
01/08/2024
Yaraanimadii, kolka waalidkay iyo dadka iga waaweyni inta ay iska fadhiistaan iina diraan hawlo ay iyaguba qaban karaan, waxa ay iila muuqatay in ay nafis isaga jiraan oo aan ka hawl badanahay ama hawshiiba aniga ii direen, mar uunbaan naawilayay(rejeynayay) in aan halkoodaa gaadhi doono noloshuna waqtigaa fududaan doonto.