Qarnigeena Media

QARNIGEENU hoyga barnaamijyo tayo, xogaha daahsoon, cilmiga diinta iyo Sayniska, arrimaha Islaamka, Taariïikhda,Teknolojiyada, Sirdoonka, xikmadaha nolosha iyo Dhacdooyinka ugu muhiimsan Dunida iyo Somalida. Abdihalim Eid..Noq.don,YouTuber,jecel Arrimaha diinta,fekerka,dhaqaalaha,sayniska,taarikhda,dhaqanka islaamka iyo falanqayntoda.

05/06/2025

Ciid Mubarak dhammaan Muslimiinta iyo walaalaha aan halkan isku baranay🫡

27/05/2025

Q8: shirqoolka Ammiga iyo Saxaafadaha, Sirta ree galbeedka iyo Somalida.

Baro ASALKA taariikhda loolanka falastiin iyo yahuuda.Dad badan waxay moodaan yahuudan hadda nool ee gaar ahaan kuwan re...
28/03/2025

Baro ASALKA taariikhda loolanka falastiin iyo yahuuda.

Dad badan waxay moodaan yahuudan hadda nool ee gaar ahaan kuwan ree QaZa guumaadka ku wada inay yihiin yahuuda asal, taariikh ahaan marka dib loogu laabto magaalada baraysan ee qudus iyo nawaaxigeeda wada wada dagi jiray yahuuda iyo palastiiniyinta oo markaas loo yaqaanay philis, taas oo lagu yeedhi jiray gaar ahaan bugaagti h**e ee giriiga ayey ku qornayd sababto ah nidaamka qoraalka taariikh ee xiligaa wax ka qoray labadan qoomiyaadoo yahuuda iyo falastiiniyiinta.

Halkan ayey ka bilaabatay Qisada layaableh iyo loolanka u dhexeeya labada qoomiyaadood ee yahuuda iyo falastiin, waxyar taariikhda aan dib ugu noqono, ree bani israil iyagoo iska degen allena ambiyada u doortay inay kasoo baxaan ayey dheheen allow waan ka daallay cuntadan aad nooga soo dajiso ee waxaan rabnaa inaan inagu gacantaadana wax ku beerano alle wuu ka aqbalay waxa uuna ku amray inay masar galaan oo halkaas ku beertaan, markii masar tageen way beerteen waxay la kulmeen gumaysi dadkii halkaa degenaa heer ilmahooda dhasha la dili jiray, waa qiso dheer, ugu damabyn nabi muuse ayaa soo baxay lagu amray inuu masar iskaga baxo si ay fircoon uga badbaadaan kaddibna waxay ku soo laaban rabeen duqus.

Balse waxay arkeen in dhulkooda ay dadkale degen yihiin waxaa lagu amray inay dagaalamaan oo dhulkoodi qabsadaan way diideen nabigii ayey ku dheheen adiga iyo rabbigaga soo dagaalama anagu dadkan lama dagaalami karno, muddo dheer kadib way qabsadeen dhulkii allena waxa u ku dhahay haddii aad wanaag samaysan idinka ayey idiin fiican tahay haddii aad xumaan samaysaana oo dhulka fasahaadisaa xumaan ayaa idiin sugnaatay iyo cadaab daran, sannado badan kaddib waxaa weerar kusoo qaaday gobolkaas oodhan ciidamo romaan ah, dhulkana waxay u kala qabsadeen saddex qaybood oo kala qayb dadka philis degen oo romaanku qabsaday iyo qaybta ay ree bani israil degenaayeen isla ree israil ayaa labo gobol kala noqday koox romaanka la shaqaysata oo gobol ah noqday iyo kuwo la muquuniyo oo dusha looga taagnaado.

Yahuuddu aad ayey niyad qabsanaayeen dawlad ku midaysan yihiin iyagu leeyihiin malahayn (sida ay hadda somalidu) tahay waxay niyada ku dhisan jireen inuu usoo bixi doono boqor wayn oo midayn doona yahuuda, taariikhdu waxay socotaba waxaa soo nabi ciise balse sida ay filayeen ma noqon maxa u la yimaaday war alle ka baqa oo dhiigga dhaxdiina ah joojiya markaas waad xanuunaysaan, nabi ciise waxay u arkeen nin lid ku ah fikirkoodi ahaa inau xoog ku qabsadan dhulka oo ay iyaga kaliya dhulkan ka taliyaan si dulmi ku dhisan, ugu dambayn waxay isku raaceen in ninkan ay dilaan dhaxdooda mideeyaan waxay dheheen anagu ma dilay ee kornaylka ciidamada roomaanka haystay ayey ku dheheen ninkan dila anaga dhiiggiisa bixinayna arrinto waxay gaadhay boqorkii roomaanka wuuna ka diiday in la dilo nin wax dambi ah galin intaas kaddib si hoose ayey kooxo ciidamo ah ula heshiyeen yahuudu waxaana la rabay in la dilo ciise, lkn wuu ka baxsaday.

Nabigu dadka ayuu dawayn jiray marka dadka waxay ka aamineen inuu ilaahay yahay waxan uuna ku dhihi jiray anigu kala waxa la i sheego ayaa idiin sheegaa, Anigu wax ma boogsiiyo ee magac rabbiga ayaan ku bogsiiyaa, nabi ciise xirtiisii diinta alle qaatay waxa uu baray sida bukaanada loo daweeyo dhimada nabi ciise kaddibna dadka sidaas ayey ku dawayn jireen. Saddex maalmood kaddib ayuu dib magaaladii ugu soo noqday dadku waxay ku dheheen kani ma dhimanayo waaba ilaahay nabi ciisana waxa ku dhahay anigu ilaahay na ihi ee dadow alle ka cabsada oo madaxiina dhulka dhiga yacni salaadda.

Maalin maalmaha kamid ayey ciidamaday romaanku arkeen nabi ciise inay dilaan ayey rabeen lkn magacantooda galin wuu ka baxsaday "alle ayaa badbaadiyey", nin kale ayey isaga moodeen wayna dileen, intaas kaddib yahuudi waxaa kusii adkaaday gumaysigii roomaanka oo xasuuq ba'an oo isir sifayn ah u gaystay dhinaca kale ee philis iyaguna dagaal joogto ah ayaa lagu hayey, yahuudi intooda badan gobolka way ka bexeen greek, Argentina ruushka poland ayey galeen ilaa bariga yurub iyo bariga suuriya ilaa carabaha ayey isoo carareen, philiskii iyaguna qaybo kamid ah turkiga masar iyo carabaha way soo gaadheen.

Muddo dheer kaddib roomaankii wuu baxay yahuudiina degaano cusub ayey yeesheen waliba yurub waxay ka noqdeen ganacsato waawayn oo daynmaha dawladaha ay ku nool yihiin siiya ayey noqdeen, heer waxay gaadheen inay dawladaha qaar hantidooda ku gumaystaan, sida jarmalka oo kale, jarmalka dawlad cusub ayaa ka dhalatay taas oo asalka dhibaata u aragtay yahuuda halkaasna yahuud badan ayaa lagu dilay, dhinaca kale philiskii waxay dib ugu soo noqdeen dhulkooda way dhisteen, bariga dhexe waxaa kasoo baxay nabi Maxamed scw dawladiisi way faaftay philiskii ayey gaadhay muslimiin ayey noqdaan dawlado badan kadib waxaa soo baxday dawladdii cusmaaniyiinta oo gobolada muslimiinta gacanta ku haysay.

Dhibaatooyinka ay yahuudu ree yurub la kulmeen waxay ku qasabtay inay tashadaan, heer ay dawladihii ay Lacagta daynta ku lahaayeen ay ku qasbaan inay dal u raadiyaan, Intaas kaddib waxay bilowday inay dhallinyarti yahuuda ay dhahaan waa inaan dhul aan inagu leeyahay yacni dal gaar ah waa inaan yeeshaan, dalal badan ayaa lasoo bandhigay ay kamid tahay, Argentina oo ay yahuuda badan joogto, kirimiya (Crimea) oo ah gobol ruushka ka tirsan, ugaandha, liibiya, somaliya iyo gobol kamid aj dawladi islaamiga ahayd oo la dhaho philistine, waxaa dhacay dagaalo waa wayn iyo isbahaysiyo caalami ah dagaal wayn lagu magacaabay dagaalkii 1aad ee adduunka ayaa dhacay dabink badan ayaa la isku dhigay lkn nasiib wanaag dawladdi islaamka ahayn ma dumin.

Muddo kadib Waxaa dawladi islaamiga ahayn lagu dhahay dhulkaas naga iibiya idinkuna dhaqaalo la'aan ayaad tihiin lacago badan ayaan idin siinayna, hadalkaas waxaa aad uga cadhooday boqorkii muslimiinta ee xilligaas waxa uu amray in philistine yahuuda laga mamnuuco xataa dhul ayeysan ka iibsanin, waxay dheheen ugu yaraan dadka yahuuda ah ee yurub laga soo qixiyey meel ay degaan siiya maadama qaybo yar oo yahuuda ay degan yihiin dhulkan philistine, boqorkii waxa uu ugu jawaabay philistine ma ogolaanayno inah yahuudu soo degto lkn qayb waxaan dajinaya dhulka turkiga, sidaasna qaybo yahuuda ah ayaa ilaa ku nool turkiga.

Siyaasado waa wayn oo la diyaariyey Waxaa bilowday dagaalkii 2aad ew adduunka waa labo isbahaysi oo waa wayn dagaalku wuu dheeraaday heer la isku adeegsatay hubka wax burburiyada ee nukliyeerka waqti kaddib waxaa laga adkaaday isbahaysigii ay dawlad islaamiga kamid ahayd, waxaa dhacday in la wada fadhisto sharcina la qoro, sida dabiiciga ahna sharciyada la qoro maxaa qora kooxda dagaalka ku adkaatay, dawladdi islaamiga ahayd way dafiictay dhaqale xumo heer ciimadadeed gobolada muslimiinta kala jooga saadkii u gayn kari wayday, waxa bilowday kacdoon laga dambeeyey gaar ahaaan carabta si ay ciidamada cusmaaniyiinka uga baxaan, waxa la burburiyey waddadi tareenka ee istambuul ilaa ciraaq isku xidhi jiray. Ballanqaadyo badan ayaa carabti loo sameeyey haddii ay turkiga dalkooda ka saraan, wayna ka saareen carabtiina ballantii waa laga baxay waxa lagu dhahay gobolo ayaad noqonaysiin dal oo wayn ma noqon kartiin.

Carabtii meel ayaa lagu xidhay, dhinacii philistine waxaa lagu bilaabay inay dawlad kasta lagu amro inay yahuuda joogta marakiib soo saaraan si ay philistine loo dajiyo, dadkii falastiiniyiinta ahaa waxay bilaabeen inay dhahaan waan idiin soo dhawaynay ee waa maxay dadkan dhulkeeda ku socdaa ee waliba soo badanaya, dagaal iyo abaabul ayey falastiiniyiintu bilaabeen si kasto ay dagaalamaam dawlad islaami ah ama dawlad kale oo garab taagan majirto dhulkoda kala badh ayey jabhado yahuuda oo si fiican u qalabaysan la wareegeen, yahuuda waxaa caawimad dhinac kasta ah siin jiray dawlad Ingiriiska, Faransiiska iwm.

Yahuudii Markii ay dhul ballaadhan qabsadeen waxay ku dhawaaqeen inay dawlad madax bannaan yihiin 10 daqiiqadood kadib waxaa aqoonsi ka heleen labo dawladood maraykanka iyo Ingiriiska, dadka falastiiniyiinta ay waxay sii adkeeyeen dagaaalkooda ay kusoo ceshanayaan dhulkooda xooga laga qaatay, jiilba jiil kooxba koox siday dabka isugu soo dhiibayeen waxa la jooga 2025 oo falastiiniyiinta labo qaybood u qaybsameen koox dawlad lagu sheegay oo ay yahuuda ilaaliso kuwas oo isdhibay iyo koox ilaa hadda dagaalka ku jirta oo gobol yar oo GaZa ladhaho maamula halkas ayey dagaal ka wadaan yuhuudu iyaga oo dawladii taageeri jiray ay la jiraan

Ugu dambayn waxaa jira sunnada nolosha u alle u dhigay oo ah inay yahuuda jabi doonto si kasto ay xumaan u wadaan mana jirto koox mabda'a iyo aragto diimeed u dagaalanta oo dunida laga baabi'iyey, waxaa hubaal ah si kasto ay xalaaduhu u adag yihiin kooxda diinta alle ku taagan ayaa markasta guulaysta, si kasto ay cadowgu u muudo mid aan laga guuleysan karin waxaa jirto meel aynan inagu ogayn balse alle ogyahay, innagu muslimiin ahaan waa inaan dabinka yahuuda dalalka muslimiinta u dhigtay ee ah in midkasta dantaada ilaasho lagu dhahay waa inaan ka gudubnaa oo aan waxkasta oo aan ku caawin karno samaynaa walaalaheena diinta inna midaysay ee philistine (falastiin).

Qoray✍️ Abdihalim Hillaac

Abdihalim Hillaac
26/03/2025

Abdihalim Hillaac

Ogow TANI Hadda Jirta Far Soomaaligii Rasmiga Ma ahan.

Far somaligii Rasmi ahaa ee ay dadku somalidu adeegsan jireen waa afsomaliga lagu qori jiray xarfaha carabiga, hor inta aynan farta hadda jirta ee laatinka gumaysigu ayaa ka dambeeyey oo dawladdii shuuciga ahayd ayaa farta uga dhigtay. ummada somalidu waxay lahaayeen far qoraal ay farrimaha iyo dhambaalada isu dirin jireen iyaga oo adeegsanaya xarfo ku habboon luuqaddooda xarfaha carabiga oo si wayn loogu fahmi jiray afka somaliga.

Tusaale sawirkan hoose waa wiil somaliyeed oo berbera jooga warqaddan waxa uu u qoray xaaskiisa oo boosaaso joogtay waa 1315-kii, haddii aad u fiirsato waa qoraal si fiican loo akhrin karo.

Waxaan kusoo baranay dugsiyada hoose inay jirtay 11 hab qoraal oo somali ah in la tartansiinayey markii 1972 farta somalida ee hadda ah la ansixinayey ugu damabyna waxaa isugu soo hadhay habqoraalka carabiga ee afsomali lga iyo midkan laatinka ah intaaas kaddiibna guddigii u xilsaarnaa arrimahaas ayaa go'aan ku gaadhay inay soo dhisaan farta asalka u ahayn ee ay somalidu adeegaan jirtay oo ah kan xarfaha carabiga.

Markii soo bandhigi rabeen ee muddo qabsadeen markii la gaadhay maalinti ai rasmi ah loogu dhawaaqi rabay ayaa waxaa dhacay dhaqdo gabi ahaan somalida ka fogayn doonta diintooda iyo farta ilbaxnimada iyo aqoonta dunidu ay qornayd ee carabiga kaddib markii si lama filaan ah hal bil dib loogu dhigay kalfadhigaas. Oday kamid ah dadkii hawshaas waday oo ka hadlayey waad ka heli kartaa YouTube, waxa u dhahay annagu waxa aan wadaney ee aas oo go'aaminay iyo waxa naloo sheegay inaan sheegto isku mid ma ahayn dawladda ayaa diiday in farta carabiga la qaato iyaga oo ku qancinayey danayaal loo ballan qaaday haddii ay fartan qaataan.

Waa la ansixiyey farti laatinka lkn ilaa hadda qab afsomaliga loogu qori karo ma lahayn dib ayaa gaadhitaan iyo dib u habayn loogu sameeyey si ereyo afsomaliga qaadan karo loogu soo daro fartaan lagana reebo inta aan loo baahnayn.

Maalinkaas luuqadda somaliga ah waxa u dhahay waxaa noogu adkaa inaan samayno ama fahanno ereyada labanlaabma tusaale xooga ayaan u adeegan u adeegsan jirnay labo macno oo kala xooga oo ah waxa aan hadda dhahno xoogga iyo xooga oo ah waxa aan hadda dhahno xoogga kaddibna waxaan la raadiyey ereyada labanlaabmi kara iyo kuwa aan samaynin lkn dhammaan ereyada labanlaabma ee 7 ah in ka badan ayaa labanlaabmi kara oo qasab ma ahan in 7 uun lagu daayo waana qaladaadka wali ku jira afsomaliga.

Ugu dambayn anigu waxaad aad u jeclaan lahaa in xarfaha carabiga dib loogu soo noqdo sababto sida maanta oo kale lama heli lahayn 40jir aan quraanka akhrin karin, diinta bulshada ayaa hagaagi lahayd, kolay ha foogato ama ha dhawaato gumaysigu wuu jabi doonaa diintuna way xoogaysan doontaa qof walba oo dadaalayna xor wuu doqon farta somaliguna asalkeedu dib way ugu noqon lkn waxaa xanuun igu haya dadkan farta laatiinka ku fogaaday kuwaas oo aan waxba ka xasuusan fartoodi asalka ahayd.

Fartan laatinku dhibka iyo diin la'aanta ay noo keensatay waxay sababtay in la heli karo qof wayn oo aan quraanka kariim ah akhrin isaga oo nin wayn ah waana foogga ay inna dabbaday far gumaysigu.

Qore, Qarnigeena Media

Makka waxay noqotay Asalka bilawga qaraxii nolosha ee malayiinta sano soo jirtay.Cilmiga sayniska ee koraya waxa u lagum...
25/03/2025

Makka waxay noqotay Asalka bilawga qaraxii nolosha ee malayiinta sano soo jirtay.

Cilmiga sayniska ee koraya waxa u laguma murmaan ka dhigaya waxyaabo badan oo la isku haystay Greenwich(prime meridian) waxay ahayd halka looga qiyaas qaato waxkasta oo ku saabsan dhulka sida sacadda iyo socdaal.

nidaamkan prime meridian waxay uu ahaa kalahaga marakiibta iyo socdaanka waqtiga, waxayna ahayd asalka bartimaameed, magaaladan yar ee Ingiriiska ku taala waxay ahayd meel aad u muhiim ah xilli aynan soo ifbixin nidaamkan casrigan ee fudud qofkasta ka qiyaas qaadanayo jihada iyo nidaamka saacadda ee caalamiga ah.

Waxaa jiro tiro lagu dhaho tirada dahabiga ah (golden ratio ) Form= a+b/a=1.618 oo ah tirada marka labo tiro kasta oo kala wayn la isu geeyo loona qaybiyo tirada wayn waxay noqota wax ka sarreeya 1.568... qiyaas ahaana noqonaysa =~1.618 waana tirada dahabiga ee calaamiga ah. Markale waxaa jiro meel ay tirada ay soo gasho oo waxaa kamid ah nidaamka loo xisabiyo hawada sare iyo kowkabka waawayn. Waxaa jiro isla-egyo kale oo badan kuwaas oo muuiyey mucjisada tiradan waa hiddaha bani'aadamku DNA molecule oo lagu qiyaaso dhererka 34 angstroms iyo 21 angstroms marka lagu dabaqo tiradan ayaa waxaa layaab noqotay inay soo baxayso 1.619 oo ah tirada dahabiga ee nolosha bani'aadamka.

Tan waxaa kasii layaab badan marki la raadiyey asalka dhul badhaha marka laga soo qiyaas qaato cidhifka woqooyi iyo midka koonfurteed inay makka noqotay asalka dhul badhaha iyo gunta ay ku wareegaan dayaha iyo xidigaha gaar ahaan xidiga canopus ladhaho oo ah midka ugu iftiinka wayn xidiga, waxayna qiyaasta makka noqotay cabbirka makka noqotay tirada asal ma doorshaha ee dahabiga, waxaana soo baxday makka oo ah halka u alle addoomadiisa amray inay u jihaystaan oo ku wareegaan.

Dhul badhanimadan waxay ka bilaabtay markii u alle dhulka qarxiyay si uu u fido una noqdo meel lagu noolaan karo. Marka qiyaasaha diiniga la fiiriyo laga soo bilaabo nabi aadam ilaa nabi muxammed scw ambiyada alle waxa uu u doortay inay kasoo baxaan saddex xagalka inta u dhaxaysa yaman, falastiin iyo turkiga, Sidaas ayey makka ku noqotay bilowga hana qaadka ilbaxnimo kasta dunida soo marta.

12/01/2025

Xaqiiq.
1:- Haku cabbirin mustaqbalkaaga xaalka aad hadda ku sugan tahay. Anbiyadu Rabbi raalli haka noqdee waxay ahaayeen adhi-jir kaddib waxay hogaamiyeen ummadaha.
2:- Ha niyad jabin haddii aad tallaabo dib u qaaddo nolosha. Ogow leebka iyo warankuba waxay u baahan yahin in dib loosoo jido si ay riddadoodu u dheeraato.

01/01/2025

MIDABKU MA QURUX AYUU TILMAAMAA?

Midabku waa mid kamid ah waxyaabaha aan la'aantood la noolaan karin waa waxa nolosheena qurxiya ee kala duwanaanshaha u sameeya, haddii uunan midab jiri lahayn indhaha dadku waxba ma aynan arkin kari lahayn oo shayga cagaaran inuu cagaar yahay lama arki lahayn midka guduudan inuu guduudan yahay lama aqoonsadeen buluuga iyo jaallaha lama kala saareen, biyuhu inay midab la'aan yihiin lama barteen, si kooban 7 midab alle waxa uu ugu talo galay oo shay kasta midab gaar ah u siiyey si ay nolosheena qurux ugu samayso ee ma ahan inay nolosha hal midab oo kaliya laga isticmaalo, midkasta muhiimada gaar ah ayuu leeyahay. Marka laga yimaado walxaha kala duwan iyo midabbadooda dadkana alle waxa uu ka dhigay kuwo leh midabo kala duwan ilaa afar midab oo waawayn oo kala ah madow, casan, caddaan, jaalle.

Qofkasta Midabka uu ku dhashay ayuu ku qurux badan yahay mana jiro taarikhda inta ay noloshu jirtay lama sheegin midab midab kale ka fiican ama ka waxtar badan kan kale, sababta ugu wayn ee uu alle dadka midabbo kala duwan uga dhigayna waa in aynan midabadu wax kala sarrayn ah lahayn oo uu midab midab uun yahay. haddii u midabku kala sarrayn tilmaami lahaa markaas alle sifadii uu isku sheegay ee ahayd inuu yahay mid caddaalad badan ayaa meesha ka baxay, haddii uu midabka madowgu ama caddaanku ama jaaluhu uu midka kale ka fiican yahay markaas alle caddaalad ma samaynin lkn xaqiiqdu waa in u alle si caddaalad ah midabka nolosha ummada ugu kala qaybiyey oo koox kasta midab ah siiyey mana jiro midab midab kale ka fiican balse waxaa dhici karta inay bulshada meel wada dagan inay hal midab u arkaan inuu ka fiican yahay midabada kale waa sawir khaldan ay iska aamineen.

Kaalay aan markale xaqiijino in midabadu ay siman yihiin oo aynan jirin midab ka fiican midka kale, inaad ogtahay ayaa lagayaaba waxaa dunida ka jiro wax la dhaho qofka dunida ugu quruxbadan oo ay dumarka iyo ragguba tartan u gaar ah loo qabto, haddaba dhinaca dumarka ugu badnaa dunida waxaa sannadkii 2014 ku guulaysatay gabadha madow oo lagu magacaabo Rolene Strauss South African ah, sannadkii 2013 Megan Young oo ah gabadh indha yar Philippines ah, sannadkii 2012 Yu Wenxia oo China ah, sannadkii 1995 tyson beckford, 2001 Agbani Darego Nigeria ah, sannadkii 2016 broderick hunter ayaa ku guuleystay, sannadkii 2019 alton mason.

Afrikana dadka cad ama casaan ah 40% ku dhawaad ayaa ku nool isla qaaradan afrika oo iyagana lagu qabto tartamo noocaas waxaa inta badan ku guulaysta dadka madow ah iyo kuwo cadba, tusaalayashan ragga iyo dumarka isugu jira waxaan usoo qaaday inaan kugu tuso in midabku uunan ahayn waxa qiimaha leh ee ay jiraan waxkale oo qofka lagu qiimeeyo, haddii aan ku fiirino indhaha dadka midabka qiimeeya ee ay somalidu ku jirto sannad kasta waxaa ku guulaysan lahaa uun qof midab cad leh sababto ah midabka cad ayey dadka qaarkood u arkaan inuu quruxbadan yahay waana caddaalad darro qofka aaaminsan kala sarraynta hal midab waa qof aanan wali aqligu u buuxsamin.

Marka dhinaca guurka la fiiriyo ragg iyo dumarkuba dookh midabka way ku kala duwan yihiin tusaale ahaan somalideena waxaa jiro qof jecel inuu guursado qof leh midabka madow saafi ah mid kale oo jecel madow casaan xiga inuu guursado iyo mid jecel midabka sii madow sidaas oo kale dadka duniduna waxaad arki kartaa qof cad oo jecel inuu guursado qof midab madow leh.
Bal aan markale Dhinaca kale wax kaa tuso, waxaa caalamka jiro qoomiyado badan oo dhaqankooda quruxda qofka ku qiimeeya inta darajo ee uu qofku madow yahay tusaale nool waxaa lagusoo qaadan dadka kenya dega ee Maasai ladhaho, dhinaca itobiya waxaa jiro qabiil quruxda ku qiimeeya heerka calool waynida ninka ragga ah, ninba ninka uu ka cayilsan yahay ama buuran yahay ayuu ugu quruxbadan yahay, isla itobiya waxaa jiro jiro qabiil quruxda gabadha ku qiimeeya heerka kala dheeraynta bishimaha waxaa ugu qurux badan dumarka midda ugu dacay(bishin) dheer.

Somalideena marka la joogo waxay leeyihiin hadal dhaqan ka noqday oo ah "casaan qurux k**a madhna" taas oo ku tusaysa inay somalidu midabka casaan ah u arkaan inuu quruxbadan balse waa hadal aad moodo inuu dhahay qof jaahil ah oo aan fahansaynin nidaamka midabaynta alle, waana gaf aad u wayn oo lagu qalday dadka somalida ah, waana sababta ah ah dumarka somalidu intooda badan ay nidabkooda ah u karaahsadeen oo uga cararaan si ay u raadiyaan midabka cas oo ay raali galiyaan dadkan aan fahansanayn qeexitaanka ereyga quruxda ladhaho.
QISSO YAR : Anigu waxaa aan la soo dhaqmay oo aan meel wax soo wada baranay ragg iyo dumar kala duwan oo qoomiyad walbo leh sida somali, oromo, Canfar, tigray, axmaro, kenyaan, carabta madow, carabta cas, haddaba iswaydii maxaa sababay in dumarka ugu badan ee midabkooda bedela ay somali noqdaan?

Waxaan garanaya gabadh sannadkaygii 1aad Jaamacadda addis ababa ayaan hal fasal ku wada baran jirnay gabadh axmaaro ahayd, waxay lahayd gaadhi ay kaligeed ku socoto, aabeheed waxa uu kamid yahay taajirinta addis ababa, waxa layaableh ayaa ah Gabadha hantidaas leh ay wadatay oo ku kalsoonayd midabkeedi asalka ahaa kaas oo ahaa maarriin dhalaalka somalida oo kale, halka Gabadha somaliyeed ee aabeheed faqiirka yahay ee maalintii oo dhan u soo raadiya kharashkii ay hal maalin cuni lahaayeen ay lacag badan ku bixiso sidii ay midabkeeda u bedeli lahayd.

sidaasna Dumarka kaliya ee sida xun midabkooda uga carar waxay noqdeen dumarkeena somalida, lagayaabaa inay jiraan dumarka qoomiyado kale ama dalal kale oo arrinkaan foosha xun ee midab doorinta ah bartay, waxaana isdhihi karaa dhawr qodob ayaa sabab wayn u ah in ay dumarku isnacaan oo midabkooda bedelaan.
1. Aaminaad iyo fikrad bulsho oo qaldan.
2. Jaahilnimo caafimaad.
3. Qaneeco la'aanta abuurka alle iyo kalsooni darro nafsi ah.

Gaar ahaan dalka iyo dhulka somalida marka la joogo Qofka kastaa aragtidiisa iyo xaaladaha dalka ka jira wuu qiimayn karaa sababta keentay in midabka laga cararo. aniga ahaan aragtidayda haddii aan Si kooban u sheego waxaan dhihi karaa "waa dawladd la'aan iyo xak**ayn la'aan suuqyada dhulka somalida guud ahaan, gaar ahaan si xagjir ah suuqyada dalka somaliya konfur iyo woqooyiba", dalalka caalamka wax kasta oo soo gala meel lagu qiimeeyo oo lagu hubiyo tayada shayga suuqqa lasoo galinayo, waxkasta oo dhib ku ah caafimaadka bulshada dib ayaa loo celiyaa bal'e ganaax ayaa la saaraa qofka waxaas ka shaqaysta ee bulshada sunta ku dhax iibinaya balse waan ognahay somalidu ma leh dawlad daryeesha shacabkeeda qoomiyadda somalida ladhaho waa ummad agoon aan lahayn aabo daryeela iyo hooyo xannaanaysa waa dawladda'e

Ugu dambayn waxaan dadkayga somalida gaar ahaan dumarkeena sharafta leh u sheegi lahaa, "wqxaad tihiin dumarka ugu hawl karsan dunida taas waan soo xaqiijiyey" lkn dhinac midabkeena madow ee asalka qururda yaa dhaawac iyo kalsooni darro la idiinka dhigay taasina way beenowday hadda ku kalsoonoq midabka uu alle ku siiyey uguna mahadceli.

Qiimo wayn iyo sharaf waxaad ku leedahay midabkaaga asalka ah, Alxamdulillaah 100x⁹.

Xuquuqda qoraalka Abdihalim Hillaac iyo Hillaac SkillHub

14/10/2024

SIDEE SALAADDA KASTA LACAG LOOGU HELI KARAA, ARRIN LAYAABLEH

25/08/2024

MAXAAD KA OGYAHAY MEELAHA UGU FIICAN EE KHADKA WAX LAGA BARTO

Address

Mogadishu
0099

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qarnigeena Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category