03/04/2022
Maxaa cunno ku fiican maxaase ku xun inta aad ku jirtid bisha ramadaan !!!!
Waxaan ku guda jirnaa bishii Ramadaan oo ah bil barakeysan oo u baahan cibaado iyo in la is cafiyo intaas kaddib dadka waxay soomanyihin in ka badan 12 saac kuwaas oo aan cabbin wax biyo ah iyo wax cunno ah.
Haddaba qofk markuu afurayo maxaa u fiican maxaase u fiicneen.!!!
1-Ku afur biyo iyo timir biyaha ha iska badin waxaad u bahantahay biyo isku dheelitiran si xawaaraha jidhka u helo biyo ku filan. Si kale haddii aan u dhigo biyaha badan cunnada ayey ka hor istagayaan.
2-Ku afur cunnooyinka galka leh sida shurbadda/Mushaarida,Misirta iyo maraq laga sameyey khudaar,dhamaan cunnooyinkaas waxay ka caawinayaan in calooshaada si sahlan wax u shiido caloosha maddaama 12 saac in ka badan aad soomaneed.
3-Ku afur cunnooyinka ay ku yar yihiin dufanka iyo saliidda.
4-Ku afur hilib biyo lagu karkariyey (Falfal) iyo malay ofenka lagu kariyey.
5-Cun khudaar aan adkeen sida Qaraha/Xab xabka iyo wixii la mid ah.
Waxaad u baahan tahay in aad iska ilaalisid ??
âCunnooyinka saliida leh sida burshilshiilka,Sambooska,Mashmashka iwm.
âWaxaad u bahantahay in aad iska ilaalisid hilibka la shiilay iyo maleyga la shiilay dhamantood waxay leeyihin dufan saaid ah caloosha in ay shiido muddo dheer ku qaadaneysaa.
âiska ilaali in aad si saaid ah u dharagtid,dharagtu cafimaad ma ahan.
âIska ilaali cunnooyinka saaidka u kulul inta aad sooman tahay.Sababtoo ah dhuun mareenka iyo caloosha si sahlan ayey boog ku qaadi karaan aakhirkiina wuxuu sababi karaa kancerka caloosha iyo kan dhuun mareenka.
NB:Haddii aad la ildaran tahay gaas iyo wixii la mid ah iska ilaali cunnooyinka basbaaska ku badan iyo kuwa cusbada ku badan