25/12/2024
Qodobo diidaya in Itoobiya Dekad ka hesho Badacas!
1- Masar waxay si adag u diiday, galitaanka Itoobiya ee Badda Cas sababtu waxay taaban doontaa amniga qaranka Qaahira.
2- Eritrea sidoo kale ma oggolaan doonto iyadoo u aragta Itoobiya inay khatar ku tahay madax-bannaanideeda iyo amniga qaranka, iskuday kasta oo ay Itoobiya ku doonayso inay ku gaarto biyaha Badda Cas waxay kor u qaadaysaa dhibkeeda.
3- Wax-soo-saarka Djibouti iyo dakhliga gudaha ayaa si wayn ugu tiirsan itoobiya. Jabuuti ma rabto in Itoobiya bada Cas gaarto sababtoo ah khatar ayay ku tahay amniga qarankeeda iyo dhaqaalaha ka soo gala dekadaha.
4- Imaaraatka oo la fahansanahay in Abiy uu dhaqaale ahaan ku tiirsan yahay isna wuu diidi doonaa riyada Itoobiya. Sababtoo ah Imaaraadku Berbera waxa uu maalgaliyay oo keliya suuqa Itoobiya, isku day kasta oo lagu carqaladaynayo daqligooda ma shaqayn doono.
5- Xuutiyiintu waxa ay la dagaali doonaan Itoobiya maadaama ay dareemi karaan in Itoobiya dabada ku wadato Israa’iil haddii ay dhacdo in Abiy uu ku guulaysto inuu helo badda. Waxay sidoo kale ku dhiirigelin doontaa Xuutiyiinta inay taageeraan oo ay gantaallo siiyaan kooxaha hubaysan sida AS ama kooxaha kale si ay ugu hortagaan dhaqdhaqaaq kasta oo Addis ku gaari karto Badda Cas.
Dhamaan wadamada kulaala Bada Cas (Masar, Jordan, Eritrea, Sudan, Somaliya , Yemen, iyo Boqortooyada Sucuudiga) waxa ka go’an in Itoobiya laga ilaaliyo Bada Cas.