Eng wehlie

Eng wehlie eng wehlie

Wallaahi ma fahmin Jaayga, naloo soo dhoofiyo. Waxaan hubaa in aan ahay Qof aan Aqoon badan leheyn, in kasta oo aan heys...
29/06/2023

Wallaahi ma fahmin Jaayga, naloo soo dhoofiyo.

Waxaan hubaa in aan ahay Qof aan Aqoon badan leheyn, in kasta oo aan heysto Shahaado Jaamacadeed oo aan Culuunta dhaqaalaha ku qaatay. Haddana wey igu adkaatay in aan fahmo waxyaaba badan oo Dalka ka socdo markaan ka fiiriyay dhinaca Dhaqaalaha. Maanta, waxaan ku dhaqaaqay Cilmi baaris kooban oo Xaqiiqa raadis ah, Haddaan "Far iyo Fool" isku geeyay ma fahmin Danaha dhaqaale ee ku jiro Jaayga dhismaha ee naloo soo dhoofiyo. (F.S: 1aad)

H**e, waxaan uga cawday, in Dalka loo soo dhoofiyo Digir, Ukun, Moos, Birta Canjeerada lagu dubo iyo Badeeco kale oo Dalka laga heli karo.
Waxaan la yaabanaa in Sucuudiga aan u dhoofino Xoolo nool, Annaguna aan ka soo dhoofsano Caano Fara badan oo Dalka oo dhan lagu iibiyo.

Maanta waxaan la yaabay, Haddii aan fikiray oo aan "Far iyo Fool" isku geeyay, Goorba Jaahilnimadeeydaa Xad dhaaftaye. Waxaan jiro in Dalka loo soo dhoofiyo Dhagxaha Quruuraxa ah ee wax lagu dhiso, lana mid ah Jaayga caadiga ah Dalka, ee H**e wax loogu dhisi jiray.
Ma aqaan Sababta dhaqaale ee nagu kaliftay marka loo fiiriyo "opportunity Costs". Markabkii ugu dambeeyay ee Jaay wado waxa uu Dekadda Mogadishu yimid Usbuucaan ugu dambeeyay June 2023. Waxaa Jaayga keeno Dalka Laba Shirkadood oo waaweyn oo Somali ah.

1. Ma waxaa ku khasabay Qandaraasle Dan leh oo Rabo in Jaaygiisu u gadmo, waan ku qanci waayay in Jaayga Dibaddu uu ka fiican yahay kan Gudaha ama ka raqiisisan yahay.

2. Jaayga Dibadda laga keeno, waxaa laga soo qaadaa Buuro ku yaal Dalalkaa Ajnabiga ah, kadib waxaa la keenaa Dekedaha Dalkaa, kadibna waa naloo soo dhoofiyaa.(F.S: 2-5aad)
Dalkeena waxaa laga helaa Labo nuuc oo Jaay ah, Mid Jilcan oo Xeebaha laga helo iyo mid Adag oo ka fiican kan Dibadda oo laga helo Gobalada sida: Buuraha Hiiraan, Gobalada Baay, Bakool, Bari, Gedo iyo Waqooyiga Somaliya.

3. Dhaqaale ahaan waxa ay aheyd ugu yaraan in laga fikiro ( Equilibrium of Import - Export. ilaa laga gaarayo E>I , taa oo Xatta si aan ku talagal aheyn Qiimaha Lacagteena kor u qaadi leheyd.

4. Waxyaabaha Dalka la keeno isla iyagiina Dalka laga soo saari karo, waxaa lagu badiyaa Cashuurta si Dowladdu ay Dakhli badan uga hesho, waxaana loogu Badiyaa Cashuurta Badeecadda Dibadda, si aynan ula tartamin Wax soo saarka Gudaha. Mase Dalalka Dibaddaa qaar loo daneynaa?

4. Waxaa jiro Cashuur dhimis loo sameeyo Badeecooyinka qaar, 20%,30%.

Laakin, Dhagxaha Jaayga dhismaha ee Dibadda nalooga keeno waxaa loo sameeyay.
Cashuur Dhimis iska dhaafe, waxaa loo sameeyay Canshuur Dhaaf ah 100%, Wax Canshuur ah lagama qaado.

Waxaan ka Codsanaa inta Caqliga u saaxiibka ah iyo inta iiga aqoon badan Culuunta dhaqaaluhu, in aynan la yaabin Jaahilnimadeeyda, ayna iigu faa'iideeyaan, Sababta dhaqaale ee nagu kaliftay, in aan Jaay dibadda ka keeno oo weliba Canshuur dhaaf 100% ah lagu keeno, ayna ku shaqa beelaan Boqolaal Somaliya oo Nolol maalmeedkoodu ku tiirsanaa Jaay soo saaridda Gudaha, dhinaca Xeebaha iyo Buuraha.

Walaahi, ma fahmin Sababta dhaqaale ee nagu kaliftay.

FG. Ishaada ku soo arag, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

05/06/2023

Muqdisho: Halista ku gadaaman shaqaalaha dhismaha
Safety shaqalaha waa mazuuliyaday ay ka saran tahay company wada shaqada waa in
La ilaayo mazuuliyada qofka ka shaqeynayo dhismayaalka dhaareer sida kan oo kale
Waxa uu ubahan yahay qofka ka shaqeyna
Koofi
Kabaha dhismaha
Cloves
Eyclass ama ookiyaalo
Iyo wax waliba oo safety qof badbaadin karo

Eng wehlie

30/09/2022

Jimca mubaarak

Mogadishu of somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄
04/06/2022

Mogadishu of somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄

Vocabulary for Engineering
31/05/2022

Vocabulary for Engineering

28/05/2022

7+12+7= 26
70 -7=63
7 sano jir,
70 sano kasoo qaad 70 -7 = 63 oo xamaali ah .

Buundada jalaqsi Sababaha ugu badan ee fashilinta buundada waa cilladaha qaab dhismeedka iyo naqshadeynta, daxalka, khal...
22/05/2022

Buundada jalaqsi
Sababaha ugu badan ee fashilinta buundada waa cilladaha qaab dhismeedka iyo naqshadeynta, daxalka, khaladaadka dhismaha iyo kormeerka, culeyska shilalka ah iyo saameynta, xoqidda, iyo dayactir la'aanta ama kormeerka
Wax yaabaha keenay in ay dunto
1 loads badan oo tankii lagu talagay Aan aheyn inuu maro
2 joints ay u fidsan tahay oo spaces sii gaaro meel kale
Jalaqsi Bridge needs Rehabilitation πŸŒ‰

Dhacdo cajiib leh ayaa ka dhacday Bangi ku yaala dalka Nigeria.Bangiga waxaa ka banaaneed jagadda maamulaha bangiga, dad...
21/05/2022

Dhacdo cajiib leh ayaa ka dhacday Bangi ku yaala dalka Nigeria.

Bangiga waxaa ka banaaneed jagadda maamulaha bangiga, dad kii soo codsaday waxaa ka mid ahaa nin ilaaladda bangiga ka mid ahaa, hadii la qaaday imtixaanka kala reebta ahna isagii ayaa ku soo baxay oo ku guullaystay.

Balse jagadaas inuu helo waxaa ugu wacneyd intuu ilaalada kamid ahaa ayuu diyaarshay aqoonta bangiga wuxuuna la yimid shahaadooyin la aqoonsan yahay.

Sawirka koowaad oo ay ku qoran tahay maalinta jimcaha waxay ahayd maalintii u danbaysay uu ka shaqeeyo amniga bangiga.

Halka sawirka labaad ee maalinta isniinta ahna ay ahayd maalintii ugu horaysay uu ka shaqo bilaabo xafiiska maamulaha bangiga.

FG; intaad meel joogtid ayaa meel ka sareesa la daydaydaa, noloshana intaysan ku badalin, waa inaad adigu isbadashaa.

Waxaa qoray: Eng wehlie

Mini pools prefect for tiny homes πŸ’§ 🚰  πŸ’¦
21/05/2022

Mini pools prefect for tiny homes πŸ’§ 🚰 πŸ’¦

Hall of meetingFadlan like πŸ‘ nagu saacid Eng wehlie
18/05/2022

Hall of meeting
Fadlan like πŸ‘ nagu saacid
Eng wehlie

14/05/2022

Who was the first civil Engineering of the world?

12/05/2022

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng wehlie posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category