Nuurulquran

Nuurulquran welocme to my shorts

24/08/2021
24/08/2021

BARI ILAAHAY BAS

30/03/2021

Waxaan Dareemayaa in Salaadeyda Wax dhadhan ah ii laheeyn Hilmaan Ayaan Ku galaa Aniga Oo Maskaxiyan Meel Kale Ku Mashquulsan Waan Ka baxaa .... Maxaa Ugu Wacan .? Khushuuc mahayo.

Dadka Marka ay Salaadda Ku jiraan isku Arko Calaamadahaan Sida Adiga Oo Aan Ka Warqabin Waxa Aad Aqrineyso Maskaxda Oo iska baxdo Ayada Oo Meelo Kale isaga Mashquulsan

Dadka Noocaan ah Ma dareeman Macaanka Salaadda Waxaa Ku dhib ah inta Uu Taagan yahay Ama fadhiyo

Ma isku Aragtay Xanuunadan iyo Qaar Kale Haddii jawaabtu Tahay Haa Waxaa Lagu Hayaa Sidaad isaga Daaweeyn laheed Dib Ugu Soo Ceshan laheed Macaanka iyo Dhadhanka Salaaddaada.

Waxaan Ku dhaartay Rabbiga Koonkaan Abuuray Haddii Aad Raacdo Talaabooyiinka Aan Kuu Sheegi doono Mar dambe Salaada Hilmaam Kuma Tukaneysid iyo Qaflad Waxaadne Ka bixi doontaa Salaada adiga Oo Sii Rabo.

Marka H**e Waxaad Ogaataa in ay jiraan Dad Salaad Tukaday inta ay Nool yihiin Oo dhan 60sano Ama 70sano
Waxeey Maalinta Khiyaame tagi doonaan iyaga Oo Sacabo maran

Waxaa Ugu Wacan Waxeey Salaada Ku ilaalin jireen istaageeda Rukuucdeeda Sujuudeeda Lkn Salaaddaas Ma laheeyn Wax Khushuuc ah.

1= Marka H**e Waxaad badashaa Suuradaha gaa gaaban Aad Maalin Walba Sidaad U aqrineysay Carabka La qabsaday Maxaa yeelaay Maskaxda Wixii Lagu Cel Celiyo Si Automatic ah ayeey Ula qabsataa Hadhow dambe Markaad Salaad Xirato Oo Aad bilaawdo aqrinta Suuradihii Aad aqrin jirtay Maskaxda Waxeey Isku dayeysaa in ay Wax kale Oo Cusub Ku Mashquusho

2= Ka Hor intaadan Salaada Galin Sacad Ama Labo Saac Waxaad isku daydaa inaad Soo Xifdiso Labo Sadar Oo Quraan ah Ka dib isku day inaad Ku tukato
Waxaad Arki doontaa Maskaxda Oo Dareenkeedii Ugu badnaa Salaadaas isugu geeysay Meel kale Aadi meyso
Waayo Waxeey Heshay Wax Cusub ay Ku Mashquusho.

3= Waqtigaaga Firaaqada ah Ka Faaideyso inaad Ku shaqeysato Ama Wax Kheyr ah Ku qabato Shaydaanka Haka Ogolaan in Uu Kugu yiraahdo Waqti badan ayaad Haysataa Ee Waxaad aqrisataa Dhaman Musxafka Fikirkaas Lacnadan ka fogow Ee Waxaad aqrisaa Labo ama Sadax Ama Afax Sadar Aad Ku tukato Salaadada Soo Xigto Waxaad arki doontaa is badal Aad u ballaaran.

Maxaan Sameeyaa Faatixada Kuma Khushuuco Aniga Oo dhameey ayaan is arkaa .?

Taas Waxaa Kaaga filan Labo Qodob Oo Kala ah Kow inaad barato Macnaha Suuradda Al-faatixa Qodobka Labaad Waa inaad Niyada Ku qabato inaad Rabbigaa La Munaajooneyso Aad isu Jawaabeysaan Aad Hortaagan tahay.

Weeysada Ka daa boobsiiska Waxaad Ka dhigtaa Weysaqaadashada Midii Kugu dambeysay Nolohaada Camal Waxaad Ogaataa inaad La Kulmi doontid Markaad Masjidka tagtid Rabbigii Caalamka.

Waxaad Niyada Ku qabataa inad Hortaagan tahay Allah Caalamka Abuuray
Bal Suureyao Adiga Oo Imaam U ah Boqolal Musaliin ah Oo Salaad Kugu Xirtay Hal Khalad Hadii Uu Kaa dhaco Sida Loo Wada Qeeylinayo Kaliya Waxaad Ka tagtay Rukuuc Ama Sujuud

Markaad Sujuudo Haka gaabin inaad aqrisato Kalmado fudud Sida
"سبحان ربى الاعلى ....ثلاث مرات .
Ka dib Haka Hilmaamin Ducada Naftaada Waalidkaa Ehelkaaga Dadka Jiran Kuwa Muslimiinta ah Ee dhintay iyo Kuwa Nool.

Sidaa Haddii Aad Sameeyso Waxaad Tukatay Salaad Caaqibo leh Ajarkeedane Aad rabbi Ka Rajeeyneyso Macaankeeda iyo Dhadhankeeda Aad dareemi doonto

Allaah Ku bareekeyo Qoraalkan Haddaad Awoodo Ku faafi Shan Group Ugu yaraan
Ducadaada Ha iga Hilmaamin Jzkllh.

Sii garey wlal si ay u gaarto wlalaha kale.

Ya Allah! Convert our discomfort to comfort, our pains to gains, our minimum to maximum, our losses to profits, our tear...
09/03/2021

Ya Allah! Convert our discomfort to comfort, our pains to gains, our minimum to maximum, our losses to profits, our tears to smiles, our sorrows to pleasures, our bad wishers to well wishers, our debts to credits and our good dreams to realities. Ameen.

وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ
28/02/2021

وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ

ILAAHOOW KHAATUMO KHEER NA SII. Allaah SW, wuxuu yiri:- ﻭَﻣَﺎ ٱﻟْﺤَﻴَﻮٰﺓُ ٱﻟﺪُّﻧْﻴَﺎٓ ﺇِﻻَّ ﻟَﻌِﺐٌ ﻭَﻟَﻬْﻮٌ ۖ ﻭَﻟَﻠﺪَّاﺭ...
23/02/2021

ILAAHOOW KHAATUMO KHEER NA SII.

Allaah SW, wuxuu yiri:-

ﻭَﻣَﺎ ٱﻟْﺤَﻴَﻮٰﺓُ ٱﻟﺪُّﻧْﻴَﺎٓ ﺇِﻻَّ ﻟَﻌِﺐٌ ﻭَﻟَﻬْﻮٌ ۖ ﻭَﻟَﻠﺪَّاﺭُ ٱﻻْءَﺧِﺮَﺓُ ﺧَﻴْﺮٌ ﻟِّﻠَّﺬِﻳﻦَ ﻳَﺘَّﻘُﻮﻥَ ۗ ﺃَﻓَﻼَ ﺗَﻌْﻘِﻠُﻮﻥ.
Oo Macnaheedu yahay:- Nolosha Adduunyada ma aha Wax aan Ciyaar iyo Madadaalo aheyn, Guriga Aakharo ayaana u Kheyr badan kuwa Dhowrsan ee Miyeydaan wax kaseyin.

FIIRO GAAR AH.

Walaalka/Walaasha Muslimka ahow, mid Xasuusoow in dhamaadka Nolosha ay tahay Qubuur iyo soo saaris iyo soo Kulmin (Qiyaamada), laguuna Xisaabinaayo wax kasta aad Faafiso ama aad qorto. (Is xisaabi intaan lagu Xisaabin).

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

SAXAABIGII GEERIDIISA CARSHIGA U GARIIRAY.Taariikhdii Saxaabigii Sacad ibnu Mucaad.Sacad ibnu Mucaad RC, wuxuu ahaa Saxa...
22/02/2021

SAXAABIGII GEERIDIISA CARSHIGA U GARIIRAY.

Taariikhdii Saxaabigii Sacad ibnu Mucaad.

Sacad ibnu Mucaad RC, wuxuu ahaa Saxaabadii ugu miizaaniyadda weyneyd Saxaabada Rasuulka CSW, wauxuuna ahaa Nin Ansaari ah gaar ahaan, wuxuu ka dhashay Qabiilka Reer Ows, jilibkiisu wuxuu ahaa Reer banii Cabdi Ash-hal..

Saxaabigan wuxuu ahaa Nin dheer, oo Xoog badan , aadna u Qurux badan, wuxuuna Madax u ahaa qabiilkiisa Reer Cabdi Ash-hal iyo guud ahaan Reer Awsba.

Saxaabigan hooyadiis waxa la oran jiray Kabsha bintu Raafic waxayna ahayd haweeney Muslimad ah, sidoo kale Zaaskiisa iyadana waxa la oran jiray Hinda bintu Samaaka, waxaana isaga ka hor qabay Walaalkii Aws ibnu Mucaad, gabadhana wey islaantay, Caruurna wey u dhashay Sacad ibnu Mucaad.

Sacad ibnu Mucaad RC, waxaa soo islaamiyey oo Sabab u ahaa islaamnimadiisa Safiirkii koowaad ee Islaamka Muscab ibnu Cumayr, ka dibna wuxuu Sacad u tagay Reerkiisii Reer bani Cabdil-Ash-hal, wuxuuna yiri: Hadalkaygu waa idinka Xaaraan hadeydaan Islaamin, isla markiiba Qabiilkiisii oo dhan wey wada islaameen.

Sacad wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar ee uu Allah guusha siiyey Muslimiinta isagoona Nabiga CSW Teendhadiisa Horteeda ka Dagaalamaayay.

Dagaalkii Uxudna waa ka qeyb galay, wuxuuna ahaa Isaga iyo Cumar Saxaabadii fadhiisatay markay maqleen in Nabigii Ilaahay ee Muxamed CSW, la dilay ka dibna waxaa soo maray Saxaabiga weynaa ee
Anas ibnu Nadar oo Seeftiisa Siibtay, kuna dhahay: Maxaad la fadhiisateen dagaalama.

Waxay dhaheen: Nabigii baa la dilay, wuxuu dhahay: hadduu dhintay Nabigu kaca oo ku Dhinta wuxuu ku dhintay Nabigii Ilaahey, ka dibna Anas binu Nadar waa dagaalamay oo wuu Shahaado qaatay.

Sacad ibnu Mucaad wuxuu kale oo ka qeyb galay dagaalkii Weynaa Axzaab oo gaaladii Qureesh oo ahayd Afar kun oo Nin iyo Carabtii Reer bani Qadafaan oo ahaa Lix kun oo ay duulaan ku soo qaadeen Magaalada Madiina si ay u qabsadaan, waxaana dhagartaas kala qeybgalay Yahuudii Reer bani Qureyda oo Ballantii ay muslimiinta la lahaayeen ka baxday.

Si kastaba ha ahaatee Ilaahay ayaa gaaladii u soo diray Dabayl, ka dibn Hilfaha ayey dabayshaasi u kala qaaday Colkii weynaa, wey kala firdhadeen, waxeyna ku laabteen meeshii ay ka yimaadee

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nuurulquran posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nuurulquran:

Share