02/01/2023
"Magaalada laascaanod waxa ka socda wax loo dulqaadan karo iyo wax indhaha laga qarsan karo maaha.
Dulmiga lagu hayo dadka reer laascaano mid waaraya maaha waana ogahay dhibtaa cidda gaysanaysa inaan lala xisaabtami doonin balse alle Wayne ma mooga waxay daalimiintu samaynayaan.
Dadka reer laascaano iyaga ayaa xor u ah talada magaaladooda gobolkooda iyo haday doonaan maamulkoodaba.
Ciidamada magaalada gudaheeda shacabka maatada ah maalintii 8aad ku laynaya sinaba uma heleyaan marmarsiiyo ay ku banaystaan sii daadinta dhiiga shacabka.
Ciidanka somaliland waa inay laascaano ka baxaan, kuwa kalana aysan galin si ugu yaraan xasiloonidii magaalada dib loogu soo celiyo."
H.E Abdillaahi Abdirisak Muuse