14/06/2025
Cawaaqibta Ka Dhalan Karta Haddii Iran Xirto Marin-Biyoodka Hormuz
Marin-biyoodka Hormuz waa marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga shidaalka adduunka, wuxuuna u dhexeeyaa gacanka Faaris iyo gacanka Cummaan Waxa uu xuduud la leeyahay Iran iyo Imaaraadka Carabta, isagoo si gaar ah muhiim ugu ah dalalka soo saara shidaalka ee Khaliijka.
Marinkan waxa uu yahay midka ugu mashquulka badan adduunka ee ay maraan markab-xamuuleedyada shidaalka, waxaana la rumeysan yahay in badan 20% ka mid ah dhoofinta shidaalka caalamka uu ka gudbo marin-biyoodkan.
Iran, iyadoo ah dal xubin ka ah Gacanka iyo leh awood ciidan oo ka hawlgasha marin-biyoodka, waxay marar badan ku hanjabtay in ay xirin doonto marin-biyoodka Hormuz haddii cadaadis diblumaasiyadeed ama cunaqabatayn laga saaro, gaar ahaan marka ay khilaafyo ka jiraan barnaamijkeeda nukliyeerka ama cunaqabataynaha Reer Galbeedka.
Hadabada haddii ay xirto maxaa ka dhalan kara?
1. Saameynta Siyaasadeed
Kororka cadaaadiska Caalamiga ah
Xiritaanka Hormuz waxay toos u khalkhalgalinaysaa amniga gobolka iyo kan caalamka.
Dowladaha Reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, UK, iyo xulafadooda waxay u arkayaan tallaabadan mid dagaal oo wiiqaysa xasiloonida gobolka, ayna ka jawaabi karaan si milatari ah.
Waxaa dhici karta in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si degdeg ah u fariisto, loona arko in Iran jabinayso xeerarka caalamiga ah ee xornimada badda (freedom of navigation).
Xoojinta Isbaheysiyada Ka Dhanka ah Iran
Wadamo badan oo saliid dhoofiya ama ku tiirsan saliidda Khaliijka, sida Japan, Kuuriyada Koonfureed, iyo Shiinaha, waxay u arki doonaan Iran dal caqabad ku ah suuqyada tamarta. Arrintan waxay sababi kartaa in dalalkaas ay Iran ka fogaadaan siyaasiyan ama ay xitaa taageeraan dhinaca ka soo hotjeeda.
2 Saameynta Dhaqaale iyo Ganacsi
Sare U Kaca Qiimaha Shidaalka
Xiritaanka Hormuz waxay keeni doontaa kor u kac degdeg ah oo qiimaha saliidda iyo gaaska ah, taasoo saameynaysa suuqyada caalamka.
Cabsida suuqyada ayaa sababi karta hoos u dhac dhaqaale, sicir-barar, iyo koror kharashka tamarta ah oo dalal badan saameeya.
Saameynta Gobolka Khaliijka
Dalalka sida Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Kuwait oo saliidoodu u badan tahay mid marta Hormuz, waxay la kulmi doonaan hoos u dhac dakhli iyo xannibaad xagga dhoofinta.
3. Saameynta Milatari
Jawaab Celin Milatari
Mareykanka wuxuu saldhigyo ku leeyahay gobolka (Bahrain, Qatar, UAE), wuxuuna leeyahay joogitaan badeed oo joogto ah. Haddii Hormuz la xiro, ciidanka Mareykanka ayaa ku qasbaan kara in ay dagaal toos ah la galaan Iran
Israel, inkasta oo aysan si toos ah u saameyn karin xidhitaanka Hormuz, waxay kala qeyb qaadan kartaa dagaalka wadamada kale.
4 Qatar iyo Imaaraadka Carabta
Qatar waxay si weyn ugu tiirsan tahay dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee Liquefied Natural (LNG) taas oo Hormuz looga dhoofiyo. Xiritaanku wuxuu si toos ah u saameynayaa dhaqaalahooda.
Imaaraadka oo isku dayaya in uu noqdo xarun dhaqaale oo caalami ah, wuxuu la kulmi doonaa hoos u dhac maalgelin iyo sumcad xumo haddii marinka la xiro.
Taariikheed Ahaan.
Iran wali h**ey uma aysan xirin Marin Biuyoodkan:
1980-meeyadii, dagaalkii Iran iyo Ciraaq, waxaa jiray weerarro is-daba joog ah oo loo yaqaanay “Tanker War” markaas oo maraakiibta saliid sida ay labada dhinac beegsanayeen.
Iran waxay markaas isticmaashay miinooyin badeed iyo weerarro ay ku qaadaysay Hormuz, taasoo keentay in Mareykanku ku lug yeesho dagaallo dhanka badda ah.
Iran Hormuz waxa ay u isticmaashaa caddaadis siyaasadeed balse waligeed si toos ah uma aysan xirin.
Qaanuunka Caalamiga ah
Marin-biyoodka Hormuz wuxuu ku hoos jiraa xeerarka Qaramada Midoobay ee Xorriyadda Maraakiibta (Freedom of Navigation) ee lagu xusay heshiiska UNCLOS (United Nations Convention on the Law of the Sea).
In kastoo Iran aysan si buuxda u saxiixin heshiiskan, haddana xiritaanka marin caalami ah waxay noqon karta in ay ka dhalato cawaaqib aan la saadaalin Karin.
F.G. Haddii Iran xirto marin-biyoodka Hormuz:
Waxaa imanaya xiisad milatari oo khatar u ah gobolka oo dhan.
Suuqa saliidda adduunka wuu gilgilan doonaa, taasoo saameynaysa dhaqaalaha dunida
Iran waxay wajihi doontaa go’doon siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed
Jawaab celin militari oo degdeg ah ayaa dhici karta, iyadoo laga duulayo baahida caalamka ee tamar iyo ganacsi xorta ah