Qaransan TV

Qaransan TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qaransan TV, Broadcasting & media production company, Mogadishu.

QARANSAN TV is the part of QARANSAN News Network -QNN-and it is non-government, non-partisan, an independent, neutral, constructive and premier Somalia media network owned by the business and established to provide strategic communication solutions.

27/10/2025

“waxaan awoodnay inaan u adeegno ku dhowaad 20 kun oo muwaadin maalintii. Sidoo kale, waxaan sameynay xarumo habeenkii loogu diiwaangeliyo dadweynaha,” Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, Cabdiwali Timacadde.

27/10/2025

Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsidhuux Maxamed Wehliye oo ka warbixiyey sida kooxda Hiddo ay ugu diyaar garowday ka qeybgalka munaasabadda taariikhiga ah ee ka dhaceysa magaalada Carta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Sh...
27/10/2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS.
Qaransan TV

27/10/2025

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) "Dowladda Imaaraadka waan uga mahadcelineynaa gaadiidkan waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan marka ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah."

27/10/2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka jawaabtay codsi ay u direen si ay ugu deeqdo dab-damisyo loogu talagalay badbaadinta hantida iyo nafta shacabka Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya culeys siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kadib marki...
27/10/2025

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya culeys siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kadib markii isimada dhaqanka iyo xisbiyada mucaaradka qaarkood ay si rasmi ah u muujiyeen mowqif ka dhan ah xukuumaddiisa.

Xisbiga mucaaradka ah ee SINCAD ayaa si buuxda u taageeray baaqii isimada qaar ee dhawaan ku dalbaday in dib-u-eegis lagu sameeyo hannaanka dowladnimada Puntland, isla markaana la dhiso “Puntland Cusub” oo ku dhisan isbeddel iyo hufnaan siyaasadeed.

Bayaan kasoo baxay xisbiga SINCAD ayaa lagu sheegay in maamulka hadda jira uu lumiyay kalsoonidii shacabka, isla markaana loo baahan yahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu badbaadinayo midnimada iyo dawladnimada Puntland.
“Waxaan taageersanahay baaqa isimada, waana lagama maarmaan in dib loo eego jihada Puntland ay u socoto si looga hortago kala daadsanaan siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka SINCAD.

Dhanka kale, xisbiga Horseed, oo ah mid kamid ah xisbiyada waaweyn ee Puntland, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka duwan mowqifka mucaaradka, iyagoo ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta “in ay ilaaliyaan midnimada dhuleed ee Puntland” ayna garab istaagaan dowladnimada.
“Khilaafka siyaasadeed waa in aan lagu ciyaarin jiritaanka Puntland. Waa in la dhowraa sharciga iyo midnimada dhuleed,” ayaa lagu yiri qoraalka Horseed.

Khilaafkan sii xoogeysanaya ayaa sababay jahwareer siyaasadeed oo cusub oo saameyn ku yeelan kara shaqada iyo hay’adaha dowladnimada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa hadda wajahaya cadaadis ka imanaya saddex jiho:

1. Isimada dhaqanka, oo doonaya dib-u-eegis ballaaran oo siyaasadeed;

2. Xisbiyada mucaaradka, oo ku eedeeya hoggaankiisa kali-talisnimo iyo in uu wiiqay nidaamkii dimuqraadiyadda;

3. Xukuumaddiisa, oo ku mashquulsan difaacidda siyaasadda dowladda iyo ilaalinta awoodda maamulka.



Siyaasiyiin falanqeeyay xaaladda ayaa sheegay in haddii aan la helin wadatashi dhab ah, uu khilaafkani horseedi karo kala qeybsanaan siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaada qorshayaasha horumarineed ee Puntland.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in isimada dhaqanka ee gobolka Bari ay qorsheynayaan shirweyne ballaaran oo ay ku casuumi doonaan dhinacyada siyaasadda, si looga arrinsado mustaqbalka Puntland iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan siyaasadeed oo midaysan.

Khilaafkan cusub ayaa sidoo kale imaanaya xilli maamulka Deni uu ku jiro marxalad adag oo uu isku dayayo in uu dib u dhiso kalsoonida shacabka, isla markaana uu waji cusub siiyo siyaasadda gudaha Puntland.

Kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhexeeya isimada dhaqanka, mucaaradka, iyo xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa noqon kara tijaabo siyaasadeed oo weyn oo go’aamin doonta jihada Puntland u dhaqaaqi doonto bilaha soo socda.

Qaransan TV

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo Xalay fiidkii h**e ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku qaadee...
27/10/2025

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo Xalay fiidkii h**e ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku qaadeen fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Goobo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Macawiisleyda ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen maleeshiyaadka ku sugna deegaanka Goobo, islamarkaana uu halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal aad u xoogana oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidanka Macawiisleyda ayaa lasoo wariyay iney u suura gashay iney cagta mariyaan fariirinkii kooxdu ku laheyd duuleedka Waqooyi ee deegaanka Goobo, islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka Xalay Macawiisleyda ku qaadeen deegaanka Goobo oo ah deegaan istaraatiiji ah, kaasoo isku xira gobolada Hiiraan iyo Galguduud.

Ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle ayaa mudooyinkan dambe deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ka waday abaabulo ku aadan sidii kooxda Al-shabaab ay dib uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.
Qaransan TV

26/10/2025

"Waa farxad weyn ah in dhamaadka sanadkaan 2025 ay dalka ka hawlgali doonto diyaaradda Soomaali Airline". Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Faarax Nuux.

26/10/2025

Wasiir Al-Cadaala "Dadka ku nool qurbaha waxay Umadda Soomaaliyeed ee gudaha ku nool u yihiin tiir dhaqaale waxayna kor u qaadeen qadiyadooda."

Tababarka Dhalinyarada ee Nabadda iyo Hoggaaminta Bulshada oo Ka Socda Warsheikh Maalintiisii Labaad:Warsheikh, 26 Oktoo...
26/10/2025

Tababarka Dhalinyarada ee Nabadda iyo Hoggaaminta Bulshada oo Ka Socda Warsheikh Maalintiisii Labaad:

Warsheikh, 26 Oktoobar 2025 – Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta ee Dowlad-Goboleedka Hirshabelle ayaa sii wada tababarka ka socda degmada Warsheikh, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta kaalinta dhalinyarada ee nabadda, dib u heshiisiinta iyo hoggaaminta bulshada.

Tababarkan oo galay maalintiisii labaad, islamarkaana socon doona dhowr maalmood, ayaa lagu baranayaa xirfado muhiim ah oo la xiriira xalinta khilaafaadka, dhismaha nabadda iyo horumarinta hoggaaminta dhalinyarada ee bulshada dhexdeeda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tababarkani qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu dhisayo awoodda iyo ka-qaybgalka dhalinyarada ee geeddi-socodka nabadaynta iyo xasillinta bulshada Hirshabelle.
Qaransan TV

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya oo ka wada hadlay dardargelinta adeegyada bulshada ee Mu...
26/10/2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya oo ka wada hadlay dardargelinta adeegyada bulshada ee Muqdisho:

Muqdisho, Oktoobar 26, 2025 – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Hay’adda Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNICEF, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta. Labada dhinac ayaa isla gartay in la dardargeliyo hawlaha horumarineed ee hay’addu ka waddo caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay UNICEF taageerada joogtada ah ee ay siiso bulshada Muqdisho, isaga oo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan UNICEF si loo gaaro yoolalka horumarineed ee la hiigsanayo.

Dhankeeda, Marwo Sandra Lattouf ayaa bogaadisay dadaallada iyo horumarka uu Maamulka Gobolka Banaadir ka sameeyay bixinta adeegyada bulshada. Waxay xaqiijisay in UNICEF ay sii wadi doonto taageerada ay ku bixiso caafimaadka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta, iyadoo xoogga la saarayo in adeegyadaas la gaarsiiyo dadka u baahan ee aan weli helin fursadahaas muhiimka ah.
Qaransan TV

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Waajid Ka Daahfuray Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha :Waajid, 26 Oktoobar 2025 –...
26/10/2025

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Waajid Ka Daahfuray Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha :

Waajid, 26 Oktoobar 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ka daahfuray degmada Waajid ee gobolka Bakool ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xafladda daahfurka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka, mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyo maamulka degmada Waajid.

Mas’uuliyiinta iyo xubnaha guddiga ayaa shacabka ku nool degmada Waajid iyo deegaannada hoos yimaada ugu baaqay inay si firfircoon uga qaybqaataan diiwaangelinta, si ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah inay codkooda dhiibtaan xilliga doorashada.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in ololaha diiwaangelinta uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo hanaanka dimuqraadiyadda dalka, iyadoo diiradda la saarayo in muwaadin kasta oo da’diisu buuxisay shuruudaha codbixinta uu helo fursad uu ku diiwaangashan yahay.
Qaransan TV

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qaransan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qaransan TV:

Share