05/12/2023
PUNTLAND: Kulamo kala duwan oo ku aaddan ismarin-waaga doorashada madaxtinimo ayaa u socda isimmada, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo bulshada rayidka oo dhinac kasta ku jiro xaaladda; iyada oo lagu wado in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo soosaara waxa bulshada guud xalka u aragto.
Dhinaca kale Kulan saacado qaatay oo ay maanta yeesheen madaxweyne Deni, kuxigeenkiisa karaash iyo isimmada SSC-khaatumo ayaa ku soo idlaaday iyada oo aan laysla "waafiqin" soojeedintii isimmada oo ahayd in ay iyagu xaaladda siyaasadeed ka go'aan gaadhaan, sida xogaha laga heley tilmaameen.
Dhinacyada kala duwan ee xalka ku jira waxa ay markaa waraysato kuu sheegayaan in ay horyaallaan dhowr kala doorasho oo kala duwan oo lagu geli karo doorashada;
1. In la raaco guddoonkii isimmadii Garoowe ku shirey oo la aado "Xulista xildhibaannada, doorashaduna dhacdo xilligeedii."
2. In Golaha Wakiillada ee waqtigoodu dhammaanayo ay doortaan Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa, ka dibna sannad ka dib golaha lagu doorto qof iyo cod - tan waxa qaba xildhibaannada SSC.
3. In la aado doorasho dadban oo dad la xulay oo badan doortaan madaxda xigta kuwan - taasi oo lamid ah xulashadii xildhibaannada DFS.
4. In waqti loogu daro dowladda laguna laabto doorashadii h**e.
Aragtiyahan ka sokow dowladdu waxa ay waddaa hannaanka qof iyo cod, waxaana la filayaa in dhawaan ay bilowdo diwaangelinta dadweynaha, inkastoo Golaha Baarlamanka uu ku dheggen yahay meelmarinta xeerka doorashada qof iyo cod, iyada oo la filan karo in ay jid u furaan ismarin-waaga.
Adiga maxaa u aragtaa xalka?