh kasoo dhameystee.” Mida aan sugaayana waa inaan Maxaned Madarkicis kursiga Galmudug u soo dhawaanin ee haloo taliyo tobanina meelaha ka caaytanto.
Dagaalna lagula gali karo iyadoo aan la xeerin sidii wanaagsaneyd ee beeshu faraha ugala baxday maamulka iyagoo xitaa ku dulman. Sidoo kale waxaa la sugayaa in shan ama lix sano iyadoo kursi lagu fadhiyo, maalinta uu Cayr yimaadana la abuuro buuq iyo dood ku saabsan caasimadda iyo madaxweynaha in la kala qaado, waana wax dhici kara. Ma jirto magaalo kale oo isku hayn karto dadka reer Galmudug, waayo Dhuusamareeb waa magaalo la wada leeyahay dhinaca fahamka dawladnimada. Nin gurigaaga ku duulaya ninana ku aamini maayo naftiisa. Mida kale waxba yaan qabaa’ilka kale nalagu xuuxin, wax “irirnimo” la yiraahdna maanta Islaamnimadaa ka dhaw.
Maxamed Madarkicis waa qabiilka ugu dhulka ballaaran H/Gidir. Wixii Qoorqoor isku fidiyay ka hadli maayo. Inta sharciga ah ayaan ka hadlayaa. Waxay xuduud la leeyihiin sideed qabiil, wabiguna uma dheera, xitaa wuu u soo leexan karaa. Badna waa yihiin, dhulkooduna waa dhul aad ugu fiican daaqsinta. Waxay sidoo kale xuduud la leeyihiin Soomaali Galbeed. Waliba dagaallada soo laablaabta waa kuwo la maalgeliyo oo leh ujeeddooyin.
Waxay hooyo la wadaagaan qayb ka mid ah Mudulood. Dhaqan ahaan waa dadka ugu faca weyn beelaha Hawiye, waxaana la sheegaa inay leeyihiin 15 duub oo muddo dheer duubnaa, inkastoo inta la hubo ay tahay 13 duub. Waxaa jira qabaa’il ay wadaagaan dhaqanka duubka iyo sii haynta saldanadda marka duub ka geeriyoodo. Dalka waxay ka soo noqdeen wasiirradii ugu waqtiga dheeraa xilligii dowladdii kacaanka, sidoo kale waxay ka noqdeen madaxweyne. Waa dad yaqaan dowladnimada. Waxyaabo badan oo maanta dalka ka jira na waaba la yaaban yihiin, waana fahamka dawladnimada.

Waxay ka mid ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee Talyaanigu ku wareejiyay xarumaha dowladeed markii daakhiliyada la qaatay. Saraha Xamarweyne ee qadiimiga ah, injineeradii wax ka dhisay waxaa ka mid ahaa Xaayoow Qaawane. Waxaa la hayaa dukumiintiyo caddeynaya shirarkii ay caasimadda ku qaban jireen 90 sano ka hor. Waxaa la sheegaa in beeshani labadii boqol ee sano ee u dambeeyay ay saameyn ku lahayd Muqdisho.[sdahaqq]
Waxay ka mid ahaayeen dadkii dhaqaalaha dalka aas-aasay burburkii ka dib. Dalka waxay ku lahaayeen warshado dowladdii dhexe, sidoo kale saxaafadda ayay kor u qaadeen burburkii ka dib, waxay keeneen nidaam isgaarsiineed, laakiin waa la joojiyay. Waxay ahaayeen qabiilka bilaabay iska caabinta xagjirnimada, inkastoo qabaa’ilo kale dagaalka ku soo biireen. Waxaa jira taariikho diiwaanka galay oo dalka lagu difaacay.
Beeshani waa beesha keliya ee Soomaaliyeed ee caan ku ahayd in la isugu yimaado kulamo qoys (family reunion) iyo picnic sanadle ah; ma ahayn dhaqan caan ka ah Soomaalida dhexdeeda. Dabcan qabaa’iladu way kulmi jireen, laakiin pickniggu iyaga ayuu gaar u ahaa; halkaas oo hilib la solay, xoolo la qalo, la isu wareysto, la duceysto, lana akhriyo 114 jaamac iyo qatim. Waana beel curad ah.

Dabcan, waxaa jiray dagaallo lala galay oo la maalgeliyay, kuwo loo adeegsaday Wahaabiyiin, kuwo loo adeegsaday Itoobiya, iyo kuwo loo adeegsaday hoggaamiye-kooxeedyo. Waxay ahayd qorshe degsan, waxa ugu weyn ee lagula dagaalamayayna waxay ahayd caqiidadooda iyo dhaqankooda suuban, ilaa xitaa cadawgoodu ka dhex dhashay qaybo ka mid ah dhexdooda. Sannadka 2026 waxaa deegaanadooda la geeyay masaajidyo iyo iskuullo, laguna sheegay in la barayo “towxiid”, halka qaar lagu tilmaamay “gaalo” aan waxba baranayn.

Dantu beeshaasi kuma jirto H/Gidirnimo; waxay ku jirtaa Islaamnimada, Soomaalinimada, ninnimada, iyo Ashcariyadda. Iyaga ayaa ka guuleysanaya xagjirnimada, mooryaanimada, beenta iyo khiyaanada, waayo dantoodu waxay ku jirtaa daacadnimo iyo Ahlullahnimo.

Kuwa u heesaya “Habar Gidir” na waxaan leeyahay, Soomaalinimada aada, Islaanimada aada, danihiinna u heesa, laakiin nin jiritaankaaga diidan oo marka uu dantiisa wato ku raadsaneya marka kalana kaa laalaada kor uga bax.

Dalkana nabad Allaha nooga dhigo, Hassana waxaan kula talinayaa qaladaadkii aad gashay waxaa kaa dhaqi kara inaad Xalane arimihiisa dib eegis ku sameeyso. Dal uu dal kale kor degan yahay ayaanu nahay. Waana wadada Soomali uga bixi faragelin shisheeye, burburka iyo colaadaha.

Dr Maha Hussein

Kuwani waa xildhibaanada Deegaanka Soomaalida ee ku matala Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.Haddii beelaha Hawiye ay hel...
11/02/2026

Kuwani waa xildhibaanada Deegaanka Soomaalida ee ku matala Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.

Haddii beelaha Hawiye ay heleen laba xildhibaan oo keliya, su’aal sharci iyo mid cadaalad ah ayaa halkaas ka dhalanaysa. Marka la eego tirada iyo miisaanka bulshada, waxaa la isweydiin karaa in matalaaddu ay noqotay mid dheellitiran mise ay jirto sinnaan la’aan muuqata.

Haddii tirada guud ee kuraasta la helay ay gaareyso 23 iyo ka badan, dooddu waxay noqonaysaa in beelaha qaarkood ay heleen matalaad ka badan tan ay xaqa u lahaayeen, halka kuwo kalena ay ka heleen wax ka yar intii ay tiradoodu iyo saamigoodu u oggolaanayeen. Qaar badan ayaa aaminsan in Hawiye ay xaq u lahaayeen ugu yaraan 10 xildhibaan marka la eego miisaankooda bulsho iyo taariikhda doorkooda.

Arrintani waxay u baahan tahay hufnaan, wada-tashi iyo nidaam caddaalad ku dhisan si matalaadda siyaasadeed ay u noqoto mid ku saleysan sinaan iyo wadajir, halkii ay noqon lahayd mid dareen cabasho dhalisa.

Cadaalad darada Ethiopia halkaas beey mareeysaa.

DardherTV

Itoobiya ayaa dhistay xero qarsoodi ah oo lagu tababarayo kumannaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan Ciidamada Gurmadka Deg...
10/02/2026

Itoobiya ayaa dhistay xero qarsoodi ah oo lagu tababarayo kumannaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee ah ciidan hubeysan oo ka hawlgala dalka deriska la ah ee Suudaan, sida ay ogaatay warbixin ay diyaarisay Reuters. Tani waa calaamad kale oo muujinaysa in mid ka mid ah colaadaha ugu dhimashada badan adduunka uu bilaabay inuu soo jiito quwadaha gobolka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Xeradan tababarku waxay noqoneysaa caddeyntii ugu horreysay ee si toos ah u muujinaysa ku lug lahaanshaha Itoobiya ee dagaalka sokeeye ee Suudaan, taas oo ah horumar khatar ah oo suurtagal ah, maadaama ay RSF siinayso tiro badan oo askar cusub ah xilli dagaalku ka sii xoogeysanayo koonfurta Suudaan.

Siddeed ilo-wareed, oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta (UAE) uu maalgeliyay dhismaha xerada, isla markaana uu bixiyay tababarayaal ciidan iyo taageero saadka ah oo loo fidiyay goobta. Aragti la mid ah tan ayaa sidoo kale lagu xusay warqad gudaha ah oo ay diyaariyeen hay’adaha ammaanka ee Itoobiya, iyo farriin diblomaasiyadeed oo ay Reuters dib u eegis ku samaysay.

Xigasho:Reutors

Dagaal hadallo kulul ah ayaa sii xoogaystay kaddib markii Itoobiya ay ku amartay deriskeeda Eritrea inay “si degdeg ah u...
10/02/2026

Dagaal hadallo kulul ah ayaa sii xoogaystay kaddib markii Itoobiya ay ku amartay deriskeeda Eritrea inay “si degdeg ah uga baxdo ciidamadeeda” dhulka Itoobiya, iyadoo labada dal ay u muuqdaan kuwo si tartiib ah ugu sii dhawaanaya iska horimaad cusub.

Xiriirka u dhexeeya labada dal ee Geeska Afrika ayaa muddo dheer ahaa mid kacsan.
Bilihii u dambeeyay, Addis Ababa waxay ku eedaysay Eritrea inay taageerto kooxo hubeysan oo ka dagaallamaya gudaha Itoobiya — eedeymahaas oo ay Asmara si adag u beenisay.

“Dhacdooyinkii maalmahan u dambeeyay waxay muujinayaan in dowladda Eritrea ay dooratay waddada sii kicinta colaadda,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ku sheegay warqad uu Sabtidii u diray dhiggiisa Eritrea.

Wuxuu ka dalbaday Asmara inay “ka baxdo ciidamadeeda dhulka Itoobiya isla markaana joojiso dhammaan noocyada wada-shaqeynta ay la leedahay kooxaha fallaagada ah.”

“Duullaanka” ka socda xuduudaha waqooyi-galbeed ee dalka iyo hawlgallada militari ee wadajirka ah ee halkaas ka socda “ma aha oo kaliya kicin iyo xadgudub, balse waa falal gardarro oo cad,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Timothewos wuxuu intaa ku daray inuu rumeysan yahay in “wareegga rabshadaha iyo kalsooni-darrada” weli lagu joojin karo wadahadal diblomaasiyadeed.

“Haddii aan helno jawaab wanaagsan oo ku saabsan dalabkayaga sharci ah ee ah in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo dhul-dhammaystirka Itoobiya,” ayuu yiri, “markaas Itoobiya waxay diyaar u tahay inay gasho wadaxaajood daacad ah.”

Dowladda Eritrea k**a aysan jawaabin si degdeg ah codsiyo lagu waydiinayay faallo.

Eritrea, oo ka mid ah dalalka ugu xiran dunida, waxay xornimada ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993 kaddib tobanaan sano oo halgan hubeysan ah.
Labada dal ayaa mar kale dagaal xuduudeed galay intii u dhexeysay 1998 ilaa 2000, dagaalkaas oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii uu talada la wareegay raadiyay isu-soo-dhawaansho uu la yeesho Eritrea, taas oo sababtay in la guddoonsiiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel sannadkii 2019.

Labada dowladood waxay iska kaashadeen la dagaallanka jabhadaha ka soo jeeda gobolka Tigray ee Itoobiya intii lagu jiray dagaalkii 2020–2022, balse xiriirkoodu wuu xumaaday kaddib heshiiska nabadda, maadaama Eritrea laga reebay.

Dagaalkii sokeeye ee Tigray ayaa lagu qiyaasaa inuu sababay dhimashada ugu yaraan 600,000 oo qof, halka heshiiska nabadeed ee ka dhashay, oo loo yaqaan Heshiiska Pretoria, uusan weli si buuxda u xallin xiisadaha jira.

Mas’uuliyiinta Itoobiya waxay sheegayaan in Eritrea ay “si firfircoon ugu diyaargarowday dagaal” isla markaana ay maalgelinayso kooxo hubeysan oo la dagaallamaya ciidamada federaalka.

Dhankeeda, Eritrea waxay Itoobiya ku eedaysaa inay doonayso inay la wareegto dekedda Assab, taas oo ay ku sheegtay qayb ka mid ah dadaalka ay waddanka dhul-la’aanta ahi ugu jiro inuu helo marin badeed.

Source: African news

Eritrea ayaa ku eedeysay Itoobiya inay been-abuur sameysay, kadib markii ay sheegtay in ciidamo Eritrean ah ay ka gudbee...
10/02/2026

Eritrea ayaa ku eedeysay Itoobiya inay been-abuur sameysay, kadib markii ay sheegtay in ciidamo Eritrean ah ay ka gudbeen xadka oo ay galeen dhulka Itoobiya. Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo “been ah”, isla markaana sheegtay inaysan jirin wax ciidamo ah oo ka tirsan Eritrea oo ku sugan dhulka Itoobiya.

Sabtidii, wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warqad u diray dhiggiisa Eritrea, taasoo uu ku dalbaday in ciidamo Eritrean ah ay ka baxaan dhulka Itoobiya. Warqaddaas waxa kale oo Eritrea lagu eedeeyay “gardarro cad”, iyadoo lagu sheegay inay wada-hawlgal militari la sameyneyso jabhado Itoobiyaan ah oo ka dagaallama waqooyiga dalka, isla markaana ay hub siinayso.

Jawaabteeda, Eritrea waxay sheegtay in eedeymahaasi ay qeyb ka yihiin “olole colaadeed oo ka dhan ah Eritrea oo socday in ka badan laba sano”. Eritrea waxay intaas ku dartay inaysan dooneyn dagaal ama muran sii hurinaya xaaladda.

Labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea waxa u dhexeeya taariikh dheer oo xiisad ah tan iyo markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya ku dhowaad 30 sano ka hor. Waxaa jira cabsi laga qabo in mar kale dagaal cusubi ka qarxo. Labada dal waxay dagaal xuduudeed galeen intii u dhexeysay 1998 ilaa 2000, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100,000 oo qof. Heshiis nabadeed oo la gaaray dagaalkaas kadib si buuxda looma hirgelin, xiriirkuna wuu adkaa ilaa uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, booqday caasimadda Eritrea ee Asmara sanadkii 2018, taasoo keentay in xiriirka labada dal yara d**o. Dadaalladaas awgood, Abiy Ahmed wuxuu markii dambe ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel.

Labada dal waxay xulafo ahaayeen intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Itoobiya, markaas oo Eritrea ay taageertay ciidamada dowladda Itoobiya dagaalka ay kula jireen xoogagga Tigray, balse xiriirkaasi mar kale ayuu xumaaday.

Warqadda uu diray wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa lagu sheegay in “horumarrada maalmahan dambe ay muujinayaan in dowladda Eritrea ay dooratay waddo khatar ah oo horseedeysa iska horimaad sii kordhaya”. Waxa kale oo uu ku eedeeyay Eritrea in ciidamadeedu ay si qoto dheer u galeen dhulka Itoobiya ee waqooyi-bari, isla markaana ay tababbarro militari la sameynayaan kooxo hubeysan oo ka jira xuduudda waqooyi-galbeed ee Itoobiya, taasoo uu ku tilmaamay falal gardarro ah.

Mid ka mid ah qodobada muranka dhaliyay ayaa ah dalabka Itoobiya ee ah inay hesho marin badeed, maadaama ay tahay dal aan bad lahayn. Abiy Ahmed ayaa arrintaas ku tilmaamay mid jiritaan qaran la xiriirta, isagoo sheegay in luminta deked ay ka dhalatay madaxbannaanida Eritrea ay ahayd “qalad”. Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warqaddiisa ku sheegay in haddii ciidanka Eritrea ay ka baxaan dhulka Itoobiya, labada dal ay bilaabi karaan wada-hadallo ay ku jiraan arrinta marin-badeedka, gaar ahaan isticmaalka dekedda Assab.

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa ku jawaabtay in eedeymahaasi ay yihiin “kuwo si cad loo been-abuuray”, isla markaana ay la yaab ku tahay hadalkooda, ujeeddadooda, iyo sababta ka dambeysa. Waxay sidoo kale sheegtay in dowladda Eritrea aysan dan ka lahayn muran micno la’aan ah oo sii hurinaya xaaladda.

Toddobaadkii h**e, Abiy Ahmed ayaa markii ugu horreysay sheegay in intii uu socday dagaalkii sokeeye ee 2020 ilaa 2022, ciidamada Eritrea ay dad rayid ah ku laayeen magaalada qadiimiga ah ee Aksum. Eritrea horay ayay u beenisay eedeymahaas, kadib warbixinno ka hadlayay xasuuq ka dhacay magaaladaas bishii Nofeembar 2020.

Iyadoo isbahaysiyo is-beddeleen, Itoobiya hadda waxay sheegaysaa in Eritrea ay taageereyso jabhado ku sugan Tigray oo ka soo horjeeda heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalka sokeeye. Bishii h**e, booliska Itoobiya ayaa sheegay inay qabteen kumannaan xabbo oo rasaas ah oo ay Eritrea u dirtay jabhadahaas. Eritrea way beenisay eedeynta, waxayna Itoobiya ku eedeysay inay “sameyneyso marmarsiiyo been ah si ay u justifiyato dagaal ay muddo laba sano ah rabtay inay bilowdo.”

Source: BBC

Xagee ku danbeeyay xildhibaankaani?
09/02/2026

Xagee ku danbeeyay xildhibaankaani?

Culimada Suufiyadu waxay door Muhiima ka soo qaateen halgankii dheeraa ee lagu xoreeyay dalkeena. Waxay ummada Soomaliye...
07/02/2026

Culimada Suufiyadu waxay door Muhiima ka soo qaateen halgankii dheeraa ee lagu xoreeyay dalkeena. Waxay ummada Soomaliyeed indho u ahaayeen waqtiyo adag.
Waxaan ku dhawaaqeynaa barnaamij cilmi-baaris ah oo ay hoggaaminayso Akaadeemiyada Axyaa Wadani, barnaaminkaas oo lagu martiqaadayo lixdan cilmi-baare oo Soomaaliyeed, ku kala nool gudaha iyo dibaddaba dalka. Cilmi-baarayaashu waxa loo kala qaybin doonaa saddex qaybood:

Labaatan ka mid ah cilmibaarayaashu waxay diiradda saari doonaan taariikhda culimada Suufiyada Soomaaliyeed, halgankoodii diimeed iyo bulsho, doorkii ay ku lahaayeen tacliinta, tasawufka, tarbiyada, qoraalka afka Soomaaliga, manaahijta waxbarashada dalka iyo culuumta islaamka guud ahaan.

Labaatanka labaad waxay baari doonaan caqabadaha waaweyn ee hortaagan Soomaaliya sida federaalka, arimaha aqlaaqiyaadka, qabyaaladda, xagjirnimada iyo khilaafaadka bulsho, iyagoo soo jeedinaya xalal cilmiyeed iyo aragtiyo wax ku ool ah; si looga gudbo dhibaatada, xalkana loo raadin karo.

Halka labaatanka ugu dambeyaa ay falanqeyn doonaan sida loo horumarin karo Suufiyada dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, saxaafadda, falsafada,,”xalaqaatka cilmiga iyo guud ahaan arrimaha akaadeemiyadda. Suufiyadu waa aqlabiyada dalka, doorkooduna waa furaha nabbada.

Cilmi-baarista oo dhan waxa lagu diyaarin doonaa qaab PDF ah (Essay) waxaana ururin iyo tifaftirkaba yeelanaya Akaadeemiyada Axyaa Wadani. Ka-qaybgalka wuu u furan yahay ruux kasta oo haya xog, cilmi ama khibrad ku saabsan mawduucyadan, iyadoon loo eegin goobta uu joogo. Muddada cilmi-baaristu waa saddex bilood, waxayna ku eg tahay bisha Xajka. Faahfaahin dheeraad ah iyo habka loo soo gudbinayo cilmi-baarista, fadlan la xiriir 00967734543792, Dr. Hassan Albasti, sidoo kale ku soo biir qolka cusub ee WhatsApp-ka si aad ula socoto wararka iyo hagidda barnaamijka cilmi baarista.

Ujeersdeenu waa inaanu daraasaad ku sameeyno xogaha kor ku xusan.

Fadlan qaabka cilmi baaristu ha noqdo mid nidaamsan, adigoo raacaya habka cilmi baarista (academic reseach).
qaabka Research / Cilmi-baaris ee la rabo ha noqdo mid nidaamsan oo akaadeemi ah. Qodobadan hoose waa liiska qaybaha waajibka ah:
Waa inay leedahay:
• Title (Cinwaanka Cilmi-baarista)
• Abstract (Soo-koobid kooban oo sharxaysa ujeedada, habka, iyo natiijada guud)
• Introduction (Hordhac: asalka mawduuca, muhiimaddiisa, iyo sababta loo baarayo)
• Problem Statement (Dhibaatada ama mushkiladda cilmi-baaristu diiradda saarayso)
• Objectives (Ujeeddooyinka cilmi-baarista)
• Research Questions (Su’aalaha cilmi-baarista)
• Methodology (Hab-raaca: sida xogta loo ururiyay, loo falanqeeyay)
• Discussion / Analysis (Falanqeyn iyo dood cilmiyeed)
• Findings / Results (Natiijooyinka la helay)
• Conclusion (Gunaanad)
• Recommendations (Talooyin iyo soo-jeedin)
• References (Tixraacyo / Buugaag, maqaal, ilo cilmiyeed)
Waxaad kaloo ku soo dari kartaa cilmi-baarista Quraanka, Sunnada, iyo Fiqiga!

Hadii uu qaabka cilmi baaristu kugu adag yahay, noo soo dir su’aalo iyo jawaabo.

Luuqadaha aad noogu soo gudbin kartaan waa Somali, English iyo Arabic.

Maha

Ciridkoo kor loo taagoIma cajabinin anigeeIndhahaa i cawlaneArintaan cajiibkaaaaaaWalee ceebta daba taalaCaqligii wax ga...
06/02/2026

Ciridkoo kor loo taago
Ima cajabinin anigee
Indhahaa i cawlane
Arintaan cajiibkaaaaaa
Walee ceebta daba taala
Caqligii wax gara kara
Maxaad ku cabiri leyd adi?
Ma sixir iyo curaafaad?
Ma caqli gaabni iyo duli?
Ma ka cadeeyso xoogaa?
Ma Turkibaa cadaadini?
Doonaaya calaf kale?
Ma carabaa qiyaamee?

Calooshaan ka ooyaye
Warka Ii kala cadeeyooy?

Hassan Sheiq waxaa haboon inuu siyaasada isaga baxo oo noqdo oday Soomaaliyeed.Waxaa haboon inuu soo dhiso siyaasi ruug ...
05/02/2026

Hassan Sheiq waxaa haboon inuu siyaasada isaga baxo oo noqdo oday Soomaaliyeed.
Waxaa haboon inuu soo dhiso siyaasi ruug cadaa ah oo la tacaali kara xaalada taagan.
Siyaasada Soomaaliya waa mid halisa inuu isagu yeero dhamaan waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed, xaalada taagana loo dad badsado.
Waxaan qabaa inuu la heshiiyo cod kastoo la fikir duwan cid hubeeysan iyo cid aan hubeeysneyba.
Waxaan taaganahay isgoys qatara oo u baahan in loo dad badsado.

Hada dalka leh Soomaliya ayaan caawineeynaa ee na kor degan midwalba waxa uu leeyahay agenda hoose, Hassana waa ku adagtahay inuu la tacaalo.

Kuwa mucaaradkaa dalka waa soo xukumeen, waxaana ay sababeen burbur iyo kala rag mudadii ay xilalka hayeen, maahan in la soo celiyo iyagana.

Sidee kula tahay adiga?

Mareykanka ayaa si weyn u kordhiyey joogitaankiisa iyo diyaar garowgiisa milatari ee Bariga Dhexe, isagoo u sababeeyey k...
05/02/2026

Mareykanka ayaa si weyn u kordhiyey joogitaankiisa iyo diyaar garowgiisa milatari ee Bariga Dhexe, isagoo u sababeeyey kacsanaan sii kordheysa oo la xariirta Iran iyo wadahadalada diblomaasiyadeed ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Tehran. Waa la filayey in madaxwaynaha iyo saraakiisha labada dhinac ay kulmaan Jimcaha magaalada Istanbul, si dib loogu bilaabo wadahadalka ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, balse hadda kulankaas waxaa loo beddelayaa Omman ka dib markii hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta ay ku cadaadiyeen maamulka Mareykanka in uusan ka noqon wadahadalkii.

Sawirro dayax-gacmeedkaa ayaa muujinaya in Mareykanku dhigay hawada diyaarado, maraakiib dagaal, iyo aalado milatari oo kala duwan deegaanada istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan kooxda wax weerari karta ee USS Abraham Lincoln iyo burburinayaal ku kala baahsan Badda Cas iyo Badda Mediterraneanka. Khubarada difaaca ayaa sheegay in qalabka la geeyey uu diyaar u yahay dhawr nooc oo suurtagalin kara dagaal, laakiin uusan jirin caddeyn muujinaysa in weerar la qorsheynayo waqti dhow. Sidoo kale, Mareykanka ayaa Iran uga digay in aysan samayn ficillo “khatar ah” ka hor jimicsiyo toogasho toos ah oo lagu qaban doono Marinka Hormuz, waxaana Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka sheegeen in wadahadallada muhiimka ah ay tahay in lagu daboolo arrimo ka baxsan nukliyeerka sida barnaamijka gantaalada balastiga uu Iran leeyahay, taageerada kooxaha hubeysan ee gobolka, iyo arrimaha xuquuqda aadanaha.

Source Fox News

U.S. military buildup escalates across Middle East as nuclear talks with Iran move to Oman

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Dhaxal-suldaan Maxamed bin Salmaan ayaa kulankoodii ka dhacay Riyadh ku ad...
05/02/2026

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Dhaxal-suldaan Maxamed bin Salmaan ayaa kulankoodii ka dhacay Riyadh ku adkeystay taageerada ay si buuxda u hayaan midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha Soomaaliya, iyaga oo diidmay waxa ay ugu yeereen dhaqdhaqaaqyo kala qaybin iyo qaabab sharci darro ah oo halis ku ah isku duubnida qaranka Soomaaliya. Labada hoggaamiye waxay si wada jir ah uga hor yimaadeen go’aankii Israel ku aqoonsatay gobolka Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay arrintaas mid kicin karta xasarado ka sii daraya gobolka oo burin karta xasiloonida iyo sharciga caalamiga ah. 

Erdoğan iyo Maxamed bin Salmaan ayaa sidoo kale ku celiyey ballan-qaadkooda in ay sii wadi doonaan taageerada xasilloonida, horumarka iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay labada dal si wada jir ah uga shaqeynayaan sidii loo difaaci lahaa midnimada dalalka gobolka sida Soomaaliya, Yemen, iyo Suudaan. Waxa kale oo ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la horumariyo wada-shaqeyn amni iyo mid siyaasadeed si loo xaqiijiyo nabadda iyo wada noolaanshaha dalalkaas.

DardherTV

Furo linkiga hoose oo ka raalaco warnixinta.

Turkish and Saudi leaders reject separatism and parallel structures in the Horn of Africa as they meet in Riyadh.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si cad u muujiyey taageerada Ankara ay u hayso midnimada, madax-bannaanid...
05/02/2026

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si cad u muujiyey taageerada Ankara ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo jiritaanka Somalia, isagoo cambaareeyey talaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland oo uu ku sheegay mid sharci darro ah islamarkaana ka hor imaanaysa midnimada dalka iyo sharciga caalamiga ah. Erdogan ayaa sheegay in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ay tahay mid joogto ah, ayna sii wadi doonaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen sugidda nabadda, xasilloonida iyo halganka ka dhanka ah argagixisada ee gudaha Soomaaliya, iyadoo Ankara ay sidoo kale sii xoojineyso iskaashiga dhaqaale, amni iyo difaac ee labada dal. 

Sidoo kale, Dhaxal Suge Maxamed bin Salmaan iyo dawladda Sucuudiga ayaa si cad u diiddan aqoonsiga Somaliland, iyaga oo ku adkaystay dawlada Sacuudigu taageerada midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha Soomaaliya intii lagu guda jiray wada xaajoodyo iyo bayaan ay la yeesheen Turkiga iyo madaxda kale ee gobolka. Sucuudigu waxa uu si xooggan u muujiyey in uu ka soo horjeedo wax kasta oo wax u dhimaya xasiloonida iyo sharciyada caalamiga ah ee dalka Soomaaliya, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu taageero hay’adaha sharci ee Soomaaliya si loo ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada qaranka.

DardherTV

Xogasho: Turkiye Today
& Arab News.

Address

N/A
Mogadishu
KM4

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DarDheer TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category

Welcome to Dardheer TV

Dardheer TV advertises the rebuilding of Somalia, mainly in Galmudug. It is a politics and religion free, and we will post the nice buildings, businesses, roads, infrastructure, hospitals, agriculture, schools, sports, music, culture, and the beauty of nature. Dardheer TV is free and created purely on volunteer work. We will take interviews about debates and solutions which will benefit Galmudug region. Through the regional state administration, we will give yearly recognition for the effort and result which was produced. There will be a yearly event that showcases the most influential people and the fruits of their labor. We want this program to be a model for others, and have people understand that development of our region is priority.