DAHAB Tv

DAHAB Tv Ku soo dhawow page rasmiga ah ee Dahab Tv. Mahadsanid

Xiisad Siyaasadeed oo ka Dhalatay Diidmada Wafdiga Mucaaradka ee BaydhaboBaydhabo – Waxaa maanta magaalada Baydhabo loo ...
21/10/2025

Xiisad Siyaasadeed oo ka Dhalatay Diidmada Wafdiga Mucaaradka ee Baydhabo

Baydhabo – Waxaa maanta magaalada Baydhabo loo diiday wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynihii h**e ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan oo ku wajahnaa Baydhabo ayaa lagu wargeliyay in diyaaraddii ay saarnaayeen aysan qaadi karin, arrintaas oo dhalisay xiisad siyaasadeed oo cusub oo u dhexeysa mucaaradka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shir degdeg ah uu haatan ka socdo guriga Guddoomiye Mursal, kaas oo ay ka qeybgalayaan siyaasiyiin dhowr ah oo ka tirsan mucaaradka.

Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay wado dadaallo lagu dejinayo xiisadda, si looga hortago in arrintani ay isu beddesho qalalaase siyaasadeed oo ballaaran.

Ilaa hadda maamulka Koonfur Galbeed iyo xukuumadda federaalka k**a aysan hadal si rasmi ah sababta keentay in wafdigaas loo diido inay u safraan Baydhabo.

MAGACAABISTA XUBNAHA GOLAHA WASIIRADA MAAMULKA WAQOOYI BARI SOOMALIA
19/10/2025

MAGACAABISTA XUBNAHA GOLAHA WASIIRADA MAAMULKA WAQOOYI BARI SOOMALIA

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa...
19/10/2025

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Booliska, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo saraakiisha kale ee labada hay’adood.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay istaraatiijiyadda isku-dhafan ee maareynta xuduudaha dalka, iyadoo diiradda la saarayo wadashaqaynta hay’adaha amniga ee xuduudaha, aragtida guud ee samaynta istaraatiijiyadda maareynta iyo kontoroolka xuduudaha ee isku-dhafan, doorka Ciidanka Booliska ee sugidda amniga xuduudaha, la-dagaallanka tahriibka iyo dambiyada abaabulan iyo diyaarinta qabo-qoraalka siyaasadda qaran ee soo guryo-noqoshada.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhisay Guddi isku-dhafan oo diyaarinaya Istaraatiijiyadda Qaran ee sugidda amniga xuduudaha dalka iyo dib u eegista siyaasadaha qaran ee la xiriira ka hortagga tahriibka iyo dambiyada socdaalka, taas oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer qaran.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay eedeysane lagu eedeeyay tacaddiyo kufsi iyo afinta...
19/10/2025

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay eedeysane lagu eedeeyay tacaddiyo kufsi iyo afinta muuqaallo anshax xumo ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay ...
17/10/2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Waqooyi bari Dr Aadan Cabdullaahi Aw Xasan. Ra’iisul Wasaaraha ayaana mar kale bogaadiyey muhiimadda uu dhismaha maamulka Waqooyi bari u leeyahay Midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay maamul ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka.

Xildhibaanada Soomaaliya ku metalaya Baarlamanka Urur Goboleedka iskaashiga Shaqaalaha Bariga Afrika 2022-2027
15/10/2025

Xildhibaanada Soomaaliya ku metalaya Baarlamanka Urur Goboleedka iskaashiga Shaqaalaha Bariga Afrika 2022-2027

Hoggaamiyihii Mucaaradka Kenya ugu xoogganaa ahaana Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Kenya, Raila Odinga, ayaa geeriyooday is...
15/10/2025

Hoggaamiyihii Mucaaradka Kenya ugu xoogganaa ahaana Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Kenya, Raila Odinga, ayaa geeriyooday isagoo 80 jir ah, Wuxuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya, xilli uu halkaas ku jiray xaalad caafimaad oo lagu daweynayay maalmahan oo dhanka Wadnaha ah.

Raila Odinga wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, wuxuuna kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.

Waxaa goor dhaw Soo dhamaaday Kulan looga hadlayo xaaladda Koofur Galbeed kaaso ka socday madaxtooyada Soomaaliya.Madaxw...
14/10/2025

Waxaa goor dhaw Soo dhamaaday Kulan looga hadlayo xaaladda Koofur Galbeed kaaso ka socday madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xaasan Sheekh, Gudoomiye Aadan Madoobe, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Sharif Hassan, iyo Mohamed Mursal ayaa ahaa kulan albaabada u xiranaayeen Loogana Hadlaayay Xaalada KGs iyo sidii Koofur Galbeed doorasho looga qaban lahaa, Loona qaadi lahaa xanibaada dhanka socdaalka ee saaran siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaaminta iyo maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Si dhab ah looma oga go'anada kasoo baxay iyo Waxa lagu heshiiyay Hasa yeeshee Warar hoosa oo soo baxaya aya sheegaay in Madaxwayne Xasan sheekh uu ku adkeestay in Doorshada golaha deegan laag qabto KGs bisha November iyo in Xayiiada laga qaado Madaxda Kasoo jeeda Kgs

Gudoomiye Adan madoobe iyo Cabdicasis laftagareen ay dhankooda iyagana Soo jeediyeen in waqti loogu daro isla markaan aan November la qaban karin Doorashada Degaanka iyagoo sidoo Kale Cabasha ka keenay wararka sheegay in Villa Somaliya iyo Sxbda Madaxwayne Xasan sheekh ay KGs u wadaan Hussein Sheikh Mohmuud oo hada ah Lataliyaha Dastuurka ee Madaxwayne Xasan sheekh .

MD shariif Xasan Sh Adan oo h**e u ahaa Madaxwaynah iyo Aasasaha KGs ayaa isna dhinaciisa Dood adag ka keenay xaalada KGs iyo Sida uu u dhaqmaayo Maamulka Waqtigiisa dhamaday Taaso ah mid aan la aqbali karin .

Madaxwayne Xasan sheekh ayaa ugu dambeyn dhinacyada ku qanciyay in kulamo gaar gaar ah la yeelan doono Xaladana la dejim doono .

kulankaan aya imaanayo xili xalay ay soo baxeen warar sheegaya in Madax wayne xasan sheekh uu fasaxay Doorashooyinka Maamul goboleedyada Iyo in Sxbda Madaxwayne Xasan sheekh iyo Asaga isla qaateen in KGs loo dhiso Musharax Madaxwayne Xuseen Sheekh maxamuud .

WAR SAXAAFADEED
07/10/2025

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Booliska Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta gacanta ku soo dhigay maandooriye khamri ah oo n...
07/10/2025

Ciidanka Booliska Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta gacanta ku soo dhigay maandooriye khamri ah oo noocyo badan iskugu jira, iyo ninkii watay, kadib howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen gaadiidka magaalada soo gala iyo gudaha magaalada.

Howlgalkan oo qayb ka ah dadaallada lagu ciribtirayo maandooriyayaasha iyo falalka lidka ku ah nabadda bulshada, ayaa lagu qabtay noocyo kala duwan oo khamri ah oo la doonayay in si dhuumaaleysi ah loogu gudbiyo degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Booliska degmada Dhoobley ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada qorshaysan, si loo sugo amniga loogana hortago ganacsiga maandooriyayaasha, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in Dhoobley ay tahay xuduud istiraatiiji ah, taas oo mararka qaar lagu soo gudbiyo alaabooyin sharci-darro ah, sidaas darteedna la adkeeyay hubinta iyo kormeerka gaadiidka soo gala magaalada.

Dhanka kale, maamulka degmada Dhoobley ayaa mar kale ku celiyay digniintii h**e, iyagoo sheegay in cid kasta oo lagu qabto maandooriyeyaal ama ka ganacsata la horgeyn doono sharciga, si waafaqsan xeerarka iyo nidaamka dowliga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Maxa...
07/10/2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Xasan Cabdulle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS.

Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid M...
03/10/2025

Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo, kaddib safar shaqo oo uu maalmahan ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Waxaa Madaxweynaha soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland, iyo dadweyne Kala duwan.

Address

Mogadishu
MUGADISHO

Telephone

+252616472186

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DAHAB Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to DAHAB Tv:

Share