14/12/2025
Warar ka imaaneya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay fiidnimadii gurigiisa lagala baxay xarigna loo geystey Abdulkadir Adan Dhayow oo kamid ah macalimiinta wax ka dhigta iskuul Camaar Bini Yasir ee degmada Buurhakaba, xarigaasi ayaa lagu eedeyneyaa inuu ka dambeyo Maamulka degmada Buurhakaba.
Abdulkadir Adan Dhayow ayaa lagu heysta muqaal uu ku faafiyey bartiisa Facebook-ga kaas oo ku muujinayo in la joojiyo dhul boobka lagu haayo Xerada wayn ee Agoonta ee Degmada Burhakaba.
Ugu dambeyn qaraabada iyo ehelada Mr.Dhaayow ayaa Maamulka Degmada Buurhakaba ka codsaneyaa in si shuruud la'aan ah Abdulkadir xoriyadiisa dib loosiiyo.