HOBAL TV

HOBAL TV HOBAL TV : This is the official page of Hobal TV Inc. Halkani waa bogga rasmiga ah ee Telefishanka Hobal.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN CASHO SHARAF AH KU MAAMUUSAY MADAXDA IYO MASUULIYIINTA KA QEYB-GALAY KULANKII WADATASHI...
14/07/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN CASHO SHARAF AH KU MAAMUUSAY MADAXDA IYO MASUULIYIINTA KA QEYB-GALAY KULANKII WADATASHIGA

Muqdisho, Luuliyo 14, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta h**e ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii h**e ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi

DHAMMAAD

08/06/2023
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY GANACSATO TURKI AH OO MAALGASHANAYA DALKEENAMuqdisho, Juun 0...
08/06/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY GANACSATO TURKI AH OO MAALGASHANAYA DALKEENA

Muqdisho, Juun 08, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat oo maalgashi ku sameynaya dalkeenna.

Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso, waxa uuna tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka h**e kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY ISIMADA DHAQANKA Gobollada SOOL EE MAALMAHAN JOOGAY MUQDISHOMuqdish...
07/06/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY ISIMADA DHAQANKA Gobollada SOOL EE MAALMAHAN JOOGAY MUQDISHO

Muqdisho, Juun 07, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

DHAMMAAD

  Minister, Mr. Abdulqadir Mohamed Noor, who is in    , had a meeting with the Commander of the Armed Forces of the  , G...
06/06/2023

Minister, Mr. Abdulqadir Mohamed Noor, who is in , had a meeting with the Commander of the Armed Forces of the , Gen. Fayyad Al-Ruwaili, who welcomed the Minister and his delegation.

They discussed on how to strengthen between the 2 forces.

Muqdisho, Juun 24, 2022; Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laga helay COVID-19.Xaaladda caafimaa...
24/06/2022

Muqdisho, Juun 24, 2022; Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laga helay COVID-19.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

DHAMMAAD

9-kan wariye ayaa lagu xidhay magaalada hargesia , xili ay tabinayeen warka Rasaas duhurkii maanta ka bilaabmatay jeelka...
13/04/2022

9-kan wariye ayaa lagu xidhay magaalada hargesia , xili ay tabinayeen warka Rasaas duhurkii maanta ka bilaabmatay jeelka wayn ee magaalada Hargesia .

Senatarada Aqalka Sare ee qaatay kaarka aqoonsiga Senatarnimo.
07/04/2022

Senatarada Aqalka Sare ee qaatay kaarka aqoonsiga Senatarnimo.

30/03/2022

RW Rooble oo ilinta ku taagan ayaa dhahay “markii aan furnay Korsiga AUN Amino waxaa la iisoo diray fariin hanjabaad ah.....

Baladweyn waxaa goordhaw ka bilaabatay doorshada kursiga tirsigiisu yahay   , kursigaan waxaa ku tartamaya ilaa Todobo m...
28/03/2022

Baladweyn waxaa goordhaw ka bilaabatay doorshada kursiga tirsigiisu yahay , kursigaan waxaa ku tartamaya ilaa Todobo musharrax.

Wareeggii koowaad ee doorashada Kursiga   ayaa soo dhamaaday, waxaana Musharaxiinta ku tartamayay ee sagaalka ahaa u kal...
23/03/2022

Wareeggii koowaad ee doorashada Kursiga ayaa soo dhamaaday, waxaana Musharaxiinta ku tartamayay ee sagaalka ahaa u kala heleen cododka sidan:

1. C/llaahi Goodax Barre wuxuu helay 10 cod.
2. Cabdi Afrax Guure waxa uu helay Waxuu helay 2 cod.
3. Cabdirisak Macalin Ciid 20 cod.
4. Daahir Xaaji Aaden 32 cod
5. Ibraahim habeeb NUUR waxa uu helay 5 cod
6. Xiireey Axmed Rooble 8 cod
7. Maxamed Iidle Sabriye 10 cod
8. Nadar Tabaax Maalin 9 cod.
9. Yoonis Khaliif Xasan 1 cod.

Wareegga labaad waxaa u gudbay C/risaaq Macalin Ciid iyo Maxamed Daahir Xaaji Aaden

 : Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu shaacinayaa qabashada doorashada 11-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Magaala...
17/02/2022

: Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu shaacinayaa qabashada doorashada 11-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada .

Address

Km4
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HOBAL TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to HOBAL TV:

Share

Category