Cafimaad cable Tv

Cafimaad cable Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cafimaad cable Tv, TV Channel, wabari district, Mogadishu.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeyb...
20/09/2023

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ayaa ka qeyb-galay kulan doceed heer sare ah oo looga hadlayay sare u qaadida badbaadada caruurta la il daran Nafaqo-Darada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loola dagaallami lahaa nafaqo-xumada ba'an ee ka jirta dalal badan oo dhaca gobolka oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo jihaynta istiraatijiyad dhammaystiran muddada dhow ee xalka looga heli lahaa Nafaqo darada iyadoo barnaamijka lacag-gudbinta ee loogu magac daray 'Baxnaano uu ka socdo Soomaaliya taas oo lagu taageerayo qoysaska nugul ee Caruurtoodu haleeshay Nafaqo darada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaakka Soomaaliya ayaa shir-duceedka ka jeediyey warbixin uu ku faahfaahinayey caqabadaha maalgelinta xaddidaya iyo wadashaqeynta lala yeeshay la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay ee gargaarka cuntada, oo ay ku jiraan cuntooyinka daweynta u diyaarsan (RUTF), taas oo lagu guuleystay in laga hirgeliyo 37 degmo oo looga hortagayo macluusha.

Waxaa sidoo kale uu soo hadal qaadey Wasiirka Mustaqbalka fog, taageerada ganacsiyada yaryar, beeraha, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee lama huraanka u ah bulshooyinka ay saamaysay Macluusha taas oo sabab u noqon karta maalgelinta joogtada ahi in ay dhaafto awoodda dawladda, waxayna Soomaaliya mudnaan siisaa maalgelinta cimilada taas oo ay ugu wacan tahay saameynta degdega ah ee isbedelka cimilada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go'an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo
leh.

Address

Wabari District
Mogadishu
252

Telephone

+252612270414

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cafimaad cable Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cafimaad cable Tv:

Share

Category