10/02/2026
Waa arrin mudan in si qoto dheer looga fiirsado hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Mudane Macalin Mahdi.
Waayadan dambe waxaa si isa soo taraysa u batay dhaqan-xumooyin iyo labisyo aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta Islaamka iyo dhaqankeena suuban, kuwaas oo laga soo min-guuriyey bulshooyin shisheeye oo aan waafaqsanayn qiyamka Soomaaliyeed.
Hadalka Taliyuhu waa digniin iyo baraarujin ku wajahan ilaalinta akhlaaqda, sharafta iyo qiyamka ay ku dhisan tahay bulshadeennu, gaar ahaan doorka gabdhaha ee mustaqbalka iyo sumcadda ummadda.
Ilaalinta diinta, dhaqanka iyo anshaxu waa masuuliyad wada saaran dhammaan bulshada.