Bur-hakaba Media Network

Bur-hakaba Media Network Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Bur-hakaba Media Network, Media/News Company, waberi Street. Sayidka/banaadir/Mogadishu, Mogadishu.

Boliiska degmada buurhakaba ee Gobolka Baay oo maanta kormeer ku sameeyeyn qaar kamid ah Wadooyinka Soo Gala Degmada si ...
10/01/2025

Boliiska degmada buurhakaba ee Gobolka Baay oo maanta kormeer ku sameeyeyn qaar kamid ah Wadooyinka Soo Gala Degmada si ay u xaqiijiyaan xaalada guud ee amniga degmada Buurhakaba.

Maamulka degmada buurhakaba iyo saraakiisha amniga uu hogaaminaayo Taliye Sandheere iyo kuwa ATMIS ayaa maanta shir isug...
31/07/2024

Maamulka degmada buurhakaba iyo saraakiisha amniga uu hogaaminaayo Taliye Sandheere iyo kuwa ATMIS ayaa maanta shir isugu yimid kaas oo looga hadlayey amniga degmada buurhakaba iyo sidii loo xoojin lahaa guud ahaan Aminiga guud ee Deegaanada KGS.

Buur-hakaba, 19,04,2024. Mudo 3 bilood ah kadib waxaa maanta dib u fariistey Maamulka Degmada Buur-hakaba, waxaana shir ...
19/04/2024

Buur-hakaba, 19,04,2024. Mudo 3 bilood ah kadib waxaa maanta dib u fariistey Maamulka Degmada Buur-hakaba, waxaana shir gudoominayey Gudoomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba ahna duqa magaalada Mudane: Ibrahim Mohamed Ibrahim (Leysaamow) waxaana looga wada hadley sidii looga shaqayn lahaa Amniga guud ee magaalada iyo sidii looga hortagi lahaa khasaaraha ka dhasha fatahaadaha biyaha.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Degmada Buur Hakaba Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan A...
17/04/2024

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Degmada Buur Hakaba Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) iyo Gudoomiyaha Degmada Buur-hakaba Mudane Ibrahim Mohamed Ibrahim (Leysaamow) oo iskaa shaneya ayaa maanta soo Af-jarey mad madowgii ka dhexeeyey labadii Reer ee walaalaha ahaa oo beryahaan ku degaalamey gudaha Degmada Buur-hakaba. Waxaana mar dhow dib loo bilaawi doonaa Howlgalo lagu Xoojinayo Amniga Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.

Munaasabad kooban oo xil wareejin ah ayaa lagu qabtey xaruunta Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Daraawiishta DGKGS ay ku ...
16/04/2024

Munaasabad kooban oo xil wareejin ah ayaa lagu qabtey xaruunta Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Daraawiishta DGKGS ay ku leeyihiin degmada Buur-hakaba waxaana xilka ku kala wareegayey Taliyihii h**e ee Daraawiishta DGKGS ee degmada Buur-hakaba Gaashaanle Fitir Ibrahim Akuush iyo Taliyaha Cusub ee Ciidamada Booliska Gaarka ah ee degmada Buur-hakaba Taliye Mohamed Hassan Adan (Sandheere).
Munaasabadda xil wareejinta ayaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Mudane Ibrahim Mohamed Ibrahim (Leysaamow).

h**e iyo Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Gaarka ah ee DGKGS ayaa Ciidamada ku amrey in ay ka shaqeeyaan Nabadgeliyada iyo Amaanka bulshada, Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada ayaa Carabka ku adkeeyey inaan marna la aqbali karin Askari Dowladeed oo ka shaqaynayo dan shaqsiyadeed balse Askariga looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo Nabadgeliyada Deegaanka iyo kan bulshada.

Kulan Saacado badan qaatay ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Xarunta Maamulka Degmada Baraawe kulanka oo ay isugu yimaadeen od...
15/04/2024

Kulan Saacado badan qaatay ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Xarunta Maamulka Degmada Baraawe
kulanka oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Deegaanka, Saraakiisha Ciidamada

ku sugan Baraawe ee heer Dowlad Goboleed iyo Heer federal kuwasoo Shaqaaqo dhex Martay Maalin ka Hor.

Waxaa kulanka qeyb ka ahaa Maamulka Degmada baraawe oo xal u raadinaya sidii loosoo af jari lahaa iska hor imaadyada soo noqnoqday ee u dhaxeeya ciidamada dowlada.
Waxaa shirka laga soo saaray go’aamo ay ka mid yihiin:

1- In dhamaan ciidamadu ay ka wada shaqeeyaan amaanka guud ee magaalada.

2- In aaney jiri doonin ciidan ku xad gudbi kara ciidan kale .

3- In awaamiir culus laga soo saari doono qaadka kasoo gala dhinaca xeebta Magaalada .

4- In ciidan walba uu goobtiisa Shaqo ku sugnaado inta Ilaa ay ka imaanayen Mas’uuliyiinta ugu sareysa.

Ugu dambeyn waxaa la isku afgartay ciddii qodobadaas jabisa in lagala xisaabtami doono saraakiisha kala xukuma ciidamadaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay ...
06/04/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.
SNTV

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo qeyb ay ka yihiin madaxweynaha Galmudug, xildhibaano...
02/04/2024

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo qeyb ay ka yihiin madaxweynaha Galmudug, xildhibaano, wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa hadda gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Maxamed Cajiib iyo Xildhibaan Yaasiin Farey oo degmada Ceeldheer uga sii h**eeyey wafdiga, qeybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada qaranka iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa halkaas ku soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiinta uu hoggaaminayo oo saakay ka baxay Muqdisho ayaa tegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isaga ciidamada, maamulka iyo shacabka degmada Xarardheere ku dhiirigeliyey dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde...
17/03/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas'uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta al shabab ku qaadeen Hotelka SYL, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.

Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamka Islaamka Hakaba Media Network  wuxuu ugu hambalyeynaysaa bilshada bisha bar...
16/03/2024

Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamka Islaamka Hakaba Media Network wuxuu ugu hambalyeynaysaa bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan. inuu ilaahay naga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkaan sanadkiisana bash-bash iyo barwaaqo, nabad iyo horumar ilaahay inagu gaarsiiyo...Alaaahuma Aamiin.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdiga uu Hogaaminayo ee ku suga...
29/01/2024

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdiga uu Hogaaminayo ee ku sugan Magaalada Garoowe ayaa ka qeybgalay kulan Isugu jiray Qada-Sharaf iyo kala Warqaadasho oo ay usameeyeen Qeybaha kala duwan Bulshada ee ku Nool Deeganada Puntland ee kasoo Jeeda Deeganada Koonfur Galbeed.

Bulshada ku dhaqan deegaanada dowlada Puntland ee kasoo jeeda KGS ayaa Madaxweyne Abdulaziiz ugu mahad celiyey Hogaamintiisa wanaagsan ee uu ku hogaaminayo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya iyo go'aankiisa geesinimada leh ee uu qaatey inuu dib u sooceliyo Ciyaartooyda KGS ee kaga qayb galayey koobka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa sidoo kale Goobjoog ahaa Gudoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Geedi.

Address

Waberi Street. Sayidka/banaadir/Mogadishu
Mogadishu
00000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bur-hakaba Media Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share