Yool TV

Yool TV Warar iyo warbixino muhiim ah. Fadlan ka mid noqo asxaabta nagu xiran oo Like saar bogga Yool TV. MAHADSANID

Madaxweyne Xasan Sheekh, ma waxaa lagu xanibay madaxtooyada Puntland gudaheeda. Qoraalkan hoose waxaa qoray xildhibaan k...
26/08/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh, ma waxaa lagu xanibay madaxtooyada Puntland gudaheeda. Qoraalkan hoose waxaa qoray xildhibaan ka tirsan baarlamanka Puntland.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BERI LOO DHAARINAYO XIL MUHIIM AH.Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo aya...
19/08/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BERI LOO DHAARINAYO XIL MUHIIM AH.

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa berri loo dhaarinayaa xil muhiim ah kaas oo ah xildhibaan abadiyan ah oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Dastuurka ayaa u ogolaanaya Madaxweyne Farmaajo inuu noqdo mudane ka tirsan baarlamanka, isagga oo helaya dhamaan xuquuqda xildhibaanada sida codeynta.

Farmaajo ayaa la filayaa dhaarinta kadib inuu soo fariisto qaar ka mid ah fadhiyada golaha shacabka.

Sii faafi xogtan, hadii aad ka mid tahay taageerayaasha Madaxweynihii h**e.

Kenya, waxay Soomaaliya ka faa'iiday 3-dii asbuuc ee ugu dambeeyay 10-milyan oo dollar. Lacagtan ayaa ka soo xerootay qa...
17/08/2022

Kenya, waxay Soomaaliya ka faa'iiday 3-dii asbuuc ee ugu dambeeyay 10-milyan oo dollar. Lacagtan ayaa ka soo xerootay qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya.

GOLAHA WASIIRADA SOOMAALIYA AYAA SOO SAARAY GO'AAMO MUHIIM.Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaar...
16/08/2022

GOLAHA WASIIRADA SOOMAALIYA AYAA SOO SAARAY GO'AAMO MUHIIM.

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.

Shirkan degdegga ah ee caawa oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

- Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka

- Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

- Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.

- Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

- Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

- Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
6. Wasiirka Maaliyadda
7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
10. Wasiirka Amniga Gudaha
11. Wasiirka Gaashaandhigga
12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
14. Culimada Soomaaliyeed
15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Ururada bulshada Rayidka

Nin Dhawaan Diinta islamka Qaatay Isaga iyo Familkiisa ayaa idaacad local ah oo ku taal Dalka faransiiska Waxeey Weeydii...
15/08/2022

Nin Dhawaan Diinta islamka Qaatay Isaga iyo Familkiisa ayaa idaacad local ah oo ku taal Dalka faransiiska Waxeey Weeydiisay Sababta ka danbeeysay in uu muslimo ? Wuxuu ku yiri Qisadan Waan jacalaay in aan idiinla wadaago sanadkii 1993 ayaa aniga iyo Xaaskeyga Waxaan dalxiis u tagnay dalka turkiga.

Meel tuulo ah ayaan nimid kolkaas ayaan Nin oday ah Oo gurigiisa jooga ku dhahnay , Adeero Hotel halkan ma laga heli karaa.?

Wuxuu nagu yiri halkaan hotel k**a dhawo ee waa habeene madoobe gurigey caawa iska seexda berritona iska sii wato socodkiin.
Waan is raacnay xagaa iyo gurigiis ayaanu u baxnay. Markaan xaafadiisa imaanay waxaan aragnay qol mugdi ah shan caruur ah joogto iyo labo qofood oo waayeelo ah.

Casho fudud ayuu noo keenay waanu cunay wuxuu nagu yiri halkaan iska jiifta adiga iyo xaaskaaga. Aniga iyo reerkeyga qol kale ayaan seexneynaa
Halkii baanu habeenkii barinay

Waagu markuu dilaacay ayaan is dhahay bal odaygii u mahad celi kana sii taga misne qolkii wax kuma jiraan banaanka ayan u soo baxay yaab!! waaba kanaa odaygii iyo ehelkiisii dhamaantood oo hal ka maqneeyn geed meeshaan ah hoos seexday qabow darane ku dhacaya. Xaaskeygii xaaladaa markii aragtay weey iska Ooysay 😭😭

Kolkaas ayaan ku iri 'waa kaasa dhaqanka islaamka ee ma ahan kuwa warbaahinta reer galbeedku ka faafinayaan ee dhaqan xumada ah.` Odaygii ayaan u tagnay waxaan weeydiinay sidee ayaan islamka ku bartaa..? Wuxuu ii dhiibay kitaab qu'aan ah oo English ku tarjuman. Labo bilood ayaan baranaay waana ku qancay waxaan qiray kalmada towxiidka
"لا اله الله محمد رسول الله صلي الله عليه وسلم "

Waana Muslimnay aniga iyo dhamaan qoyskeygii. Alxmllh. Waxaan ballan ku qaaday in aan diinta islaamka sii faafiyo Hadda waxaa gacanteyda ku soo islaamtay waxa ka badan 1000qofood.

Wiilkeygana wuxuu dalka "Roomeeniya, ku leeyahay xarunta ugu weeyn daraasadka islaamka halkii mar waxaa lagu islaamiyaa kumanaan qofood waxaa looga yimaadaa daafaha caalamka.

`Waad aragtaan walalayaal wadada ugu fudud ee lagu faafin karo diinteena waa dhaqan wanaaga waa midda ugu saameynta badan marka la eego wadooyinka kale.

"Xikmadda qisadan waxeey tahay
hal dhaqan oo wanaagsan Oo ah in uu Odayga martidiisa karaameeyay imisa ayuu ku helay oo ajar ah Sababna u noqday in eey umaddaas faraha badan sababtiisa ku soo islaamaan.

"Markad dhameyso sii faafi Wllo si dadka kaa danbeeyo u aqristaan ugana faa,iideystan qiimaha aqlaaq wanaaga.Adiga Ajar Inshllh.
Xigasho

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Ken...
15/08/2022

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Kenya.

Farmaajo ayaa yiri...

Waxaan dhambaal hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, oo ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay dalkaas. Aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasillooni.

Dowlads Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh ka dirtay kaniisad ku gubatay dalka Masar. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ar...
14/08/2022

Dowlads Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh ka dirtay kaniisad ku gubatay dalka Masar. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaja dibada Soomaaliya ayaa lagu qoray tacsidan oo la gaarsiiyay dowlada Masar.

Wararkii u danbeeyey ee Doorashada Kenya.Waxaa la galay maalintii lixaad ee doorashada, wax Ka yar 48 saac ayaa ka haray...
13/08/2022

Wararkii u danbeeyey ee Doorashada Kenya.

Waxaa la galay maalintii lixaad ee doorashada, wax Ka yar 48 saac ayaa ka haray waqtiga uu dhigayo sharciga doorashada ee ah in natiijada k**a dambeysta ah la shaaciyo.

Hubintii u dambeysay SANKA ay SANKA isugu hayaan Raila iyo Ruto, min 50%.

113 deegaan doorasho oo kaliya ayaa la hubiyey, tirada guud ee deegaan doorashadu waa 290.

Si rasmi ah, labada aqal ee baarlamaanka waxaa aqlabiyadooda helay William Ruto.

Gaabis badan ayaa jira, xilli lagu sii siqayo 7-da cisho ee ay tahay in aan la dhaafin.

Shacabku TUHUN badan iyo WALAAC ku shubasho ayaa ku abuurmay.

Xeyn-daabka Azimio oo ay dowladdu garabka saartay waxaa laga soo warinayaa in ay ka baaraandagayaan HABKII ay ugu shuban lahaayeen.

Ma fududa in Ruto, oo ah madaxweyne kuxigeen, qeyb ka ah nidaamka, saaxiibo ku leh, ku milan qudhiisu guddiga doorashada looga shubto.

Waa u “Geeri & Nolol” doorashada dalka iyo dadka Kenya.

W/Q:Maxamed Kaafi

Jacayl ayuu ku waayey dhimirkiisi !Maxamed Cabdinuur oo jira 65 sano wuxuu weli la dhibaatoonaya waali uu ka qaaday gaba...
13/08/2022

Jacayl ayuu ku waayey dhimirkiisi !

Maxamed Cabdinuur oo jira 65 sano wuxuu weli la dhibaatoonaya waali uu ka qaaday gabadhii ay is jeclaayeen oo balanta uga baxday, nin kale guursatay.

Balan taas ay gabadhaas uga baxday darteed oo maanta ay kasoo wareegatay 30 sano, wali Maxamed wuu u jirran yahay.

Xigasho:Universal TVe

12/08/2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisada ka taagan Somaliland, isagga oo baaq nabadeed u diray Somaliland.

Address

KM4
Mogadishu
2526

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yool TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share