16/08/2026
DEG DEG: Somaliland oo ka hadashay booqashadii weftiga Qaramada Midoobey ee Woqooyibari ayaa ka dalbatay QM in booqashooyinkan oo kale ay kala tashato.
Warsaxaafadeedka SL ayaa lagu yidhi;
"​Somaliland waxa si buuxda uga go'an in ay fududeyso kaalmada bini'aadantinimo ee dhammaan bulshooyinka u baahan oo ay ku jiraan dadkayaga ku dhaqan Laascaanood, hase yeeshee Dowladda SL waxay rabtaa in ay hoosta ka xarriiqdo in booqashooyinka ay mas'uuliyiinta sare ee Qaramada Midoobay ku tagaan deegaannada xasaasiga ah dhanka siyaasadda iyo amniga lagu saleeyo marinnada diblomaasiyadeed ee dhisan, iyadoo ay jirto ogeysiin, lagatashi iyo isku-duwid ku habboon oo la sameysa Dowladda Somaliland."