ZAIM MEDIA

ZAIM MEDIA Waxad kaheliyasa waxa walbo oo idin xiiso galiyo

Dhulka Soomaaliyeed oo markale loo tashaday.khabar cusub iyo Soomaalida oo ka dhago la'.liran ayaa maanta heshiis la gaa...
06/05/2025

Dhulka Soomaaliyeed oo markale loo tashaday.

khabar cusub iyo Soomaalida oo ka dhago la'.

liran ayaa maanta heshiis la gaartay Itoobiya, kaddib booqasho uu Addis Ababa ku tagay taliyaha guud ee ciidanka Booliiska Iran, Jen. Ahmad Reza Radan, wuxuuna ka koobnaa 3 qodob oo kala ah:

1. Xiriira iskaashiga sirdoonka

2. ka hortagga dambiyada ka dhaca xudduudaha

3. kor u qaadista awoodda tababbarka iyo isdhaafsiga khibradaha.

wuxuuna heshiiskan la saxiixday dhiggiisa taliyaha Booliiska Itoobiya, Jen. Demelash Gebremichael.

Booqashada taliyaha booliska Iraan, ayaa ku soo aadday xilli uu Addis Ababa ku sugan yahay wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil Gideon Sa'ar, oo dhankiisa wadahadallo sare lagu qaadayo Iskaashiga amniga la yeeshay hoggaanka sare ee Itoobiys Abiy Axmed.

Waxaa ka horreysay heshiis bishii Maarso ay wada gaareen Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo ka koobnaa 3 qodob:

1. Iskaashiga amniga

2. isla wadaagga xogaha sirdoonka

3. iyo khibradaha hay'adaha ammaanka oo Booliisku ugu horreyo.

F.G. In Itoobiya ay wada qaabisho saddexda dal waxay cadayneysaa qorshaha Israa'iil ay ku dooneyso in ay culayska Qasa ka haysta isaga yarayso.

Waxaase qorshahaas nooga sii daran, damaca waallida ah ee ay Itoobiya ku hoos qarinayso.

Waxaa la diyaariyay oo mashruucii ugu dambeeyay lagu kala qaadanayaa in xoogagga xuutiyiinta gudaha Soomaaliya soo galaan si dagaal cusub oo u dhexeeya xulufada Israa'iil iyo Iraan ay kala wataan uga qarxo.

Taas oo ugu dambayntii dhalin doonta in ay isbahaysiga Israa'iil Soomaaliya kaga soo duuli doonaan Itoobiya iyagoo ka kooban Itoobiyaan, Israa'iilinyiin iyo Imaaraad, oo taageero buuxda ka heli doona Maraykanka.
Qorshaha dhabta ah ee ugu dambeeya ayaa ah, Israa'iil iyo Itoobiya in ay saldhigyo waawayn ka samaystaan deegaannada dhaca dhanka badda, gaar ahaan Seylac, lughaye, Berbera, meydh, Laas-qoray, Bari iyo Caluula oo taag badeed ah.

Marka uu mashruuca kan dhamaado Itoobiya toos ay ula wareegeysaa dhulkaas.

Maxaa nala gudboon oo awood af iyo idinba noo ah?

26/09/2022

Safarka Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ku tagay dalka Mareykanka ayaa horseeday guulo diblumaasiyadeed, kuwo dhaqaale, iskaashi amni iyo fursad dowladda soomaaliyeed ay kusoo bandhigtay gorshaheeda xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida kana adkaata kuwa diidan, Nabadda horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya

26/09/2022

Kooxda Al Shabaab oo bilowday Beerlawxsi cusub &
Deegaano cusub oo laga qabsaday

09/08/2022

Galka Barista: Qorshaha AI-Shabaab ee
duulaanka Itoobiya

https://sweatco.in/i/ibromohamud Check out this free app — It Pays to Walk 🚶
04/08/2022

https://sweatco.in/i/ibromohamud Check out this free app — It Pays to Walk 🚶

Join our 100M+ users to become part of the movement economy. Sweatcoin app converts your steps into sweatcoins — virtual currency that you can spend on products and services. It Pays to Walk.

25/07/2022

Munaasabadda soo dhaweynta Madaxweynaha JFS ee
Madaxtooyada dalka Masar.

24/07/2022
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY DALKA MASAR Qaahira, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali...
24/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY DALKA MASAR

Qaahira, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

24/07/2022

Address

Mogadishu

Telephone

+252617770722

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ZAIM MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ZAIM MEDIA:

Share