14/04/2024
Jawaab bixinta waa waajib
Faahfaahin
Dagaalka ka socda Degmada Qoryooley oo u Dhaxeeya Ciidamo kawada Tirsan Maamulka koonfur galbeed ee Garre iyo Jiido Dagaalkaan ayaa Ku bilowday kadib markii Meelashiyo Beeledyada ay ku dhex tookteen Deg/Qoryooley, wiil ciidanka Kamid ah iyo Hooyo waayeel ah oo labadaba ka dhashay Beesha falkaas gardarada iyo Daandaansiga ah waxaa u dulqaadan waayay Ciidamada Beesha kadib uu Dagaalka Sidaas ku bilowday waxaa kaloo jirtay Qof maxbuus ahaa oo Isla Beesha Dhiigooda la baneystay ka dhashay ay Xabsiga Ku dhex tookteen, waxaan maqli jirnay (Qofkii Balaayadaada Rabo Boodkaaga ayuu Qoryeystaa) Waxaa jiro warar been abuur ah oo ay rabaan in ay ku Daboolaan dambiyadooda kaasoo ah in Ciidamada Degmada Qoryooley ee Beesha Jiido ay yihiin Shabaab kalkaal,warkaas waxaa Wado dad Dano gaar ah ka leh Deg/Qoryooley rabana in ay Carqaladeeyaan Maamulka kadhisan Degmada, Ciidamadas kawada Tirsan Beelaha Garre iyo Jiido labadaba waxaa Cadow u ah Shabaab waayo Qaraxyada Ka dhacayay Degmada Qasaaraha way u simanayeen Haba ugu badnaadan Ciidamada Beesha jiido waayo waxaa ugu Dhintay masuuliyiin sida Gudoomiyaha Degmada Qoryooley iyo Saraakiilyo katirsan Beesha warkeena gunaa nàdkiisa Waxaa waaye ma ahan mid aan u Dulqaadan karno Daadinta Dhiiga Shacabkeena iyo masuulintena u istaagay Difaaca Degaankooda Sidoolale waa in Cadaalada la horkeenaa Nimankii Dadkaas Shacabka ah iyo Askarigii katirsanaa Ciidanka Degmada udilay Si Kas iyo Bareer ah,
Wabilaahi TowfiiQ