Cafimaad cable Tv

Cafimaad cable Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cafimaad cable Tv, TV Channel, wabari district, Mogadishu.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeyb...
20/09/2023

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ayaa ka qeyb-galay kulan doceed heer sare ah oo looga hadlayay sare u qaadida badbaadada caruurta la il daran Nafaqo-Darada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loola dagaallami lahaa nafaqo-xumada ba'an ee ka jirta dalal badan oo dhaca gobolka oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo jihaynta istiraatijiyad dhammaystiran muddada dhow ee xalka looga heli lahaa Nafaqo darada iyadoo barnaamijka lacag-gudbinta ee loogu magac daray 'Baxnaano uu ka socdo Soomaaliya taas oo lagu taageerayo qoysaska nugul ee Caruurtoodu haleeshay Nafaqo darada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaakka Soomaaliya ayaa shir-duceedka ka jeediyey warbixin uu ku faahfaahinayey caqabadaha maalgelinta xaddidaya iyo wadashaqeynta lala yeeshay la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay ee gargaarka cuntada, oo ay ku jiraan cuntooyinka daweynta u diyaarsan (RUTF), taas oo lagu guuleystay in laga hirgeliyo 37 degmo oo looga hortagayo macluusha.

Waxaa sidoo kale uu soo hadal qaadey Wasiirka Mustaqbalka fog, taageerada ganacsiyada yaryar, beeraha, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee lama huraanka u ah bulshooyinka ay saamaysay Macluusha taas oo sabab u noqon karta maalgelinta joogtada ahi in ay dhaafto awoodda dawladda, waxayna Soomaaliya mudnaan siisaa maalgelinta cimilada taas oo ay ugu wacan tahay saameynta degdega ah ee isbedelka cimilada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go'an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo
leh.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Hamza Abdi Barre iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeel...
18/07/2023

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Hamza Abdi Barre iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa si wadajir ah xarigga uga jarey Xarunta keydka daawada ee Soomaaliya.

Munaasabadda heerkeedu sareeyey ee xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Bullaale, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlanaanka Federaalka Soomaaliya Wakiilka Hey'adda WFP ee Soomaaliya Mr Mr El-Khidir Daloum, xubno kale oo ka socda WFP, madax kasocotey He'adda WHO, Agaasimayaal, Xubno ka socday xafiisyada kale ee Dowladda, Agaasima waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xaruntan ayaa loogu talagaley in lagu keydiyo dhamaan dawooyinka soogala dalka isla markaana laga maamulo dhamaan daawada lageynayo Maamulada iyo guud ahaan Gobolada dalka waxayna qeyb ka tahay gaaritaanka yoolka horumarinta Caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda Caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta iyo maaraynta ilaha daryeelka Caafimaadka, iyo qaybintooda dalka oo dhan.

Dhismaha bakhaarka kaydka dawada waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada Caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta yoolalka ay hiigsanyso xukuumadda danqaran ee ku qeexan qorshaha qaranka, waa tallaabo inoo sii dhawaynayo yoolka fog ee ah in ay bulshadeennu ku naalooto Caafimaad haqab-tiran, loo dhanyahay, loona simanyahay,

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegey in dhismahan uu fududayn doono maamulidda saanadda Caafimaadka guud ahaan, taas oo ka qayb qaadan doonto in ay fududaado bixitna adeegga Caafimaadka, uuna kala go ku imaan adeegyada Caafimaad ee ay xarumaha Caafimaadku u hayaan bulshada soomaaliyeed.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegey in Caafimaadku yahay adeegyada bulshada midka ugu muhiimsan ka xukuumad ahaanna ay si gaar ah ahmiyad u siinayaan horumarinta adeegyada Caafimaadka, waxa uuna sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ku booriyey in ay dardar galiso qorshayaasha wax ku oolka ah ee xoojinta nidaamka Caafimadka, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo deegaannada dhawaan laga xoreeyay khawaarijta oo aan wax adeegyo bulsho ah helin muddo badan.

Mashruucan muhiimka ah ee dhismaha keydka daawada Soomaaliya waxaa maalgelliyey Dowlada Jabaan iyadoona lasoo marsiiyey Hey'adda Cuntada Aduunka ee WFP, Dowladda Jabaan waxay ka mid tahay dowladaha taageera qeybta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an waxaa ka go'an horumarinta iyo tayeynta Caafimaadka si loo gaaro yoolka fog ee hiigsiga horumarinta Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan adeegyada bulshada.

Hooyo Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo  Farhiya Hussein Cali ayaa isbitaalka Banadir ku dhashay 4 Gabdhood oo mataano ah k...
16/05/2023

Hooyo Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Farhiya Hussein Cali ayaa isbitaalka Banadir ku dhashay 4 Gabdhood oo mataano ah kuwaas oo si caadi ah u dhashay.

Qoyska Maamada ayaa deggan deegaanka Oodweyne ee degmada Deyniile waxaana maamulka Isbitaalku noo sheegay in caruurta afarta ah iyo hooyadood ay wada nabad qabaan.

la soco faah faahin dhammeystiran Insha allaah.

12 MAY 2023 Maanta oo dunida looga dabaal dagaayo maalinka Caalamiga ah ee kalkaaliyaasha Caafimaadka aduunka ,  dhamaan...
12/05/2023

12 MAY 2023
Maanta oo dunida looga dabaal dagaayo maalinka Caalamiga ah ee kalkaaliyaasha Caafimaadka aduunka , dhamaan bahda Cafimaad cable Tv waxay u hambalyaynayaa dhamaan kalkaaliyaasha Soomaliyeed.

Kalkaaliyaasha Caafimaad waa laf dhabarka hanaanka adeeg bixinta Caafimaadka , waana mustaqbalka caafimaadkeena iyo dhowrista tayadiisa

.

Wafida ka socday Ururka Caafimaadka Aduunak ee WHO ayaa booqasho ku tagey Sheybaarka Dhexe, Isbitaalka Martiini iyo Mach...
08/05/2023

Wafida ka socday Ururka Caafimaadka Aduunak ee WHO ayaa booqasho ku tagey Sheybaarka Dhexe, Isbitaalka Martiini iyo Machadka Caafimaadka Qaran ka.

Wafdiga waxaa xarumaha kusoo dhaweeyey Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ahna Agaasimaha waaxda Daaweynta Qalabka iyo Xarumaha Wasaarada Caafimadka Dr. Maxamed Maxamuud Cadoow.

Ujeedadda booqashadda wafdiga waxa uu ahaa u kuur gelidda habsimi u socodka holwaha shaqo ee meelaha ey booqdeen, waxayna bogaadiyeen howsha baaxadda leh ee ka socota.

Sidoo kale wafadiga ayaa ka dhageestay warbixino madaxda qeybaha ay booqdeen taas oo ku saabsan holwaha ay bulshadda Soomaliyeed u ahayaan, iyo caqabadaha jiro.

Ugu danbayna Wafdiga ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Caafimaadka wixii caqabado ah oo jiro iyo sidoo kale in ay bogaadinayaanhowlaha aad ka u baaxadda weyn ee socda goobahaas.

Wasiirka Wasarada Cafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeybg...
06/05/2023

Wasiirka Wasarada Cafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeybgalay Munasabadda Maalinta Umilisooyinka aduunka oo sanad kasta 5ta Bisha May laga xuso dunida oo dhan.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maryama Maxamed Xuseen, lataliyayaal Sare, Mas'uuliin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiir iyo Marti sharaf kale.

Wasiirka ayaa ka hadalay muhiimada ay leedahay xirafadda Umulisanidama iyo doorka weyn ee ay ku leeyihiin yaraynta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka, waxa uuna sidoo kale xusay in ay Soomaaliya wali gaarin heerka hoos u dhiggidda Dhimashada Hooyada iyo dhallaanka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qalin jabinta Shan iyo Labatan (25) Arday oo dhameysatay Xirfadda Umilisanimada kuwaas oo ka baxay Schoolka Tababarka Umilisooyinka ee Wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa u mahadceliyay Hey’adda UNFPA oo tageero weyn u ah soo saarista Umulisooyin xirfad sare leh iyo sidoo kale yareynta dhimashada Hooyada iyo dhallanka, waxa uuna sidoo kale u mahadceliyay wadamada naga taageera Caafimaadka Hooyada iyo dhallanka gaar ahaa dalalka Finland, Sweden iyo Switzerland oo dhamaantood ka qeyb qaata horumarinta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka.

Hey’ada caafimaadka aduunka ee World Health Organization (WHO) Ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu dunida ka dhamaaday ...
05/05/2023

Hey’ada caafimaadka aduunka ee World Health Organization (WHO) Ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu dunida ka dhamaaday xaaladii degdegga aheyd ee caabuqa COVID-19

Ministry of Health- Somalia

Cafimaad cable Tv

HAMBALYO.HAMBALYO 5 MAY 2023 WAA MAALINTA UMULISADA ADUUNKA. waxaan dhamaan bahda Cafimaad cable Tv  u hambalyeeyneeynaa...
05/05/2023

HAMBALYO.HAMBALYO
5 MAY 2023
WAA MAALINTA UMULISADA ADUUNKA. waxaan dhamaan bahda Cafimaad cable Tv u hambalyeeyneeynaa umulisooyinka aduunka oo dhan, kuwaasoo lagama maarmaan u ah daryeelka hooyada marka eey umuleeyso, Nuunaha yarka ah iyo Ehelkoodaba.
International day of midwifery

Hambalyo Dhamaan Shaqaalaha Soomaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Caafimaadka
01/05/2023

Hambalyo Dhamaan Shaqaalaha Soomaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maant...
30/04/2023

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland ,Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.

Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi...
27/04/2023

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka India.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka India Dr. Ahmed Ali Dahir iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda ayaa Soo dhaweeyey Wasiirka iyo wafdigiisa iyagoona qaatey kulan kala war qaadasho ah oo ku saabsan caqabadaha ay wajahaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo daawa doonta dalka Hindiya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Dalka Hindiya Amb. Ahmed Ali Dahir ayaa Warbixin ku aadan dadka Caafimaadka usoo doonta dalka Hindiya siiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si looga gudbo xaaladaha adag ee ay wajahaan mararka qaar Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo dawa doonta Hindiya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye waxay xoojin doontaa ka warqabka caqabadaha ay wajahaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee arrimaha ku aadan Caafimaadka u aada dibadda, waxayna sii laba laabi doontaa xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradaha Caafimaadka ee dalalka Caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Cabdiweli Cabdullahi Jaamac,ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga darteed Hambaly...
21/04/2023

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Cabdiweli Cabdullahi Jaamac,ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga darteed Hambalyo udiray Bahda Caafimaadka Iyo Guud ahaan umadda Soomaaliyeed

Address

Wabari District
Mogadishu
252

Telephone

+252612270414

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cafimaad cable Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cafimaad cable Tv:

Share

Category