Taagane media

Taagane media News

09/08/2024
22/10/2022

DEG DEG:- ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah kacanta ugu dhigay deegaanka masaajid cali gaduud.

DEG DEG:- Ciidamadda Dowladda ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanadda Burdacaar iyo Daarusalaam oo u dhaw masaajid Cal...
22/10/2022

DEG DEG:- Ciidamadda Dowladda ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanadda Burdacaar iyo Daarusalaam oo u dhaw masaajid Cali gaduud.

21/10/2022

Maba doonayaan ineynu dowlad ahaanno.

21/10/2022

DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KU GUULEYSATAY TOOSINTA IYO DHAMMAYSTIRKA HESHIISKA WADAAGGA WAX SOOSAARKA SHIDAAALKA EE SHIRKADDA COASTLINE EXPLORATION

Muqdisho, Oktoobar 20, 2022:
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, si loogu saleeyo danta dalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashadu, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero caalami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Munaasabadda toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ergayga gaarka Madaxweynaha ee arrimaha ganacsiga caalamiga ah, mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo maamulka Shirkadda Coastline Exploration.

DHAMMAAD

21/10/2022

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hey’adda qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Filippo Grandi inta uu joogo Soomaaliya, waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’isul wasaare Xamze Barre, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023, qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023, hirgellinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024 iyo la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.

Socodka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ay ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

21/10/2022

Sida ay xaqiijiyeen sarakiil ciidan waxaa Ciidamadda dowladda ay si buuxda ula wareegeen inta u dhaxeeya bur dacaar iyo Masaajid cali gaduud halkaasi oo kooxda Argagixisada dadka mudo ku dhibateeynayeen.

Ciidanka maanta gaaray deegaannadaasi ayaa sheegay in wali ay wadaan howlgalka lagu baacsanaayo firxadka kooxda gumaadka ummada xalaashatay.

Gen Tareedisho iyo Gen ibraahim Muuse oo hor kacaaya ciidankan ayaa sheegay howl galkaani qeeyb ka yahay dib u xoreeynta dalka goobaha kooxdu ka joogto.

Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa si buuxda Galabta ula wareegay deegaano iyo Tuulooyin hoostaga deegaanka Masaajid Cali ...
20/10/2022

Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa si buuxda Galabta ula wareegay deegaano iyo Tuulooyin hoostaga deegaanka Masaajid Cali guduud ee gobalka shebeelaha dhexe.

Ciidankaan oo ka kala baxay laba aag ayaa Waxaa hogaaminaya Saraakil katirsan Miletariga Soomaaliya,Waxaana tuulooyinka ay la wareegeen kamida Faqayaalo, Burdacaar, Geelgub, Ceel jilib iyo Bagdaad.

Saraakisha hogaamineysa Ciidankaan ayaa kala ah Gen.Gacmodulle, Gen.Ibrahim Yusuf, Gen.Tareedisho, Gen.Cabdullahi Macalin, Col.Xaadoole, Col.Qoondhe, Waziir Wash*toom iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidankii dhawaan gaaray degmada cadale.

20/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Mudane Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan kooxda argagxisada ah ee gumaadka ku heysa shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa magaalada Beledweyne Horey ugu sii sugnaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.
Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xamse ku yimaado magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay, taasi oo muujineysa ahmiyadda iyo mudnaanta uu Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisu siineyso dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ah.

20/10/2022

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii ugu dambeeyay argagixisada ka saaray degaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Howgal ay ka sameeyeen degaano ay kamidyihiin Warciise, Gaaleef, Qoorsheere, Jilable, oo hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Raagaceele ee gobolka Shabeelaha dhexe ayay xaqiijiyeen amaanka degaanadaasi iyagoona khaarijiyay ku dhawaad 10 dhagar qabe oo katirsan Burcad diimeedka Al-shabaab sida uu Warbaahinta C.Q.S u sheegay G/le dhexe Dayac Cabdi Cadulle Taliyaha Guutad 17-aad ee kumaandooska Xds Gorgor.

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252615492158

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taagane media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Taagane media:

Share