Hiigsi Iyo Hormar

Hiigsi Iyo Hormar Danta dadka iyo dalka somaliyed

Hambalyo Hambalyo Hambalyo walalkey CAWALE  CISMAN maxamed OO LOO MAGACABAY GUDOOMIYE KU XIGENKA DEG KAXDA walal guuleys...
28/11/2022

Hambalyo Hambalyo Hambalyo walalkey CAWALE CISMAN maxamed OO LOO MAGACABAY GUDOOMIYE KU XIGENKA DEG KAXDA walal guuleyso waliga allah kula garab galo howsha adag ee lagu idmaday

Abdishakur H Aden
Hiigsi Iyo Hormar

26/11/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xukunka haya 6 bilood iyo toban maalmood waxa uu booqasho ku tagay magaalooyin, degmooyin iyo tuulooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Dhuusamareeb, Garoowe, Beledweyne, Maxaas, Cadale, Wisil, Baxdo, Masaajid Cali Guduud, iyo Nuur-Dugle oo ka kala tirsan gobollada Bay, Galgagaduud, Hiiraan, Mudug, Nuugaal, iyo Shabeellada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa diiradda ku saaray gurmadka dadka ay saameysay abaarta wadanka ku dhufatay, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladdaha xubnaha ka ah.

Safarka Madaxweynaha ee Gudaha Dalka muddo lix bilood iyo toban maalmood ah, maxaad ku qiimeyn lahayd?

Xigasho Ibrahim maxamed aden

Qalcooyinka jihaadka ee Maxaas (Hiiraan), Baxdo (Galgaduud) iyo Wisil (Mudug) oo madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hogaamina...
19/11/2022

Qalcooyinka jihaadka ee Maxaas (Hiiraan), Baxdo (Galgaduud) iyo Wisil (Mudug) oo madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku kala bixiyeen degnooyinkaas.

Wuxuu ahaa socdaal dhiiragalin, dardargelin iyo hawlgalin ciidamada qalabka sida iyo mujaahidiinta dib u xoraynta oo bilihii u danbeeyey dagaal guulo weyn keeney ka gaaray furimihii kala duwanaa ee ay Khawaarijta kula dagaalameen

WQ Ahmed moalim fiqi

Abdishakur H Aden
Hiigsi iyo hormar

Ha Shareysan Cunqabateynta Hubka Ma qabo in la shareysto, Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo mar kale cusbooneysii...
19/11/2022

Ha Shareysan Cunqabateynta Hubka

Ma qabo in la shareysto, Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo mar kale cusbooneysiiyay Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Marka h**e, Soomaaliya, dhul ahaan waa dal ka bed weyn labadii dal ee gumeysan jiray oo la isku daray.

Waxay soohdin la wadaagtaa Dalal, xataa haddii aanay ayagu raalli ka ahayn, haddana aan aad uga warqabin wax aka tallaabaya bar kasta oo soohdinta aan wadaagno ah. Ma aha wax gobolkan u gaar ah ee waa sida ay u badan yihiin Dowladaha adduunku.

Waxaa intaa wehliya in Soomaaliya ay leedahay Xeeb aad u dheer oo u furan caalamka. Geddiga kale ee badda waxaa noogu sokeyso Yemen oo uu ka socdo dagaal horseeday in aanuu jirin hal maamul oo mas’uul ka ah shixnadaha ka dhoofaya xeebaheeda oo dhan.

Dhankeenna Ciidanka Dowladdu ma wada joogo soohdimaheenna oo dhan. Awoodna uma laha in uu is hor taago Dowlad ama koox qowleysato ah oo si qarsoodi ah, sharci darrana ah hub ku soo gelineysa geyigeenna.

Taas ayaa u suurta gelisa, ma ahan Shabaab keliya ee xataa Dowlad Goboleedyo iyo kooxo kale in ay la soo degaan hub aan Dowladdu ka warqabin, ama aanay u lahayn awood ay isku hor taagto.

Inkasta oo aan sharciga caalamiga ahi lahayn ilko, haddana Dowlad kastaa hal mar ka badan ayay ka fekertaa oo ay is weydiisaa haddii ay jebiso sharci caalami ah waxa uga imaan kara. Waxay isu miisaantaa qiimaha uu u leeyahay ujeedka ay u jebineyso sharciga iyo cawaaqibta ay ka dhaxli karto.

Mar haddii aynaan xudduudaheenna ka warqabin, ugu yaraan in uu jiro Qaraar Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo mamnuucaya in hub la keeno dalkeennu, waa difaaca koowaad.

Marka xigta, Cunaqabateynta Hubka ee saaran dalka Soomaaliya ma aha mid Dowladda ka mamnuuceysa hub oo dhan.

Inkasta oo aan Soomaaliya loo oggoleyn hub noocii ay doonto, haddana waxaa jirta wadiiqo ciriiri ah laakiin sharci ah oo Golaha Ammaanku uu Dowladda Soomaaliya ugu fasaxo in ay la soo degto hubka iyo rasaasta lagu qanco in ay hadda baahidoodu taagan tahay.

In aan la shareysan cunaqabateynta hubka macnaheedu ma ahan in la qabatimo oo abid lala noolaado. Waa in aanay na niyadjebin oo aan sii xoojinnaa galaangalka Midowga Afrika, Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Ammaanka, dalalka kale ee hadda Xubnaha ka ah Golaha iyo kuwa ka noqon doona.

Weliba annaga oo gurigeenna habeynay, lana kaashaneyna Afrika, waa in aan ka howlgalnaa in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay

Mahadsanid mudane
Yusuf Garaad

Abdishakur H Aden
Hiigsi iyo hormar

18/11/2022

Ma ogtahay in UK, USA, UAE, iyo Kenya ay u codeeyeen in Dalkeena Lagu sii haayo Cunaqabateenta hubka ? mase ogtahay in Dadlkaas qeebtoood ay naga taageeraan tabarka ciidankeena iyagoo noo ogoleen in hub casri ah ay helaan ciidankeena Qaranka ?

UN-ta Yaaban
Xigasho

Abdishakur H Aden
Hiigsi iyo hormar

17/11/2022

Xogaha Sirdoonka ayaa sheegaya in Shabaabkii ka dagaalamayey Hirshabelle ,Shabeleda dhexe iyo Galgaduud Awoodoodii la burburiyay 70%, Dagaaladii adkaa iyo Duqaymihii 10kii Isbuuc ee lasoo dhaafay socday ayaa naafeeyey oo hada meelihii laga soo baxay xataa way soo buuxin la'yihiin
Wabiga oo buuxa ayaa wax badan ka taray in dhallinyaro lagasoo qafaalay koonfurta fog aan lagu soo gurin aagagaasi.

Inkastoo shaqa adag la qabtay laakiin Hogaanka Ciidanka waxaa Xasuusinaynaa in Fursad ay kaga soo Kabsadaan Aragagaxisada aan la siin

Shaqo madhawa
Horaa loosoconaya insha Allah

Xigasho
Eng Fahad Ali Hassan

Abdishakur H Aden
Hiigsi iyo hormar

Qatar ayaa u digtey taageerayaal doonaya inay soo qaataan calanka Qowmu Luudka,Taliye Booliis General Cabdulcasiis Cabdu...
17/11/2022

Qatar ayaa u digtey taageerayaal doonaya inay soo qaataan calanka Qowmu Luudka,Taliye Booliis General Cabdulcasiis Cabdullaahi oo arintan ka hadlaya Wuxuu AP u sheegay Sidan .

“Haddii uu taageere kor u qaado calanka Qowmu Luudka oo aan ka qaado, sababtu maaha inaan u gefayo, laakiin waxaan rabaa inaan isaga ilaaliyo Naftiisa .

Sababtoo ah qof kale oo ag fadhiya ayaa laga yaabaa inuu weeraro,Kan lasoo baxay Calanka Qowmu Luudka, Ma dammaanad qaadi karo dhaqanka dadka oo dhan. Marka waxaan kuu sheegayaa Fadlan, looma baahna calankaas in kor loo taago xilligan, Adigoo ku Xadgudbaya Sharcigeena .

Haddii aad rabto inaad muujiso aragtidaada ku saabsan xaaladda Qowmu Luudka, ku muuji Meelaha bulshooyinka laga ogol yahay waxaas dhexdooda .

Waxaan ognahay in qof kasta uu ku helay tikityada, oo uu halkan Qatar u yimid si uu u daawado ciyaarta ee ma aha inuu ka mudaaharaado, fal siyaasadeed ama wax maskaxdiisa ku jira.

Daawo ciyaarta Taas ayaa kuu Wanaagsan,Laakiin Intaad noo imaatid Kuma caayi kartid Bulshadeena oo dhan Waxyaabahan aad aamin san tahay Darteed

Shaqo wacan taliye

Xigasho
Abdirizak Jubba

Abdishakur H Aden
Hiigsi iyo hormar

17/11/2022

Golaha wasiirada Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dagmooyin cusub oo ay yeelanayso dowlad goboleedka Galmudug.

Dagmooyinka cusub ee maanta la ansixiyay ayaa ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galguduud, waxayna kala yihiin, Dhabbad, Galinsoor, Bandiiradleey, Ceelguula iyo Afbarwaaqo.


Xigasho
Abdulahi Warsame

Abdishakur H Aden
Hiigsi iyo hormar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad lagu ...
17/11/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey (AUN) Sheekh Cabdulqaadir Jaylaani oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Caalamka Islaamka ee qaybta weyn ka qaatay fidinta Diinta Islaamka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in cullimada Soomaaliyeed gaar ahaan dariiqada Suufiyada ay tahay in ay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaallanka fikirka Khawaarijta sidii h**eyba loogu yiqiin

Xigasho
OPM Somalia

17/11/2022

𝙉𝙖𝙩𝙞𝙞𝙟𝙖𝙙𝙞𝙞 𝙠𝙖 𝙨𝙤𝙤 𝙗𝙖𝙭𝙙𝙖𝙮 𝙬𝙖𝙙𝙖-𝙝𝙖𝙙𝙖𝙡𝙡𝙖𝙙𝙞𝙞 𝙖𝙛𝙖𝙧 𝙜𝙚𝙚𝙨𝙤𝙤𝙙𝙠𝙖 𝙖𝙝𝙖𝙖 𝙚𝙚 𝙪𝙪 𝙏𝙪𝙧𝙠𝙞𝙜𝙪 𝙢𝙖𝙧𝙩𝙞-𝙜𝙚𝙡𝙞𝙮𝙖𝙮, 𝙝𝙚𝙨𝙝𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖 𝙢𝙖𝙧𝙞𝙣-𝙗𝙞𝙮𝙤𝙤𝙙𝙠𝙖 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙈𝙖𝙙𝙤𝙬 𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙡𝙖𝙜𝙪 𝙙𝙖𝙧𝙖𝙮 120 𝙢𝙖𝙖𝙡𝙢𝙤𝙤𝙙 𝙡𝙖𝙜𝙖 𝙗𝙞𝙡𝙖𝙖𝙗𝙤 19-𝙠𝙖 𝙉𝙤𝙫𝙚𝙢𝙗𝙚𝙧 2022, 𝙞𝙮𝙖𝙙𝙤𝙤 𝙡𝙖 𝙧𝙖𝙖𝙘𝙖𝙮𝙤 𝙜𝙤’𝙖𝙖𝙣𝙠𝙞𝙞 𝙖𝙮 𝙜𝙖𝙖𝙧𝙚𝙚𝙣 𝙏𝙪𝙧𝙠𝙞𝙜𝙖, 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙞𝙙𝙤𝙤𝙗𝙖𝙮, 𝙁𝙚𝙙𝙚𝙧𝙖𝙖𝙡𝙠𝙖 𝙍𝙪𝙪𝙨𝙝𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙐𝙠𝙧𝙖𝙞𝙣𝙚.

𝙒𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙨𝙞 𝙘𝙖𝙙 𝙡𝙤𝙤 𝙖𝙧𝙠𝙖𝙮 𝙨𝙞𝙙𝙖 𝙪𝙪 𝙢𝙪𝙝𝙞𝙞𝙢 𝙪𝙜𝙪 𝙮𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙛𝙖𝙖’𝙞𝙞𝙙𝙖𝙙𝙖 𝙪𝙪 𝙝𝙚𝙨𝙝𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖𝙣𝙞 𝙪 𝙡𝙚𝙚𝙮𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙨𝙖𝙝𝙖𝙮𝙙𝙖 𝙘𝙪𝙣𝙩𝙖𝙙𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙗𝙖𝙙𝙗𝙖𝙖𝙙𝙖𝙙𝙖 𝙘𝙖𝙖𝙡𝙖𝙢𝙠𝙖, 𝙞𝙮𝙖𝙙𝙤𝙤 4-𝙩𝙞𝙞 𝙗𝙞𝙡𝙤𝙤𝙙 𝙚𝙚 𝙪𝙜𝙪 𝙙𝙖𝙢𝙗𝙚𝙮𝙨𝙖𝙮 𝙡𝙖 𝙜𝙖𝙖𝙧𝙨𝙞𝙞𝙣𝙖𝙮𝙖𝙮 𝙞𝙣 𝙠𝙖 𝙗𝙖𝙙𝙖𝙣 11 𝙢𝙞𝙡𝙮𝙖𝙣 𝙤𝙤 𝙩𝙖𝙣 𝙤𝙤 𝙗𝙖𝙙𝙖𝙧 𝙞𝙮𝙤 𝙘𝙪𝙣𝙣𝙤 𝙖𝙝, 𝙠𝙪𝙬𝙖𝙖𝙨𝙞 𝙤𝙤 𝙬𝙖𝙩𝙖 𝙠𝙪 𝙙𝙝𝙖𝙬𝙖𝙖𝙙 ​​500 𝙤𝙤 𝙢𝙖𝙧𝙠𝙖𝙗.

𝙒𝙖𝙭𝙖𝙖𝙣 𝙟𝙚𝙘𝙡𝙖𝙖𝙣 𝙡𝙖𝙝𝙖𝙖 𝙞𝙣𝙖𝙖𝙣 𝙪 𝙢𝙖𝙝𝙖𝙙𝙘𝙚𝙡𝙞𝙮𝙤 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙞𝙙𝙤𝙤𝙗𝙖𝙮, 𝙈𝙧. 𝙂𝙪𝙩𝙚𝙧𝙧𝙚𝙨, 𝙓𝙤𝙜𝙝𝙖𝙮𝙖𝙝𝙖 𝙂𝙪𝙪𝙙, 𝙈𝙧. 𝙋𝙪𝙩𝙞𝙣, 𝙞𝙮𝙤 𝙈𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙐𝙠𝙧𝙖𝙞𝙣𝙚, 𝙈𝙧. 𝙕𝙚𝙡𝙚𝙣𝙨𝙠𝙞, 𝙤𝙤 𝙢𝙪𝙪𝙟𝙞𝙮𝙖𝙮 𝙧𝙖𝙗𝙞𝙩𝙖𝙖𝙣𝙠𝙤𝙤𝙙𝙖 𝙠𝙪 𝙖𝙖𝙙𝙙𝙖𝙣 𝙝𝙚𝙨𝙝𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖, 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖𝙣𝙖 𝙪 𝙝𝙖𝙢𝙗𝙖𝙡𝙮𝙚𝙮𝙣𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙘𝙞𝙙 𝙠𝙖𝙨𝙩𝙖 𝙤𝙤 𝙜𝙖𝙘𝙖𝙣 𝙠𝙖 𝙜𝙚𝙮𝙨𝙖𝙩𝙖𝙮.

𝙍𝙚𝙘𝙚𝙥 𝙏𝙖𝙮𝙮𝙞𝙥 𝙀𝙧𝙙𝙤𝙜𝙖𝙣

Abdishakur H Aden
Hiigsi Iyo Hormar

15/11/2022

SUBAX WANAAGSAN:-

•Ka cab biyaha meesha farduhu ka cabbaan, waayoo farasku weligii biyo xun ma cabbin.
•Sariirtaada dhig meesha bisadu seexato, waayoo waxay jeceshahay degenaanshaha.
•Gurigaaga ka dhis meesha masku fadhiisto si uu isu kululeeyo, waayoo halkaas waa dhulka xasilloon oo aan dumin.
•Cun khudaar badan- Waxaad yeelan doontaa lugo adag iyo qalbi adkaysi u leh sida xayawaanka kaynta.
•Dabbaalo mar kasta oo aad waqti hesho waxaadna dareemi doontaa inaad dhulka ku jirto sida kalluunka biyaha ku jira.
•Samada u fiirso intii suurtogal ah, fikradahaagu waxay noqon doonaan kuwo dhalaalaya oo cad cad

Maxaa yaab isdabayaal

Abdishakur H Aden
Hiigsi Iyo Hormar

KA TAG WAX LA TAABAN KARO.Halyaaygii dadaaleeWax ku tara dalkiisaa Diiwaanka gelayoo Dibna loo xasuustaa.Col. Maxamed Aa...
13/11/2022

KA TAG WAX LA TAABAN KARO.

Halyaaygii dadaalee
Wax ku tara dalkiisaa
Diiwaanka gelayoo
Dibna loo xasuustaa.

Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)
Qofkastaa waxuu taray Taariikhdu ma mooga

Xigasho Abwaan Guure

Abdishakur H Aden
Hiigsi Iyo Hormar

Address

Hiigsi Iyo Hormar
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiigsi Iyo Hormar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hiigsi Iyo Hormar:

Share