MAAN-GAL

MAAN-GAL page-kan waxa aan ku soo gudbin doonaa waxyaabo waxtar uleh bulsha weynta soomaaliyeed insha allah,

MAGACA SHEEKADA"Dabadeed Qofna Ma Hadhin !!" "And Then There Were None" Qaar kamid ah asxaabta qiimaha badan ayaa si gaa...
08/02/2021

MAGACA SHEEKADA
"Dabadeed Qofna Ma Hadhin !!"
"And Then There Were None"

Qaar kamid ah asxaabta qiimaha badan ayaa si gaar ah inoo soo waydiiyay su'aalo badan oo ku aadan xalqadii 1aad ee sheekada "dabadeed qofna ma hadhin" taa oo aan ka dheehanay Macno ahaan in aan si buuxda loo wada fahmi Karin sheekada.
Sidaa owgeed waxaan go'aansannay in aan mar labaad kasoo sameyno "Hordhac" kale kaa oo ka yara faahfaahsan kii h**e, si aad ula jaanqaadaan taxanaha sheekada ee sida joogtada ahi aynu usoo gudbin doono insh allah.

HORDHAC:

Hordhacani waxa uu ku saabsanaan doonaa saddex qodob oo muhiim ah kuwaa oo haddii aad fahamto aad wada fahmi doonto dhamaan qeybaha kala duwan ee sheekadu ay ka kooban tahay.

Qodobka 1aad:- Faaladda dhiganaha:

Faaladda dhiganaha: buugu waxa uu ka faaloonayaa 10 ruux oo aanan haba yaraatee wax ay wadaagaan aanay jirin isasoo jiidashana aanay ka dhexeyn oo ay isugu baaqday yeedhmo dahsooni jasiirad lama dagaan ah oo go'doon ah.
Si kadis ah iyada oo la casheynayo ayuu cod la duubay ka yeedhay halkii laga malaynayay ninkii loo martida ahaa, codkaas oo ruux kaste oo goobta ku sugnaa ku tuhmay inuu dil geystay.
Isla qacdii horaba kii koobaad ee loo baaqay waa uu xamili waayay oo meyd ahaan ayuu u gadoomay, warwarkuna waa uu sii baahayay gaar ahaan markii ay ogaadeen dadkan la isugu baaqay in dilaagu uu iyagu kamid yahay oo ku dhex jiro; una diyaar yahay inuu markale qur-gooyo cusub geysto, Kadib waxa ay usii yaryaraanayeen mid mid ilaa iyo aan qofna ka hadhin.

Qodobka 2aad:- Magacyada dadka sheekada ku jira:

Xubnaha ay sheekadu ku wareegeyso ama dadka aynu sheekada magacyadoodu ku maqli doonnaa waxa ay kala yihiin:
1. Mudane Owen, oo ah mulkiilaha jasiirada askarta iyo guriga ka dhisan ee lagu marti sooray kooxda.
2. Garyaqaan Lawrence Wargrave, oo ah garyaqaan rug cadaa ah oo dhawaan ka fadhiistay garyaqaanimada; Ahna ka ugu indheer garadsan kooxda.
3. Doctor Armstrong, oo ah dhakhtar ku noolaa London.
4. Dambi baare Henry Blore, oo ah dambi baare uu mudane owen u xil saaray in uu la socdo dhaqdhaqaaqa kooxda isagoo adeegsanaaya magac sameys ah oo ah "Davis".
5. General MacArthur, oo ah janan ciidannimada ka fadhiistay.
6. Marwo Emily Brent, oo ah islaan gumowday oo kiristan diinta ku dhagan ah.
7. Vera claythorne, waa macalimad tababare ka ah dugsi hoose oo hableed; barbaarisana u ahayd wiil yar oo la oran jiray Cyril.
8. Anthony Marston, waa wiil dhalin ah oo sal fudud.
9. Phillip Lombard, waa kabtan kamid ahaa ciidankii ingiriiska ee africa joogay waayihii gumeysiga.
10. Mudane Rogers, waa adeegaha guriga ee kooxdan u adeegaaya.
11. Marwo Rogers, waa xaaska Mudane Rogers waana adeegtada kooxdan iyadana.
12. Hugo Hamilton, waa wiil dhalin ah oo ay jecleyd vera claythorne, adeer runna u ahaa wiilkii yaraa ee Cyril.
13. Cyril, waa wiil ay barbaariso u ahayd Vera Claythorne.
14. Kytius Tailor, waa gabadh adeegto u ahayd islaanta Marwo Emily Brent.
15. ISAAC MORRIS, waa ninka isku xiraayay kooxda iyo Mudane Owen ee jasiirada keenay.
16. Fred Narracott, waa naaquudaha laashka kooxda jasiirada keenayay waday.
17. Henry Richmond, waa nin xiriir hoosaad la lahaa xaaska janan MacArthur.
18. Edward Seton, waa nin uu dil ku xukumay garyaqaan Wargrafe.
19. Mian, waa mid kamid ah dambi baarayaasha marka ay dadku martaan qadiyada xalinaaya.
20. Thomas, sidoo kale isna waa dambi baare kamid ah dambi baarayaasha qadiyada xalinaaya markii ay dadku madhaan.

Qodobka 3aad:- Qasiidada sheekada:

Sheekadan waxaa xiiso galinaaya oo xiiso gaar ah u yeelaaya 10 Kan qof oo ay mid kasta fariin uga imanayso saaxiib ay muddo badan kala maqnaayeen, fariintaas oo ka dalbaneysa inuu yimaado jasiirada askarta 8-da August; halkaas oo ay dhamantood iska soo xaadirinayaan waqtigaas balse isla marka ay soo gaaraan jasiirada waxa ay ogaanayaan in sidii wax loogu sheegay aanay waxba ka jirin.
Waxaa taa kasii daran marka mid kasta oo ayaga kamid ahi uu qolkiisa ugu tago tix gabay ah oo gidaarka qolka loogu dhajiyay, tixdaas oo u dhigan sida tan:-

□ "10 askari oo yaryar ayaa casho tagay midkood ayaa seexday, dabadeedna 9 ayaa hadhay"
□ "9 askari oo yaryar ayaa saama leelay ilaa soo dhawaadkii, midkood ayay hurdada la tagtay, dabadeed 8 ayaa hadhay"
□ "8 askari oo yaryar ayaa u safray xeebta Devon, mid ayaa yiri halkan ayaan ku harayaa, dabadeed 7 ayaa hadhay"
□ "7 askari oo yaryar ayaa xaabo jarjaraayay, mid ayaa labo isu kala jaray, dabadeed 6 ayaa hadhay"
□ "6 askari oo yaryar ayaa ku ciyaaray owlal shinniyeed, mid ayay qaniintay shini yuusaysa, dabadeed 5 ayaa hadhay"
□ "5 askari oo yaryar ayaa aaday garsoorka, mid ayay la hartay maxk**addu, dabadeed 4 ayaa hadhay"
□ "4 askari oo yaryar ayaa aaday badda, mid ayuu kaluun casi liqay, dabadeed 3 ayaa hadhay"
□ "3 askari oo yaryar ayaa aaday beerta xayawaanka, mid ayay buti wayni laabta galisay, dabadeed 2 ayaa hadhay"
□ "2 askari oo yaryar ayaa cadceeda fariistay, mid ayay falaarihii ku dhufteen, dabadeed mid ayaa hadhay"
□ "1 askari oo yar oo kali ah ayaa haray, isagiina wuu is daldalay, dabadeed qofna ma hadhin"

Saddexdaa qodob ee muhiimka u ah fahamka guud ee ku aadan sheekada ayaynu ugu talo galnay qeybtan, waxaan rajeynaynaa in si ka wanaagsan sidii h**e loo fahmay ilaa heer lala socon karo xalqadaha xiga ee taxanaha ah kuwaa oo kusoo food leh barteena MAAN-GAL.

Si aad isku hubiso inaad fahamtay, markii aad dhameysato oo aad ka bogato qeybtan, kulaabo xalqadii h**e (1aad) bal arag sida ay u kala duwanaadaan akhriskaagii h**e iyo ka dambe.

Akhriste adigoo mahadsan aragtidaada noogu soo qor qeybta comments-ka ama faallada.

Mahadnsanid, Akhristaha sharafta lahow.👍👍👍

Waxaad nagala soo xiriiri kartaa:-

Email: [email protected]

Page: https://www.facebook.com/MAAN-GAL

W/Q :- xyaxye



Goordhaw la soco xalqada 2aad akhriste.

MAGACA SHEEKADA"Dabadeed Qofna Ma Hadhin !!" "And Then There Were None" Waxaan ku bilaabi doonaa xalqada 1aad ee sheekad...
07/02/2021

MAGACA SHEEKADA
"Dabadeed Qofna Ma Hadhin !!"
"And Then There Were None"

Waxaan ku bilaabi doonaa xalqada 1aad ee sheekada, Halkan ayaanan kasii amba-qaadi doonaa sheekadan cajiibka ah haddii alle sw inoo ogolaado.

XALQADII 1AAD:
Xalqadani waxa aynu uga warrameynaa 10 kii qofood ee jasiirada looga wada yeedhay qaabka ay u yimaadeen iyo fariimihii soo kala gaaray kahor imaanshiyaha jasiirada.

Qofka 1aad:- Garyaqaan Lawrence wargrave ( Garyaqaan wargrave ):

Garyaqaan wargrave oo dhawaan ka howl gabay garyaqaanimada ayaa fadhiistay booskii uu ku lahaa khanka sigaar cabyada ee heerka 1aad isaga oo qiijinaaya sigaar, garyaqaan wargrave waxa uu jeebkiisa ka soo saaray fariin ku qoran far aan la akhriyi Karin balse ay si is-dhex daadsan oo la fahmi karo erayada qaar ugu xardhan yihiin wuuna akhriyay, fariintana sidan ayay u dhignayd: "mudane Lorentz sanado badan ayaa idlaaday aniga oo aanan war iyo wacaal midna kaa hayn waa inaa timaadaa jasiirada askarta, waa goob ay naftu u muhanayso arrimo badan oo aynu iska waraysaneynaana way jiraan sida bari samaadkii iyo deeganka oo aan ku tamashleyno Kuna cadceydsano ee soo raac tareenka kasoo baxaya Kowda oo labaatan la' (1:00) boosteejada paddington waxaana kugula kulmi doonaa oakbridge" farriin diruhu waxa uu ku saxiixay far qurxoon, fariinta hoosteedana waxaa ku qornaa "qofka daacada ah waligiiba..." ( Constance Culmington ).
Waxa uu garyaqaan wargrave ku laabtay garaadkiisii si uu si toos ah ugu xasuusto xilligii ugu dambeysay ee uu dheehdo ruuxaas ah marwo (constance culmington), waa hubaal inay markaas ahayd 7 sano kahor mayya 8 sano kahor markaas oo ay safar ugu baxeysay talyaaniga si ay ugu soo cadceydsato dabeecadana ugu soo tamashleyso.

Qofka 2aad:- Vera claythorne:

Vera claythorne, madaxeeda ayay gadaal u jiifisay indhahana way isku qabatay iyada oo saaran khanka 3aad oo ay ku wehlinayaan 5 rakaab ah oo kale "alla kululaa bay tiri tareenka aan maanta ku socdaalayo", dhab ahaan nasiibkeeda ayaa fiicnaa kolkii ay shaqadaa heshay waayo xilliga xagaaga way adag tahay in la helo shaqo dumar gaar ahaan (xog-heyn), xilligaa shaqooyinka la helaa waxa ay iskaga badan yihiin xanaaneynta koox caruur ah balse shaqooyinka xog-heyntu way adag tahay helitaan koodu.
Xattaa wakaalada shaqaaleysiintu badanaa yididiilo k**a muujiso shaqadaas, iyadoo ay sidaa tahay ayay u timi fariin u dhignayd sidan "waxa aan magacaaga ka helay wakaaladda haweenka xirfadleyda ah, iyaga oo si gaar ah adiga kuugu dardaarmayeen sida aan u fahmay shakhsiyadaada ayay garanayaan waxaa i farxad galinaysa in aan kuu sheego inaan kusiin doono mushaharka aad dalbato, waxaana aan kaa filayaa in aad si toos ah shaqada u bilowdo 8-August waxaana soo raaci kartaa tareenka kasoo baxaya kowda oo labaatan la' boosteejada Paddington, waxaana halkaa ka heli doontaa (boosteejada Oakbridge) cid kusoo dhaweysa waxaana kuusoo dhiibayaa 5 gani oo kaash ah oo aad masruufan doonto, ruuxa daacada ah
(Una Nancy Owen)" .
fariinta xageeda sare waxaa ku shaabadeysnaa ciwaan ah "jasiirada askarta~Sticklehaven, Devon".
Vera claythorne, markii ay dhameysay akhriska fariintaa waxa ay gashay xasuus, waxaa maskaxdeeda isku sawiray humaag si toos ah oo ah madaxii ( Cyril ) oo kor iyo hoos u sabbeynaaya isagoo u dabbaalanaaya dhanka dhadhaabka iyadana waxa ay gadaashiisa u dabbaalaneysay si xirfad iyo aqooni ku dheehan tahay biyahana si xowli ah ayay u jaraysay iyada oo og inaanay ka gaarayn xilli ku haboon.

Qofkii 3aad:- Philip Lombard:

Waxa uu Philip Lombard isha ku xadaayay gabadh soo hor fadhiday markiibana shakhsiyadeeda ayuu maleeyay, waxa uu ka fakaray isagoo isla hadlaaya "waa gabadh soo jiidasho leh laga yaabaa in ay macalimad tahay waxa ayna u muuqataa ruux dagan oo ah nooca ilaashada adkaanshahooda xilliga jacaylka iyo xilliga dagaalkaba", wajiga ayuu ururiyay oo dib ugu laabtay fikirkiisii isaga oo si hoose isugu yiri "iska dhaaf gabadha iyo warkeeda waxa aad ku jirtaa shaqo waa inaa shaqada xooga saartaa" kadib waxa uu is warsaday (muxuu yahay arrinkani dhab ahaantii !!!??).
Markaan Lombard waxa uu nin yahuudi ahi kala sheekeysan doonaa arrin la xiriirta shaqo, ninkuna waxa uu damacsan yahay inuu u sheego Lombard inuu tago jasiiradii askarta taa oo labadii qofood ee isaga ka h**eeyay loogu sheegay inay tagaan jasiirada askarta hab fariin qoraal ah.
Ninkani niska yar ee (ISAAC MORRIS) ee yahuudiga ah waxa uu ahaa mid arrinkiisu madmadow ku jiro markii uu yiri "Kabtan Lombardoow; ama yeel ama diid" waxa uu yiri Lombard isaga oo ku qarqoomay fikir "100 gini waa hagaag" waxa uu Lombard weedhaas yiri isaga oo aan u aabbo yeeleynin sidii in aanay 100-ka gini aktiisa wax qiimo ah ka lahayn, 100 gini oo soo galay weeye xilli aanu heynin wax ka badan qiimaha cuntadii ugu dambeysay uu markaa quudanaayay balse waxa uu dareemay ninkaan niska yar ee yahuudiga ahi in aan la dagi karin.
Arrinkaasina waa unuga ugu daran ee u gaarka ah yahuuda, kuma mardabeyn kartid yahuuda wax la xiriira hanti oo aqoon durugsan ayay u leeyihiin waxyaabaha ku lugta leh maalka iyo xoolaha.
Waxa uu Lombard ugu yiri si aanu ugu aabbo yeeleynin "ma igu kordhin kartaa (wax xog) oo kale", waxa uu ruxay mudane ISAAC MORRIS madaxiisii yaraa ee bidaarta lahaa isaga oo leh "maya Kabtan Lombardoow xogta aan hayo intaas uun ayay ku egtahay, ninka aan wakiilka ka ahay ayaa aaminsan in aad tahay nin sumcad la ciseeyo leh oo ku jira xaalad kakan; waxaan awood u leeyahay in aan ku siiyo 100 gini adiguna aad u ambabaxdo (STICKLEHAVEN oo ku taala DEVON) boosteejada ugu dhaw ee aad ka bixi kartaana waa (Oakbridge) waxa aadna halkaa kula kulmi doontaa ruux ku qaabila oo kugu geeya gaadhi Sticklehaven halkaas oo aad kasii heli doontid laash ku geeya jasiirada askarta marka aad halkaas gaartana waa inaad ka hoos shaqeysaa ninka aan wakiilka u ahay" si kadis ah ayuu u yidhi Lombard "muddo intee le'eg ayaan shaqada ku maqnaanayaa !!??", MORRISNA waxa uu ugu jawaabay ugu badnaan 7 cisho.

Qofka 4aad:- Emily Brent:

Waxa ay u fadhiday Marwo Emily Brent khanka dadka aan sigaarka cabin hab fadhigeedii yuubanaa ee caadada u ahaa, waxa ay ahayd guun shan iyo lixdan (65) gu' baarka ka goysay. Waxay xasuusatay fasixii xagaagii h**e balse sanadkani waxa uu ahaanayaa mid aad uga duwan kuwii h**e waayo waxa ay kusoo qaadaneysaa fasaxeedan jasiirada askarta.
Waxa ay dib u akhriday fariintii ay dhowr jeer h**e u akhriday ee ahayd: "qaalideydii marwa brent waxa aan rajeynayaa in aad i xasuusato waxa aynu wada joognay (Alberkadii Bell-haven) bishii August dhowr sano kahor waxa ayna u muuqatay in ay inaga dhexeeyeen dano badani, waxa aan furtay albeerko aan ka gatay jasiirada ku beegan xeebta DEVON; waxaana aan aaminsanahay in meel laga helaayo cunto dhaqameedii iyo ruux wanaagsan oo dadkii h**e ahi ay noqoneyso meel la jecleysan doono, inama dhibi doonto is qaawanaantii bilaa xishoodka ahayd iyo muyiisigii
(music-kii) kululaa ee saq-badhka la garaaci jiray, aad ayay ii farxad galinaysaa haddii aad timaado jasiirada askarta fasaxaagana aad ku qaadato si bilaash ah oo aad aniga marti ii tahay, haddii aad iga aqbashay marti qaadkeyga ma soo bixi kartaa horaanta August maalinkeeda 8aad; ruuxa daacada ah
《U. N. _》.
Marwo Emily Brent waxa ay garaadkeeda dib ugu weecisay dadkii ay kula kulantay bell-haven waxa ayna halkaa ku qaadatay labo xagaa oo xiriir ah balse way ku guuldareysatay in ay ogaato ruuxa ay fariintu uga timi .

Qofka 5aad:- General MacArthur:

Waxa uu eegay General MacArthur daaqadii khanka, tareenkuna waxa uu galaayay boosteejada (Exeter) halkaas oo uu ku badalan doono tareen kale balse wali uma ay cadaanin ruuxa uu yahay Mudane Owen waxaana uu la yahay inuu yahay saaxiibkii Spoof Leggard's ama Johnny Dyer's.
Waxa uu xasuustay weedhan oo kamid ahayd fariinta: "waxaa imaanaaya mid ama laba kamid ah asxaabtaadii h**e si aad uga sheekeysataan beri samaadkii". ~Ahhaa hagaag; ka sheekeysiga beri samaadkii waxa uu noqon doonaa mid dhadhan leh ayuu iskula showray General MacArthur.

Qofkii 6aad:- Doctor Armstrong

Waxa uu waday diktoor Armstrong gaarigiisii ahaa Morris-ka isaga oo ka gudbaayay bacaadka Salisbury aadna wuu u daalanaa, dhab ahaantii wuu guuleystay Dr Armstrong waqtigiisii oo dhammina mashquul ayuu noqday mana hayo fursad uu ku nafiso sidaa owgeed aad ayuu ugu faraxsanaa subixii uu aadaayay xeebta Devon ee uu ka tagaayay London bishii August si uu dhowr cisho ugu soo qaato jasiirada ku beegan xeebtaasi; fariinta uu helay waxay ahayd mid warkeedu madmadow ku jiro laakiin lacagta la socotay farriinta waxa ay ahayd mid aan wax dahsoonaan ahi ku jirin waxayna ahayd hanti wax gooneysa, waa ay caddahay in qoyska Owen ay lacagtu ka badatay.
Waxay arrintani ula ekaatay dhibaato yar oo la xidhiidha uun nin la warwaray fayada xaaskiisa oo doonaya in loo baadho iyada oo aan waxba la dareensiin waayo ma dooneyso xaaskiisu in ay dhakhtar isku ban dhigto oo waa ay dulqaad yar tahay, kadib waxa uu soo xasuustay dhacdadii soo martay 15 sano kahor Kuna dhawaatay in ay ku noqoto musiibo waxa uu ku dhawaaday inuu burji-jabo balse dhibtii gaadhay waxa ay ka dhigtay nin adag cabitaankii khamriga gabi ahaanbana faraha ayuu ka qaaday; iyadoo ay sidaa tahay haddana waxa uu ku sigtay inay dhabar jab ku noqoto.

Qofkii 7aad:- Anthony Marston:

Waxa uu guda-galay Anthony Marston inuu isla sheekeysto isaga oo gaarigiisa marinaaya jidka (Mere) waxaana uu yiri: "waxaan oo baabuur ahi waxa ay jidka u gurguuranayaan sida diinka waa wax aad looga xumaado, jasiiradani waxa ay noqon doontaa mid raaxo leh haddii ay cimilo gooreedu sidan sii ahaato".
waxa uu istowday, (tolow yay yihiin qoyskan Owen !!??) Waxay u eg yihiin in ay yihiin tujaar hantidu ka badatay haddana dib ayuu isku yidhi "waxa aan rajeynayaa in ay yihiin deeqsiyiin qofna ma garanayo dabciga dadka iyagu hantida tabcaday ee aan hantiilanimada ku dhalan" .

Qofkii 8aad:- DS William Blore:

Waxa uu raacay Mudane Blore tareenka gaabiya ee ka baxa Plymouth, khankaasna waxaa ku wehlinaayay hal ruux oo kali ah waana nin da' ah oo xushmadi ka muuqato oo leh indho daalay oo u muuqda inuu cimrigiisa badiba kusoo qaatay
bad-maaxnimo; markaasina ninka da' da ahi wuu hurday.
Waxa uu Blore si taxadar leh u qoraayay buug yar waxa uuna iskula faqay waa taas kooxdii:- Emily Brent, Vera claythorne, Dr Armstrong, Anthony Marston, Garyaqaanka gaboobay ee Lawrence Wargrave, Philip Lombard, Gen. MacArthur oo sita billada (Sian James) iyo billada (Sian George) iyo billada adeega sare ee howl wadeenka, Mudane Thomas Rogers iyo Xaaskiisa Marwo Ethel Rogers.
Kadib si kadis ah ayuu Blore u booday waxaana uu si warwar leh isugu eegay muraayadda daaqada; wajigiisa waxaa ka muuqday xoogaa muuqaal askarinimo ah waxaana uu lahaa shaarbo iyo heybad aan sii ridnayn waxaa kale oo uu lahaa indho
cowl-cowlan oo aad isugu dhaw, waxa uu yidhi Blore: "waxaan sheegan karaa inaan ahay sarkaal mayya alla waan ilaabay askariga duqa ah ayaa markiiba ifahmaaya, Koonfur Africa... haaa waxa aan sheeganayaa in aan kasoo jeedo Koonfur Africa waayo kuma jiro dadkaas ruux wax xiriir ah la leh koonfur Africa si waafi ahna waan uga sheekeyn karaa kadib markii aan akhriyay faylkan socdaalka ku saabsan".
Nasiib wanaag waxaa badnaa ragga ka kala yimi dhulalka uu ingiriisku gumeysto Mudane Blore-na waxa uu dareemay in uu awood u leeyahay inuu dadkaa ku dhex milmo.

Qofka 9aad iyo Qofka 10aad:-

waxa ay kala yihiin Mudane Thomas Rogers iyo Xaaskiisa Marwo Ethel Rogers waxa ay doonayaan in ay dalxiis tagaan balse xagaagani waxa ay u dalxiis tagi doonaan jasiirada askarta iyaga oo jecleystay goobtaas aan shanqadha lahayn ahna meel degan oo xeeb ku ag-taal.

Xalqadii 1aad intaas ayay ku eg tahay, haddii aad fahamtay waa sidii la rabay haddiise aadan fahmin qaabka ay sheekadani u socoto ama ay jirto qeyb ka mid ah oo aad fahmi wayday, waxaad naga soo weydiin kartaa qeybta gaar ka ah ee (send message) sidookale waxa aad noogu soo diri kartaa talooyinkaaga gaarka ah isla qeybtaas.

Akhriste haddii aad wada fahamtay xalqada 1aad ee sheekadan, maxay ahayd wixii kuugu yaabka badnaa ee aad ku dhex aragtay qeybtaan??
Kusoo qor qeybta comments-ka ama faallada.

Mahadnsanid, Akhristaha sharafta lahow.👍👍👍

Waxaad nagala soo xiriiri kartaa:-

Email: [email protected]

Page: https://www.facebook.com/MAAN-GAL

W/Q :- xyaxye



DhAMAAD_QEYBTII_1AAD

Dabadeed Qofna Ma Hadhin"And Then There Were None" HORDHAC :- Sheekadani waa sheeko cajiib ah lehna murti laga dhaxli ka...
04/02/2021

Dabadeed Qofna Ma Hadhin

"And Then There Were None"

HORDHAC :-

Sheekadani waa sheeko cajiib ah lehna murti laga dhaxli karo dhanka qorshe sireedka dahsoon taa oo aan la doonayn in la ogaado kana dhex curaneysa isla Koox dhexdeeda, si kale aan u dhahno waa sheeko dulucdeedu tahay 10 qof oo aan is garanayn ama is dhex gal xitaa uusan dhexdooda oolin kuwaa oo halmar oo qudha looga wada yeedhay qol yar oo ku yaala jasiirad ka fog beri degaanka nolosha ka suura gasho, waxaana kulmiyay kaliya farriin dahsoon oo ku dhaheysa qofkaste oo 10 kaas qofood kamid ah 《hebeloow waa inaa timaadaa maalin hebel halkaa》iyadoo waliba la raacinayay farriintaa dahsoon qofka shakhsiyadiisa iyo nooca shaqadiisa (job title) .
waxaa intaa sii dheer in qof kamid ah 10 kii qof uu fulinayo qorshe "dil wadareed ah" kaa oo sababaya in mid mid loo ugaadhsado 10 kii qofood iyada oo aanan la fahamsaneyn dilaagu qofka uu yahay.

Waxaan usoo gudbin doonaa taxane ahaan
La soco, xalqada 1aad goor dhaw insha Allah.

Magaca Buuga :- And Then There Were None 📚📚📖
Qoraaga dhiganaha :- Agatha Christie 👩‍💻👩‍💻👩‍💻
Shakhsiyadda Qoraaga :- waa haween dhalasho ahaan ah British ama English

Aragtida Qoraaga ee dhiganaha :- Agatha Christie, haweeneydani waxa ay qortay dhiganayaal/ buugaag badan balse buugani waxa ay ku tilmaamtay buug sheekeedkii ugu adkaa ee abid eey qortay.

markii sidaa uu ku tilmaamay qoraagii buuga waa uu dareemi karaa qofkaste in buugu uu xambaarsan yahay sheeko murti iyo dhanan leh ee waxaan idinku bogaadineynaa asxbaateena qiima badanoow inaad ka faa'ideysataan, wixii aragti ama ra'yi ahna waxaad inoogu soo diri kartaan qeybta faallada (comments section) fariin qaas ahna qeybta udir fariin (send message) . Mahadnsanidiin

📧 .com

W/Q :- xyaxye ✍✍✍

04/02/2021

muuqaalka qeybta sare ee barteena MAAN-GAL ( MAAN-GAL PAGE )

04/02/2021

Dabadeed Qofna Ma Hadhin

"And Then There Were None"

HORDHAC :-

Sheekadani waa sheeko cajiib ah lehna murti laga dhaxli karo dhanka qorshe sireedka dahsoon taa oo aan la doonayn in la ogaado kana dhex curaneysa isla Koox dhexdeeda, si kale aan u dhahno waa sheeko dulucdeedu tahay 10 qof oo aan is garanayn ama is dhex gal xitaa uusan dhexdooda oolin kuwaa oo halmar oo qudha looga wada yeedhay qol yar oo ku yaala jasiirad ka fog beri degaanka nolosha ka suura gasho, waxaana kulmiyay kaliya farriin dahsoon oo ku dhaheysa qofkaste oo 10 kaas qofood kamid ah 《hebeloow waa inaa timaadaa maalin hebel halkaa》iyadoo waliba la raacinayay farriintaa dahsoon qofka shakhsiyadiisa iyo nooca shaqadiisa (job title) .
waxaa intaa sii dheer in qof kamid ah 10 kii qof uu fulinayo qorshe "dil wadareed ah" kaa oo sababaya in mid mid loo ugaadhsado 10 kii qofood iyada oo aanan la fahamsaneyn dilaagu qofka uu yahay.

Waxaan usoo gudbin doonaa taxane ahaan
La soco, xalqada 1aad goor dhaw insha Allah.

Magaca Buuga :- And Then There Were None 📚📚📖
Qoraaga dhiganaha :- Agatha Christie 👩‍💻👩‍💻👩‍💻
Shakhsiyadda Qoraaga :- waa haween dhalasho ahaan ah British ama English

Aragtida Qoraaga ee dhiganaha :- Agatha Christie, haweeneydani waxa ay qortay dhiganayaal/ buugaag badan balse buugani waxa ay ku tilmaamtay buug sheekeedkii ugu adkaa ee abid eey qortay.

markii sidaa uu ku tilmaamay qoraagii buuga waa uu dareemi karaa qofkaste in buugu uu xambaarsan yahay sheeko murti iyo dhanan leh ee waxaan idinku bogaadineynaa asxbaateena qiima badanoow inaad ka faa'ideysataan, wixii aragti ama ra'yi ahna waxaad inoogu soo diri kartaan qeybta faallada (comments section) fariin qaas ahna qeybta udir fariin (send message) . Mahadnsanidiin

📧 .com

W/Q :- xyaxye ✍✍✍

03/02/2021

Waxaan halkan uga mahadcelinaynaa asxaabta qiimaha badan ee marwaliba ku xiran page keena MAAN-GAL, gaar ahaan waxaan markale u mahadnaqaynaa asxaabta ku cusub barteena MAAN-GAL, waxa aynu leenahay soo dhawaada marwaliba.
Waxaa kale oo idin ogeysiineynaa in aynu leenahay kanaal aad u muhiim ah kaa oo aynu kusoo gudbinno macluumaadyo xiiso leh xambaarsanna wacyi iyo aqoon intaba, si aad ula socotaan waxaan idiin reebo doonnaa link-ga kanaalka magacuna waa isla MAANGAL

https://Www.youtube.com/MAANGAL

Waxaa kaloo ku heli kartaan in aad ku qortaan button-ka YouTube ka ee searching-ka "kanaalka maangal" kadibna subscribe saar

Waxaad na gala soo xiriiri kartaa:-

Email: [email protected]

Mahadsanidiin dhamaantiin

04/10/2020

Asc, ugu horreyn walaal adigoo mahadsan booqo youtube kanaalkeena, linkiga waa kan hoos yaala
https://www.youtube.com/channel/UCHGCss3PX13TBIBaDOLlkZA
waa kanaal aad wax ka faa'ideyso waxaanan dhawaan soo dhigi doonaa muuqaal cusub marka booqo wll haddii aad ka heshana subscribe garee

sidookale page-kaan fallow garee oo kusoo biir hana ka ilaawin inaa like gareeyso waadna ku mahadsan tahay howsha aad qabatay, gaarsiina dhamaan asxaabta kale inta aad awoodo insha allah markale mhdsnid.

ugu danbeyn; "waan dadaali insha allah ee kamid noqo bahweynta nagu taxan".

DHAMAAN CIWAANADA BARAHA BULSHADA EE AAD IGALA SOO XIRIIRI KARTO:

youtube:https://www.youtube.com/maan-gal

facebook: https://www.facebook.com/MAANGAL1
ama ku qor qeybta search-ka

Instagram: https://www.instagram.com/hassan_yahye1

EMAIL: [email protected]

MHDNSNIDIIN DHAMAAN ASXAABTA KU XIRAN PAGE-KAAN

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MAAN-GAL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to MAAN-GAL:

Share

Category