Naani Kaambo Production

Naani Kaambo Production Head of Digital & Assistant Media Officer | Somali Football Federation | Football Journalist . Abdulkadir Muse Osman

Af maay maxaa lagu dhahaa Gobanimo Haday Kaa Dhab Tahay Kaama Wada Guurto 🙌
21/06/2026

Af maay maxaa lagu dhahaa Gobanimo Haday Kaa Dhab Tahay Kaama Wada Guurto 🙌

Soo dhoweyn iyo maamuus heer sare ah ayaa maanta loo sameeyay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee U-17, kuwaas oo si sh...
20/06/2026

Soo dhoweyn iyo maamuus heer sare ah ayaa maanta loo sameeyay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee U-17, kuwaas oo si sharaf leh uga soo laabtay tartankii CECAFA ee ka dhacay Tanzania.

Gabdhaha xulka qaranka waxay taariikh cusub u qoreen kubadda cagta Soomaaliya, iyagoo muujiyay karti, dadaal iyo waddaniyad mudan in lagu daydo. Safarkooda wuxuu noqday mid dhiirrigelin u ah jiilka soo koraya iyo horumarka kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed.

Waxaan u hambalyeynaynaa ciyaartoyda, macallimiinta, maamulka iyo dhammaan intii garab istaagtay xulka intii uu socday tartanka.

Guushiinnu waa guusha Soomaaliya.
Soo dhowaada halyeeyada qaranka

19/06/2026

Hambalyo Najma Inkastoo adan u qalmin 10k follow Oo aad uqalantid 1malyan

Shaqo adag, waqti badan iyo dadaal kadib Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee U-17  ayaa maanta nosoo  geba-gaboobay W...
19/06/2026

Shaqo adag, waqti badan iyo dadaal kadib Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee U-17 ayaa maanta nosoo geba-gaboobay Waxaan nasiib u helay inaan sawirro xusuus iyo sharaf leh la galo gabdhaha geesiyaasha ah ee taariikhda cusub u qoray kubadda cagta Soomaaliya.

Waxay muujiyeen karti, adkaysi iyo waddaniyad, iyagoo noqday jiilkii ugu horreeyay ee guulo iyo rikoorro cusub u horseeda kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed. Farxad weyn ayay ii tahay inaan qayb ka noqdo safarkooda taariikhiga ah, isla markaana aan diiwaangeliyo xilliyadan aan la illaawi doonin.

Hambalyo gabdhaha xulka qaranka U-17, hambalyo Soomaaliya. Taariikh ayaa la sameeyay, jiilasha dambena way ku dayandoonaan.

Ganacsade Maxamed Garguurte ayaa caawa casho sharaf u sameeyay gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu ka hoosey...
18/06/2026

Ganacsade Maxamed Garguurte ayaa caawa casho sharaf u sameeyay gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu ka hooseyso 17 jir, kuwaas oo taariikh cusub u qoray kubadda cagta Soomaaliya.

Casho-sharaftan ayaa ahayd mid lagu muujinayay dhiirrigelin, taageero iyo bogaadin loo fidiyay ciyaartoyda da’da yar ee si geesinimo leh u matalaya dalkooda, isla markaana hormuud u noqday horumarka kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa ku soo beegantay xilli gabdhaha xulku ay muujiyeen dadaal, karti iyo niyad adag, iyagoo Soomaaliya ku metelaya tartanka CECAFA U-17 ee ka socda Tanzania.

Taageerada noocan oo kale ah waxay dhiirrigelin weyn u tahay ciyaartoyda da’da yar, waxayna xoojinaysaa rajada mustaqbalka kubadda cagta haweenka Soomaaliya.

18/06/2026

Ilmo majiraan 🤣🤣🤣😂

Sawiro - Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dar es Salaam, Tanzania, ayaa maanta soo dhaweyn iyo martiqaa...
18/06/2026

Sawiro - Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dar es Salaam, Tanzania, ayaa maanta soo dhaweyn iyo martiqaad sharafeed u sameysay Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee ka qeybgalaya Tartanka CECAFA U-17 Women’s Championship 2026.

18/06/2026

Ilaahayow u naxariiso waalidiinteeda, una dambi dhaaf Iyadana ku mannayso mustaqbal ifaya jidka khayrka iyo guushana ku hag Ka ilaali xumaan kasta cadowgeedana ka dhowr farxad caafimaad iyo barwaaqana ku galladeyso Aamiin.
🤲❤️

Taageere Cr7 Ugu Talagalnay sawirkaan 🔥🤟🏼🤟🏼
18/06/2026

Taageere Cr7 Ugu Talagalnay sawirkaan 🔥🤟🏼🤟🏼

Waxaan idinka soo salamayaa Safaarada Somalia Ee Dalka Tanzania 🤟🏼🤟🏼🤟🏼
18/06/2026

Waxaan idinka soo salamayaa Safaarada Somalia Ee Dalka Tanzania 🤟🏼🤟🏼🤟🏼

Address

Povey Cross Road, Gatwick
Mogadishu
9357

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naani Kaambo Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Naani Kaambo Production:

Share